Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir
GARASHADA
Hebel garasho ma leh, waa odhaah ka mid ah nolosha sida maalinlaha ah uga dhacda hareeraheena, waxa ay xanbaarsanatahay macne aad u weyn oo haddii aan halbeeg uga dhigi lahayn dhacdooyinka nololeed ee isdaba taxan aan in badan oo ka mid ah guul ka gaadhi lahayn, laakiin waxa ay marag ka tahay sida aan goblan uga dhigayno garaadkeena marka aan u baahan nahay inuu dhiiqo garasho furdaamisa waayahay nolosha ee aan joogno iyo malo-awaalka aan uga baahan nahay inaan ku beegno mustaqbalka dahsoon ee aynaan garanayn.
Marka aan ka weyno hebel wixii aan ka filaynay ama uu garan waayo wixii inagala gudboonaa, waxa aynu ku dhaliilnaa in aanu garasho lahayn, xikmadda odhaahdan oo dhan waxa aan ku koobnaa waxyaabo macnahooda iyo maqaamkooduba aanu dhaafsiisnayn baahi hal qof, waxaase dhici kari lahayd haddii aan si ballaadhan uga faaiideysano xikmadan in ay noqon lahayd mid dhalan gediyi karta qaabka aan u nool nahay iyo sida aan u fekerno, waxa ay inagu khasbi lahayd inaan is waydiino NOLOSHA GARASHO MA U LEENAHAY?
Haddii la waydiin lahaa nolosha sida ay u aragto banii’aadmka, waxa ay si aan leexleexasho ku jirin ugu jawaabi lahayd in aanu garasho lahayn, taas macnaheedu waxa uu noqonayaa in aanay garanayn wixii ka mudanaa nolosha iyo sidii ay u maareyn lahaayeen waayaheeda gedgedoonka badan ama ay uga faa’iideysan lahaayeen hantida ku duugan iyo tan guud taala.
Ma aha qofku inuu iska noolaado, ma aha in marba sidii waayuhu ugu taliyo inuu u hogaansanaado, waa inuu hantaa garasho uu ku hago noloshiisa, taasoo uu ugu talinaayo qulqulka dhacdooyinka ah ee uga hor imanaaya sidii hirar is daba taxan oo aan kala go’ lahayn, kuwaas oo haddii aanu ugu qalab qaadan farsamooyin ay garashadu hooyo u tahay aanu iska caabbiyi karin.
Garashada ummaddaha waxa astaan u ah sida ay u furfuraan halxidhaaleyaasha ay noloshu hordhigayso mar walba, haddii bulshada ay ku adkaato inay yeelato hab ay ku socodsiiso danaha ay wadaagto, mid ay kaga faa’iideysato khayraadka iyo hantida ballaadhan ee berriga, badda iyo cirkaba ay ka helayso, qaab ay ku gudato ujeeddooyinka ay u nooshahay oo ah inay u hogaansanaato tilmaamaha ku sugan iimaanka saldhigga u ah jiritaanka nolosha, ma daryeeli kareyso danaheeda mana dabooli karto baahideeda.
Hadaba, waxa mudan in aan is waydiino bulshadeenu garasho intee le’eg ayey u leedahay nolosha? Ma odhan karnaa waan ku guulaysanay in aan ka jawaabno su’aalaha sida is daba jooga ah uga imanaaya waayaha nolosha? Mise waxa aan qireynaa in aan si weyn ugu fashilanay garashadaas?
Haddii aan si toos ah u dhugano xaaladda dhabta ah ee aan ku suganahay, ma qiri karnaa in tabaha siyaasadeed ee aan qaadanaa ku dhisan yihiin garasho qoto dheer oo ka fog xamaasad? Ma dhacdaa in aan qiimeyn joogto ah ku sameyno xeeladaha siyaasadeed ee aan ku talaabsanay? Ma nahay bulsho ku cayman karta wax soo saar ay jiritaankeeda ku badbaadin karto? Ma nahay bulsho sabacabadeeda ku haraad bixi karta? Ma nahay bulsho ganacsigeedu dhalanteed iyo adeeg abuuraaya baahi laga maarmi lahaa uu dhaafsiisan yahay? Ma ku dhisnaa wada jirkeena iyo wax wada qabadkeena danta inaga dhaxaysa? Aqoonta iyo waxbarashadu ma ku leeyihiin dhexdeena tixgelintii ay mudnaan laahaayeen?.
Jawaabaha su’aalahaas waxa inoo fududeynaaya marka aan is barbar dhigno heerka iyo qaabka ay u nool yihiin bulshooyinka inala midka ah ee aan mataanaha ku nahay joogitaanka adduunka, u maleyn maayo in ay maskax iyo garaad badan inooga baahan tahay in aan xaddidno kaalinta aan ku jirno marka la ina barbar dhigo bulshooyinka caalamka aan ku wada noolnahay, waxa aan si sahlan uga arki karaynaa ama uga qiyaasi karaynaa heerka aan ka joogno garashada nolosha, halka aan ka mareyno wax qabadka looga baahnaa in aan ku fulino garaadkeena, taas oo ficil u ah sidii looga faa’iideysan lahaa degaanka iyo khayraadka ku duugan, loona diyaarin lahaa qofkii hanan lahaa gudashada garashada noloshu uga baahan tahay banii’aadmka.
Waa hubaal weli in aanay noloshu inaga helin garashadii loo baahnaa, waase hawl la qaban karo oo u baahan in aan aqoosano waxa inaga dhiman, garano waxa inaga khaldan ka dibna go’aansano sidii aan dhabbo sax ah u jeexan lahayn GARASHADANA ugu furdaamin lahayn NOLOSHA.
qsuureeya@live.com
Comments are closed.