“Markaan Mucaaradka Ahaa Waxa Dareenkayga Ku Jirtay Dawladdaa Ka Dambaysa (Colaaddii Ceel Af-Weyn), Laakiin…” Wasiir Siciid Sulub

0
573

Hargeysa (Geeska) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland,  Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay inay wax ka iska beddeleen Aragti uu ka haystay Colaaddii dhamaatay ee Ceel Af-weyn.

Wasiir Siciid Sulub oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Ceel Af-weyn ayaa sheegay in markii uu Mucaaradka ahaa uu dareensanaa in Dawladdu ka dambayso Colaaddii la soo afjaray ee Ceel Af-weyn, balse intan uu Dawladda ka mid ahaa ogaaday in aanay Dawladdu ka dambayn, balse ay jiraan awoodo kale oo ku lug leh Colaadda.

Wasiirka oo ugu horrayn ka hadlaya dhibaatada ay leedahay Colaadda sokeeyuhu ayaa yidhi “Colaadda waxa ugu xun ta xigtada, waxa ugu xun ta dadka isku deegaanka ah, waxa u xun Colaadda Dadka wax isku ah, ta Dadka israad garanaya ayaa u xun, Colaadda Raagtay waxay ku raagtay Dad aan meelna kala tagayn oo isku mid ah, oo Inan iyo Aabbihii ah, Inan iyo Abtigii ah ayaa isku basharmay, waa Masiibo.”

Wasiir Sulub waxa kale oo uu sheegay “Markii aan Mucaaradka ahaa waxa la odhan jiray, anigana Dareenkayga ku jirtay Dawladahaa ka dambeeya (Colaaddii Ceel Af-weyn), Dawladdii hore iyo Tan aan Anigu ka mid noqday, laakiin intaan Dawladda galay waxbaan ka yar arkay Ciddii Colaadda ka dambaysay ee Dawladda maaha, siyaasadi way ku jirtaa, laakiin Dawladda maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Odayaasha halkaa fadhiyaa ma aqli la’a, Markay Caqligooda soo dejiyaan Shaydaan Dhanxiir baa dhegta wax ugu haya, waa illaa London, waa illaa Maraykan, waa illaa Yurub, waa illaa Hargeysa, waa illaa Burco, (waxa la odhanayaa) ha qaadan Nabad..”

Wasiir Siciid Sulub wuxuu sheegay inay jiraan Kooxo abuurnay oo lid ku ah Nabadgalyada deegaanka “Kooxo nabaddii ku abuurmay oo dhaqan iyo wax kasta leh (ayaa jira), markaa khatar badan bay nabaddii gashay.” Ayuub yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xaaladda Maanta barbar-dhigay tii xilliyadii hore “Dadku markay Nabaddi jireen Telefoonkan baasna ma jirin, Gaadhigan Xiimayaana ma jirin, Dadku iyagaa is dilay oo haddana heshiin jiray, laakiin imika dhaqaaluhu meel kale ayuu ka imanayaa, hadalku meel kale ayuu ka imanayaa, Taladu meel kale ayay ka imanaysaa, markaa wixii Colaadda waday waxbaan ka arkay oo reer Ceel Af-weyn oo qudha maaha..”

Geeska.net/Hargeisa Office