Hogaamiyihii Jarmal Ka Bari Erich Honecker Iyo Fidel Castro Oo 1977 Kii U Dhagar-Maleegaaya Soomaaliya

0
838

Picture3waxa isku jira is-dhalyo aan dabiici ahayn oo ka timid isku darka niman askar ah oo soo maray iskuuladii gumaystaha, iyo is muujin hanti-wadaagnimo. Isku soo wada duuboo, Siyaad Barre wax ka mid ah Hanti-wadaagnimada ayaa soo jiitay, waxa se wadanka si wayn u ga jira ka la sed-roonaan iyo cadaalad darro. Guud ahaan na, fikradaha dhabta ah ee Siyaad Barre waxay ku qotomaan waa wadaniyad iyo qab-bilaash ah, ma aha Hanti-wadaag.    Hadaf kiisu waxa uu yahay waa uun Siyaasad duugowday: saaxiibtinimo iyo ereyo macaan. Siyaad Barre wuxu u hadlaa sida nin xikmaawi ah oo kale; kaliya wuu hadlaa uun. Hogaamiyayaal siyaasadeed oo badan, oo aan aqaano aad buu u ga duwanyahay. Hogaamiyayaasha Masar (Anwar Sadat), Aljeeriya (Houari Boumedienne), Mozambique (Samora Machel), Angola (Agostinho Neto) iyo kuwo kale oo badani ba waa shakhsiyado adag. Sidaas oo ay tahay, hadana way ku dhagaysan karaan, ma na aha kuwo qandhadh ah oo mar kasta isla quman. Dhamaantood waa kuwo la la hadli karo. Siyaad Barre wuxu isu qabaa in uu gaadhay figtii ama heerkii u gu sareeyay ee xikmadda. Ilaa iyo imika arimuhu si toosan bay u gu socdaan. Talyaani ga iyo Ingiriis ka ayaa janan (General) ka dhigay. Kacaankii isla daqiiqaddii ba wuu hirgalay, iyada oo aan xataa hal xabad na la ridin. Waji Hanti-wadaag buu soo gashaday, caawimo dhaqaale iyo hub na Soofiyeed ka (Soviet Union) ayuu ka helay. Wadankiisu waa mid muhiimad saraysa leh, isagu na wuxu jecelyahay mudnaanta. Barre aad buu isu gu khushuucsanyahay. Hadalkiisa ku saabsan Hanti-wadaaggu ma aha mid la xamili karo. Waa hanti-wadaag ga ugu wayn; toban erey ma odhan karo isaga oo aan hanti-wadaagnimada soo qaadin.

Qaab-hadal kiisa noocaas ah ayuu shirka dhexdiisii Mingisto ku la hadlay. Wuxu bilaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Itoobiya, Mingisto na ka dalbaday in uu yeelo tabtii uu Lenin sameeyay oo kale – ka takhalus Boqortooyada Itoobiyaanka – buu yidhi. Mingisto daganan buu muujiyay, waxaanu yidhi: anaku xal waanu doonaynaa, diyaar na waanu u nahay, waxaana loo baahanyahay in talaabooyin kii u gu horeeyay oo muuqda la qaado si labada dhinac ay is faham u gaadhaan. Siyaad Barre si jeesjees ah buu hadalkaas ka ga jawaab-celiyay, waxaanu sheegay in uu ka niyad jabay Mingisto, hogaanka kacaanka Itoobiya na ay la yimaadeen caqliyaddii Xayle Salaase oo kale uun. Kulan ku wuxu soo bilaabmay 11 kii habeenimo, wax xal ahi na ma soo muuqanin haba yaraatee. Halkaas markii la maraayay, ayuu Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku Xigihii Kuuba) soo jeediyay talo ah in la sameeyo gudi joogto ah, oo xal raadisa, xubno na ay ka yihiin wakiilo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadii Dadwaynaha ee Yemen. Anaku na (Kuuba) in aanu gudigaas joogtada ah ka mid noqono waxa na gu khasbay gabi ahaan ba qaybihii ka la duwanaa ee shirka ka soo qayb galay. Siyaad Barre wuxu sii waday in uu jilo door kiisii ahaa nin wayn oo xikmad leh, ah na hantiwadaaga u gu wayn iyo, shuuci ga u gu wayn. Isla goobtii, wuxu u hadlay si af-miishaarnimo ah, isaga oo sheegay in waftiga Soomaalidu ay yihin koox talo wadaag ah, kalsooni na ka haysta xafiiska siyaasadda, ayna tahay in uu tashi ku la noqdo marba hadii uu yahay uun qof kaliya oo ka mid ah kooxda.

