Hay’adda THET Oo Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Dhakhaatiirta Cisbitaalka Hargeysa

0
525

Hargeysa(Geeska):- Munaasibad kooban oo hay’adda THET qalab caafimaad ku guddoonsiineysay qeyb kamid ah dhakhaatiirta cusub ee dhawaan kasoo qalibjabisay jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa isla mar ahaantaana hada ka hawl-gala dhakhtarka weyn ayaa shaley lagu qabtey xarunta cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadan ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland, madaxa barnaamijkan ee hay’adda THET, Dr:Mahdi oo isna ka socday kuliyada caafimaadka jaamacada Hargeysa, dhakhaatiirta qalabka lagu doonsiinayey iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyna waxaa munaasibadaasi ka hadashay Dr:Maryan Daahir oo ka socotay hay’adda THET waxaana ay ugu horeyn sheegtay in ay ka hay’ad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ardayda dhakhaatiirta ah ay u keenaan  qalab u fududeynaaya baadhitaanada caafimaad ee ay samaynayaan, waxaana ay sida oo kale faah faahin ay kabixisay qalabkan ay u keeneen ardayda dhakhaatiirta ah ee ka hawl gala cisbitaalka weyn, iyo sida oo kale waxyaabaha uu ka kooban yahay.

"Maanta halkan waxaa aynu u fadhinaa in aynu qeybino oo qeybsano kidkii aynu wakhtiga badan sugeynay, Barnaamijkana waxaa aynu bilownay November.1-deedii, laakiin waxaa ay ahayd in aanu dalabnay December, halkan waxaan ku haynaa waa 23-Kid, waxaana aan ku jirin oo dee 23-qof ayaa Hargeysa jooga oo cisbitaalka weyn ee Hargeysa ka hawl gala, 23-kan kidna waa intii Jaamacadaha Hargeysa ka so baxay. markaa labada qof ee kale ee inagu soo biirey kana kala yimi KRAIN iyo MASAR waanu u dalbi doona oo waa ay u soo socdaan, kidku waxaa uu ka kooban yahay test cope oo ah kii ugu wanaagsanaa ee litmen,ENT oo ad garanaysaan, waa hamer oo ah per caption Hamer ah, waa thermomete, PP-Machine, runtii waa kid aad muhiim ugu ah in aad ugu adeegno adeeg wanaagsan qofka bukaanka ah hadeynu nahay dhakhaatiirta waxbaranaysa , waxaa uu idin ka saacidaa in aad heshaan oo aad qorsheysaan dhamaanba dhaqdhaqaaqyadii caafimaad ee aad doonayseen oo an oo aad si fudud u soo saartaan ama u ogaataan calaamadaha xanuunka qofka haya, inkasta oo aad wali tahiin dhakhaatiir xirfadii wali aan takhasusu ku noqon hadana waxaa ay idin ka caawinayaan in aad si fudud aad baadhitaanada caafimaad u soo saartaan.Ka hay'ad Thet ahaan illaa 2007 waanu bixinaynay qofkastana oo illaa kii 2007 la siiyey hada waa uu ku shaqaystaa oo maaha wax la tuurayo, waa wax aynu doonayno in aynu dadkii bukaanka ahaa ee xanuunsanaayey aynu ugu adeegno, waayo waxaa aynu ognahay in hada wadankeena caafimaadkiisu uu yahay mid aad u hooseeya oo aanay dadku helayn adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.markaa Kidkani waxaa uu noqon doona mid aynu bilaash lacag la'aan ah aynu ugu samayno dadka xanuun sanaaya ee bukaanka ah"Ayey tidhi Dr:Maryan Daahir ka socotay hay’adda Thet.

Dr:Mahdi oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiinta sar sare ee kuliyada caafimaadka jaamacada Hargeysa, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in ardayda loo keeno qalab aad u ugu fududeynaaya hawlahooda shaqo, waxaana uu hay’ada Thet ku amaanay sida ay u dhiiri galinayso dhalinyarta, isaga oo sida oo kale ugu baaqay dhakhaatiirtu in ay illaashadaan qalabka oo ay bulshadana ugu adeegaan.

