Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Oo La Kulmay Ergayga Midowga Yurub

0
507

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Berlanga oo dalka booqasho ku jooga.

Kulankan oo ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa lagaga wada-hadlay Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada ee Somaliland, kuwaasi oo sida ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan ay Xisbiyadu ka heshiiyeen Toddobaadkan.

Labada Guddoomiye ayaa Danjiraha uga xog-warramay heshiiska laga gaadhay Qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada iyo sida ay Midowga Yurub looga baahan yahay in maaddaama oo Somaliland dhamaysatay arrimaheedii gudaha ee Doorashada la xidhiidhay ay gacantooda ka geystaan isla-markaana oodda ka soo qaadaan Taageradooda dhaqaale ee ay ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan qabashada doorashooyinka Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Ergayga Midowga Yurub uu soo dhaweeyay in Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu ka heshiiyeen qabsoomidda doorashada, iyaguna midowga Yurub ahaan ay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.

 

Geeska.net/Hargeisa Office