Nasasho gaaban oo waftigiisa uu gooni u gu soo arkay ka dib na, wuxu soo jeediyay wada hadal fool-ka-fool ah oo ay isaga iyo Mingisto wada yeeshaan. Mingisto oo hadaladii hore ee Siyaad Barre awgeed dareemay meel-ka-dhac iyo kalsooni darro, wuxu sheegay in uu kulan ka noocaas ah ogolyahay, laakiin hadda aanu diyaar u ahayn. Waa in la isla meel dhigo arintii gudiga joogtada  ah. Iyada oo kulankii sii socdo, saacaddu na 3:15 habeenimo ay marayso, ayuu Siyaad Barre keenay qoraal uu soo diyaariyay, kaas oo uu ku ogolaaday dhismihii gudiga joogtada ah, laakiin shaqadeeda koobaad uu ka dhigay in ay noqoto xalinta arinta xuduudaha. Taasu waxay ka dhignayd, in shaqada gudigu ay bilawga ba ku dhaqaaqdo arinta dhulka. Maxaa la filan karaa in ay Itoobiya ka ga jawaab-celiso qaabkaas daandaansi ga ah. Intii la gu jiray nasashada, waxan la hadlay Mingisto, ma nuu qarsanin sida uu Siyaad Barre u diidanyahay. Sidoo kale, waxan la kulmay Siyaad Barre, waxaanan waydiiyay in uu dhab ahaan doonaayo in xal la gaadho iyo in kale. Wuxu I gu yidhi – su’aashaas waa in uu Mingisto ka jawaabo. Wuxu sii waday qaab-hadal kiisii kacaanyahanimada ahaa, isaga oo yidhi – qof ay dhab ka tahay hanti-wadaagnimada, kacaanyahanimada iyo shuucinimadu ma aha in uu indhaha ka qarsado waaqica hortiisa yaala. Wuxu yidhi – dhab ahaan Mingisto waa nin adag, talaabooyin adag na wuu qaaday, maxay tahay sababta uu sidaas oo kale go’aan adag oo sax ah u gu qaadan waayay goobtan iyo goortan aynu joogno, ee uu u xalin waayay xaajada meesha taala?

Jawiga noocaas ah, waxa I la soo gudboonaatay xaalad adag, oo ay tahay in aan laba uun midkood yeelo – in aan iska aamuso, iyo in aan ka hadlo sida aan u arko mawqif ka Siyaad Barre. Sidaas darted, waxan go’aansaday in aan badheedho sababaha soo socda awgood:

 1. In aan afka xidho waxay ka dhignaan lahayd, taageero aan u muujinaayo siyaasadaha Soomaaliya ee ku dhisan qab ka bilaash ka ah, iyo wixii natiijooyin ah ee ka dhalan kara ba. Sidoo kale, aamus kaasu wuxu taageero u noqon lahaa kooxaha dib-u-socod ka ah ee Soomaaliya dhexdeeda.

2. In aanan Siyaad Barre u jawaabin waxay ka dhignaan lahayd, in wax kasta oo hadda ka dib ay wadamada hanti-wadaagga ahi ku caawiyaan Itoobiya, si kasta oo taageeradaasu u yartahay ba, in uu Siyaad Barre ku tilmaamo khiyaamo dhabar-jabin ah.

3. Duruufta noocaas oo kale ahi, Jamhuuriyadda Yaman xaalad caynkee ah bay galin lahayd hadii ay Itoobiya ku taageeraan taangiyo, gaadiid iyo madaafiic, oo la gu daabulo maraakiibta Soofiyeed ka?