"Waxaa farxad weyn ii ah in aan ka soo qeyb galo xafladan lagu qeybinaayo kidkii ay nasiisay hay'adda ThET iyo wasaarada caafimaadku,oo ayna ardaydu u baahnaayeen oo aanan ogahay oo aad dhawr jeer i weydiiseen kidkaas, waa kid isku dhan oo shaqadiina sahlaaya loona baahan yahay in aad ku fara adeyg taan,waa qalab aad u tayo leh,loona baahan yahay muddo dheer in ay socdaan oo aad daryeeshaan ayaa loo baahan yahay, umaddana aad uga faa'ideysaan, maaha in hadyad layska kiin siinaayo, laakiin waa hadyad aad u umadda ugu shaqeynaysaan, idinka oo aan qofka buka lacag ka dooneyn oo aan dhiba hayn oo idinka sadaqo idiin ah oo xaga Illaahay ta la idiin ogyahya ay tahay. markaa aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa in aad qalabkan heshaan, waanan u mahad naqayaa cidii soo qaban qaabisay"Ayuu yidhi Dr:Mahdi.

Marwo:Saynab Magan oo iyaduna ahayd sarkaalad sare oo ka tirsan bahda wasaarada caafimaadka oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in ay cisbitaal ahaan ay si aad u soo dhaweynayaan ugu faraxsan yihiin in qalabkan lagu caawiyo ardayda dhakhaatiirta ah ee hada ka hawl galay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

"Waxaan Illaahay idiin ka rajaynayaa in uu idiin fududeeyo xilka aad qaadaysaan,Kidkan ay hay'adda Thet idin siinayna aad wax ku barataan oo aad ka faa'ideysataan sida oo kalena dadka bukaanka ah aad ugu adeegtaan , aad iyo aadna waanu u soo dhaweynaynaa arrintan waanan ku faraxsanahay "Ayey tidhi marwo:Saynab Magan.

Mid kamid ah ardayda dhakhaatiirta ah ee ka hawl gasha cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay hay’adda Thet ay u keento qalab dhamaystiran oo ay hore baahi xooga ugu qabeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ku dadaali doonaan sidii ay u illaalin lahaayeen isla mar ahaantaana ay dadka bukaanka ah ugu adeegi lahaayeen.

"Runtii Kitku aad ayaa uu muhiim noogu yahay waanan illaalin doona, marka horena dee waanu haysanay wax aanu ku sii shaqayno hadana dee hawshii ayaad noo sii fududeyseen uun aadna waan ugu mahad naqaynaa runtii hay'adda iyo cidii kale ee noo soo fududeysayba, markaa runtii hore dee nin naga mid ah ayaa waxaa uu waday gabay uu lahaa Kid iyo kaashtoona ma'hayno,markaa dee gabaygii halkaas ayaa uu ku joogsaday oo intaanu idin soo gaadhin ayaad kidkii noo keenteen, aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin"Ayuu yidhi mid ka mid ah dhakhaatiirta ka hawl gasha dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

Ugu danbeyntiina waxaa munaasibadaasi soo gunaanaday agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr: waxaana uu isna dhankiisa tilmamay in ay ka wasaarad ahaan ay hay’adda Thet uga mahad celinayaan qalabkan ay u keentay dhalinyarta dhakhaatiirta ah ee ka hawl gala cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. "Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qayb galo munaasibadan la idin ku wareejinaayo kidkii oo aad iyo aad, aad ugu baahnaydeen, hore munaasibadihii hore Nayroobi ayaan ku maqnaa oo idin kala maaan soo qeyb galin se markii aan soo noqday waxaan ku talo galay in aan idin kala soo qayb galo aadna waan ugu faraxsahay, waxaan aad ugu mahad celinayaa hay'adda Ther oo runtii nagala shaqaysa arrimaha dhinaca caafimaadka gaar ahaan had iyo jeeraale naga caawisa dhinaca qalabka iyo sida oo kale Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud oo iyaguna ardayda ay soo saaraan nagu soo wareejiya oo noo keena. waxaanan runtii aan idin leeyahay qaranka meeshii ugu fiicnayd ayaad kaga jirtaan oo wax badan oo muhiim ah ayaad ugu qabataan"Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland.