Dharaaro Xusuustood

0
1506

dharaaroWaxyi iguma soo dego

Haddana wax ima seegaane

Maxamed Cabdiraxmaan (Lugooyo)

Illaahay ha u naxariisto Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac, Maxamed Axmed Cabdule iyo Cali Faarax Dhahar oo aan ku soo qaadayo sheekadan, annaga oo ka shaahaynayna maqaayad ku ag tiil Huteelka Bilaal oo Baar Jabuuti la odhan jiray, sannadkii 1995 oo Hargeysa dhinaca koonfur-bari iyo dhinca Bari ay cidla yihiin oo waraabuhu soo galo oo lagu dhaleeceeyo in Hargeysa uu faalij ku dhacay oo dhinac qalalay, ayaa Maxamed Cabdiraxmaan sheekeeyey oo kaftamay waxa uu marxuunku ahaa hadal yaqaan kaftanlow ah oo uu ku yidhi; ‘Soomaalidu naanaysaha ma bixin taqaan?’

Bal eeg waa nimanka yidhi Maxamed Axmed Cabdule Sakhraan weligiina afka ma saarin geedkaas, waa nimanka Cali Farax Dhahar yidhi Cali Gargaar weligii cid ma gargaarin, waxa ka sii daran waa nimanka Maxamed Cabdiraxmaan oo aniga ah u bixiyey Luqooyo. Markuu dhammeeyey ayaa aad loogu qoslay hadalkaas. Intaasi xusuus dheh murtidii iyo haasaawihii Marxuun Lugooyo.

Waqtigii Aftida Dastuurka ee 31-kii May 2001, dharaar ummadda reer Somaliland ay dooratay inay Dimoqraaqdiyad iyo habka xisbiyada badan iyo dhawritaanka xuquuqda aadamiga ee ku xardhan gudahiisa ay u codaysay boqolkiiba 97%, iyada oo goob-joogayaal Caalam ihi ay ka-marag-kaceen (Waxay ahayd in 31 May laga dhigo maalin qaran oo fasax ah oo lagu magcaabo maalinta Dastuurka). Waxa aan joogay magaalada Ceerigaabo aniga oo ah markaas Wasiirka Maaliyadda.

Waxa magaaladda joogay wafdi reer Koonfur Afrika ah oo uu hoggaaminayey Profasoor IQBAAL oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee dalkaaasi, haddana ah safiirka Koonfur Afrika ee dalka Iriteriya. Garoonkii diyaaradda ee wafdigu ka soo dhoofayey, ayaa waxa aanu isugu nimi dhawr Wasiir oo kala ahaa; Cabdulaahi Maxamed Ducaale, Xuseen Doodi iyo Marxuun Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) Hawda garoonku aad ayey u qurux badan dhulka oo wada cagaar, laydh fiican oo dhacaya, daruurta oo buurta Surad iyo Daallo saaran oo damacsan roob. Wefdigii ayaa ka helay jawigii iyo cimiladii magaalada iyo hareeraheeda. Iqbaal ayaa kaftamay “Layaab ma laha in intaan Wasiir oo xilal waaweyn hayaa inay ka soo jeeddo Ceerigaabo, hawadan ayaa sabab u ah.”

Waxa kale oo aan xusuustaa waagi shirkii nabadaynta beelaha Sanaag 1993 ayaa waxa shirkii noogu yimid wafti ajnebi ah oo uu la socday nin dhaliyaro ah oo Ingiriis ah oo wax badan ka qoray Somaliland oo la yidhaahdo (Hamish Wilson), waxa uu nagula kaftamay in dadka Reer Sanaag ka buuq yar yihiin dadka galbeedka Somaliland oo ay ka xoogan yihiin, waxa aan hubaa in shirkiinu guul iyo heshiis ku dhammaanayo. Waxa uu hilmaamay in sababtu tahay qaadyarida!

Garoonkaas aanu taagnayn maalintaas waxa lagu bilaabay iska wax u qabso markii lixdankii dalku uu xoroobay. Waxa fadhiisan jiray oo ka shaqaysan jiray Diyaaradihii la odhan jiray Aden Airways oo Cadan tegi jiray. Maanta kontan sanno kadib diyaaradi ma fadhiisato, waxa lagu mashquulay oo kharashkii la geliyey Berbera, Hargeysa iyo Burco . Geel baa meel fadhiisan jiray ayaa sheekadu noqotay ee qorshe ma jiro waxa ay ahayd in mudnaanta la siiyo gobalka aan waddooyinka iyo dekadaha lahayn. Berbera iyo Hargeysa iyo Burco saacado ayaa looo kala socdaa hal garoon ayaa ku filnaa .

Wadadda la qorsheeyey ee la yidhi waxay isku xidhaysaa Ceerigaaqbo iyo Burco, waxa ka horreyn lahaa oo ka qarash yar Garoonka Ceerigaabo oo la dhiso. Wadadda Ceerigaabo/Burco waa 370 kilometer, haddii lagu guulaysto dhismaheeda oo waqti badan iyo kharash badan qaadanaya, waxay Reer Ceerigaabo ku soo kordhinaysaa qaadka uun, baaabur badan oo qaad ayaa wareerin doonta oo shilimaadka yar ayaa laga soo urursan doonaa oo keliya wax loogu bedelayaana ma jirto. Qolo degta bariga dhow ee Ceerigaabo ayaa hadalhays u leh “Oo mindhaa si kale” Micnaha oo ah haddii dhinac kale looga wareego.

Haddaba wadadda Ceerigaabi/Burco mindha si kale. Ha la qaybsho wadadda oo afar meelood ha loo qaybsho oo ha la isku xidho Gobalka iyo Magaala -madaxdiisa Ceerigaabo ah. 1- Ceerigaabo /Maydh –xiis (80km) 2- Ceerigaabo Ceelafweyn (88km) 3- Ceerigaabo/Hadaftimo (88km) 4- Ceerigaabo / Awrboogays (80.km) Waa afartii jiho ee Ceerigaabo Waqooyi, Galbeed, Bari, Koonfur iyo afartii beelood oo ku soo xidhmaya magaaladii Caasimadda gobalka ee ay wada degan yihiin  oo dekadii ku xidhmaya oo ganacsigii iyo horomarkii gobalka oo kor u kacaya. Beenow ma la yeeli. Bal adba!!