Intaas waxa dheeraa, in aanu Siyaad Barre ku gaabsanin meel-ka-dhacyada uun, wuxu se isku dayay mar dhexe in uu fariin hanjabaad ah gudbiyo, waxaanu yidhi – qof na ma sheegi karo arimahan oo dhami waxa ay I na gayaysiin karaan. Sababahaas awgood baan u dhiibtay badheedhahayga. Waxan sharaxay in aanu Siyaad Barre aaminsanayn in Itoobiya uu kacaan dhab ahi ka curtay, iyo dhacdooyinkii 3dii Febraayo in ay dareenka noocaas ah jawaab-celin u yihiin, iyo in uu Mingisto kacaanyahan dhab ah yahay. Waan sii waday hadalka aniga oo idhi – anaku waxan qabnaa in waxa Itoobiya haatan ka socdaa uu yahay kacaan dhab ah, in dhacdadii 3dii Febraayo ay ahayd marxaladii is bedel ka, iyo in Mingisto uu yahay hogaamiye kacaanyahan ah, oo ku hawlan is bedel baaxad leh. Waxan si qayaxan u cadeeyay, in ayna suurtagal ahayn in aanu mawqif ka Siyaad Barre si na ba u ayidno. Waxan sheegay in mawqif ka Siyaad Barre uu halis ku yahay kacaan ka Soomaaliya, Itoobiya midka ka curtay na halis galiyay, isla markaana uu Jamhuuriyadda Yaman xaalad qalafsan galin doono. Sidoo kale, waxan carab ka ku adkeeyay in mawqif ka Siyaad Barre uu u faaiidaynaayo kooxaha Soomaaliya dhexdeeda ee dib-u-socod ka ah, iyo dadaal kooda ay ka ga hor jeedaan hanti-wadaagga, Soomaaliya na u gu jiidayaan dhinaca Sucuudiga, iyo isticmaarka caalamiga ah. Waxan tilmaamay in mawqif ka noocan oo kale ahi uu xumaynaayo xidhiidhka ay Soomaaliya la leedahay wadamada hanti-wadaagga ah, aakhir ka na uu keenaayo kacaanka Soomaaliya oo fashilma.

Aniga oo doonaaya in aan dareensiiyo masuuliyaddooda taariikhi ga ah, waxan u gacan-haadiyay Siyaad Barre iyo waftiga Soomaalida ah dhamaantood. Waxan idhi – ma u malaynayo in arimahani ay dagaal Itoobiya iyo Soomaaliya dhex mara sababi karaan, , laakiin waan warwarsanahay marba hadii aan ogahay halista dagaalku leeyahay. Ma rumaysni in ay jiraan dad sabab u noqon kara in ay umaduhu dagaalamaan. Ka dib markii aan sidaas cadaan ka ah u hadlay, Siyaad Barre ayaa kolkiiba hadalkii u baxay, in aanu abidkiis dagaal doonin na wuu sheegay. Kacaanyahan ahaan iyo hanti-wadaag ahaan jidkaas anigu ma doorteen, hadii se wadamada hanti-wadaagga ahi ay Soomaaliya ka goosanayaan, waa arin iyaka u taala – ayuu yidhi. Hadda waxan door bidi lahaa, in aan cadaadis badan uun Siyaad Barre saaro, laakiin Mingisto kulan kaas ma ku soo marti qaadeen. Halkaas kolkii ay maraysay.  waxan sheegay in aan ayidsanahay kulan madaxeedkan (Mingisto iyo Siyaad) ay isugu yimaadeen, laakiin waxba ma ka odhanin hadaladii meel-ka-dhacca ahaa ee Siyaad Barre uu Mingisto ka yidhi.

 Waxan sheegay in Kuuba ay na doonaynin in xidhiidhka ay ka goosato kacaanka Soomaaliya, taas badal keeda na, aanu taageernay ba. Shirkii na gabi ahaan ba wuxu ku soo dhamaaday natiijo la’aan. La soco….

 

Imika hadii aynu taageerno Itoobiya, Siyaad Barre xaq u ma laha in uu khiyaamo i na gu eedeeyo. Si cad baan u gu sheegay in Itoobiya uu ka socdo kacaan dhab ahi, sidaas darted na, loo baahanyahay in aanu taageerno. Si kastaba, waxan dareemay in uu Siyaad Barre tabashooyin ka sheeganaayo dhinaca Soofiyeed ka. Wuxu ka cadhaysnaa shidaal ay u gu balan qaadeen marar badan oo ka soo daahay, iyo in aanay u soo dirin qalab dayac tir iyo cagafcagafyo ay ka sugaayeen. Ambaasatoorkii Soofiyeed ka oo shirka joogay ayaa arintaas tafsiir ka bixiyay, wuxuu na sheegay in sababtu ay tahay Soomaalida oo marar badan waxa ay doonayaan wax ka badalay, taasu na ay dib u dhac wayn keentay. Intaas wuxu raaciyay, in nasiib daro ay dhacday, oo markab kii shidaal ka Soomaaliya u soo siday uu dhexda ku degay. Markii aan siyaad Barre warkaas u sheegay, wuxu ii gu jawaabay in Soofiyeed ku ay beenaalayaal yihiin. Wuxu sheegay in qaladku aanu ka soconin dhinaca Xafiiska Siyaasadda ee Soofiyeed ka, laakiin ay kharbudaad wadaan qaar dhinaca hoose ee maamul ka joogaa. Sida oo kale, cadhada iyo cambaaraynta Siyaad Barre ee Soofiyeed ku marar kale na way soo baxday. Wuxu sheegay in wadankiisa ay biyo yaraani ka jirto, xoolaha, gaar ahaan l’o du ay dhimanayso,. Xiligii muusku bislaan lahaa na ay dib u dahcday. Wuxu sheegay in waxaas oo dhan na sababtoodu ay tahay, mishiinadii biyaha soo saaraayay ee Soofiyeed ku ay bixiyeen oo shaqayn waayay.

 

Marka la eego hab-dhaqan kaas Siyaad Barre, waxa ii muuqata halis wayn. Sidaas darted, ayaan si qayaxan kuu gu sheegay wixii ay I la tahay, oo run na ah, aniga oo aan wax ba maldihin. Waxan jecelahay in aan aragtidayda si daacad ah kuu la wadaago. Wadamada hanti-wadaagga ah dhibaato ayaa haysata. Hadii la taageero Itoobiya, waxan luminaynaa saaxiibtinimada Siyaad Barre. Hadii aan Itoobiya taageeri wayno na, kacaanka halkaas ka curtay wuu fashilmayaa. Taas weeyaan arinta u gu muhiimsan ee meesha taalaa. Waxa jiray codsiyo dhawr ah oo ku saabsan caawimo milatari – Hogaamiyaha Liibiya (Qadaafi), Mingisto iyo madaxda Koongo ayay na ka yimaadeen. Intii aanu Afrika joognay, waxan Moosko u soo dirnay Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku xigaha Kuuba) si uu u la soo xaajoodo jaalayaashayada Soofiyeedka, iyo dhinaca Hafaana si uu u la soo tashado hogaanka Kuuba intooda kale. Si aynu u helno xal ka u gu wacan, waa in aan arintan si gun dheer oo dagan u ga fikirno, maan ka na ku hayno xaaladda guud ahaaneed ee wadamada hanti-wadaagga ah. Intaas oo dhan se waxa ka mudani waa in aan Mingisto wax u qabano. Anaku hadadan ba waxan wadnaa qorshe aan Itoobiya u gu daabulayno hub bakhaaraddayada iska yaalay, gaar ahaan hubka fudud ee gacanta oo ay sameeyeen Faransiis ka, Jeegga iyo Biljam ku. Waxa loo baahanyahay in la hubeeyo maleesiyooyin tiradoodu gaadhayso 45000. Hadda waxan diraynaa khubaro military oo maleesiyadaas ku carbiya isticmaalka hubka. Itoobiya waxa jooga dad badan oo ciidanimada ku haboon. Waa in aan carbino ciidamadaas.

 

Geesta kale, dhinaca Ereteriya waxa ka jira xaalad qalafsan. Dhaqdhaqaaqa xoraynta laftooda qaar baa horusocod ah, laakiin waxay ciyaarayaan door dib-u-socodnimo. Jabhadahaas Ereteriya ee gooni-u-goosi ga ah waxa taageera wadamada Suudaan, Sucuudiga iyo Masar. Ciidan fiican iyo dhaqan ciidan ba Itoobiya waa leedahay, waxay se u baahanyihiin wakhti ay ciidamadooda ku diyaariyaan. Mingisto wuxu na waydiistay macalimiin ilaa 100 gaadhaaya, oo maleesiyooyin ka u carbiya, hadda se wuxu na waydiiyay ilaa 150 khubaro ah oo ka caawiya sidii ay qaybaha ka la duwan ee ciidamada rigli ga ah u dhisi lahaayeen. Hadadan ba waxa halkaas na ga jooga khubaro la taliyayaal ah. Itoobiya way leedahay dad iyo duunyo ku filan si ay ciidan u dhisato. Maalmahan dambe waxa jiray warar la isla dhex maraayay oo sheegaaya in xoogaga dib-u-socod ka ahi ay laba bilood gudahood Asmara gacanta ku dhigayaan. Kacaanka Itoobiya ka jiraa se waa mid muhiimad aad u wayn leh.

Dhamad…

M Haaruun – mbiixi@gmail.com