Hay’adda Maamul Wanaaga Oo Cadaysay Inay Baadhis Iyo Daba-Gal Ku Samaysay Wasaaradda Waxbarashada Iyo Dib U Degjinta

0
525

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa daboolka ka qaaday inay baadhitaan ay ku sameeyeen wasaaradaha waxbarashada iyo sida oo kale hawlaha guud isla markaasna ay soo saaridoonaan warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xaaladooda.

Guddoomiyahu waxa uu balan qaaday inay awooda saarayaan sidii loo xoojin lahaa ilaalinta hantida qaranka inta lagu gudo jiro wakhtiga kala guurka ah, waxaanay sidan ku sheegay qoraal kooban oo ay gudidu soo saareen oo u dhigna sidan  "Intii uu la wareegay xilka guddoomiyaha cusubi Komishanka Maamulwanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa waxa uu bilaabay  dardaarankii uu dhawaan siiyay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaas oo ku saabsanaa in la ilaaliyo hantida qaranka maadaama oo lagu jiro xili kala guur ah.

Waxa uu guddoomiye Axmed Jamac Maxamuud uu bilaabay markii ay taariikhdu ahayd 14-kii May 2017 hawshii ugu horaysay isaga oo ku fuliyay wasaarada waxbarashada JSL, dhawaana la soo saari doono warbixinteeda oo dhamaystiran.

Haddaba maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 23-May-2017-ka waxa uu komishanka maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqu uu ugu baxay hawlgalkiisii labaad ee ahaa dabagalka iyo baadhitaanada wasaaradaha iyo haayadaha dawlada taas oo uu ku faafiyay wasaarada dib udajinta JSL, iyada oo ay hogaaminayaan guddoomiye Axmed Jaamac Maxamuud iyo guddoomiye ku xigeen Mukhtaar Yaasin Cali iyo agaasimaha guud Md. Maxamed Aadan Xirsi iyo sida oo kale xubno ka tirsan komishanka maamulwanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Hadaba Komishanka Maamulwanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa waxa uu had iyo goor diyaar u yahay inuu fuliyo waajibaadkiisa shaqo taas oo ay ka midtahay hawlgaladan uu hada ku wado wasaaradaha iyo haayadaha dawlada isaga oo heegan ugu jira ilaalinta hantida qaranka  iyo sidii loo toosin lahaa maamulka."