Buubaa Oo Falanqayn Sharci Ku Sameeyay Faraqa U Dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliland

0
633

Magaca “British Somaliland” wuxu sharciyoobay 1888kii kolkay dowladda Ingiriisku sugtay, dawladaha caalamkuna ka garawsadeen, inay iyadu xukunto dhulka magacaa leh ee Geeska Afrika ku yaala. Sidoo kale, magaca “Somalia Italiana” wuxuu sharciyoobay 5tii Abriil, 1908dii kolku baarlamanka dowladda Tanyaanigu ansixiyey qaanuun midaynaya qaybihii Somalia ee kala duwanaa, si ay u sugto, dawladah caalamkuna ka garawsadaan, inay iyadu xunuto wadankaas ku yaala Geeska Afrika. Kolka laga reebo dhowr sanadood oo Ingiriiska iyo Talyaaniga midkooba ka kale ka qabsaday dalkuu haystay, haddana kolka la eego dhinaca sharciga dawliga ah, Somaliland iyo Somaliya waxay kala ahayeen laba dal oo laba

dowladood oo kala duwani midkooba gooni u xukunto mid. Xuduudka kala xaddida labada dalna waxa la dhamaystiray bishii May ee sanadkii 1894tii.

Ka dib dhowr wada-xaajood oo dhex maray 1960kii siyaasiyiin ka soo kala jeeda Somaliland iyo Somalia , waxa la isku afgartay inay labada dal midwaliba kolkuu xoroobo Heshiis Midnimo (Act of Union) saxeexo, iyagoo qeexaya inuu isutaga labada dal yahay isutag sharci caalami ah ku dhisan. Dhacdooyinka taariikhiga ah ee arintaa ku lug lahaa waxa ka mid ahaa: 1. 27kii Juun ee 1960kii ayuu Baarlamankii dalka madaxabanaan ee Somaliland ( Legeslative Assembly) saxeexay Heshiiskii Isutaga Somaliland iyo Somalia (Union of Somaliland and Somalia Law). Heshiisku wuxuu qeexayaa inuu yahay mid ka dhexeeya laba dal oo midwali madaxbanaayahay oo laka yidhaahdo Somaliland iyo Somalia oo le xuduudihii caalamiga ahaa ee Ingiriiska iyo Talyaanigu ku heshiiyeen.

2. 30kii Juun ee 1960kiina Baarlamankii maamulka Somalia een weli xoroobin ayaa isaguna ogolaaday inuu ansixiyo qabyoqoraal Heshiis Midnimo ( Atto di unioni). Isagoo garwaaqsaday inay khilaafyo dhowr ihi u dhexeeyaan heshiiska Somaliland soo gudbisay iyo heshiiskooda qabyoqoraalka ah, wuxuu baarlamanka Somalia ka codsady dawladda Somalia inay kala xaajooto dawladda Somaliland sidii labada heshiis loo midayn lahaa, ka dibna loo ansixin lahaa. May sooroobin inay arintaasu dhamaystiranto, sababo awgeed u badan jibbo Soomaalinimo iyo khibradla’aan dawladnimo oo haysatay xubnihii dawladda Somaliland ka socday.

3. 31kii Jeenawari 1961 ayuu Baarlamankii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay ku midoobeen Somaliland iyo Somaliya 1dii Juulaay 1960kii ansixiyay Heshiiskii Midnimo (Act of Union) ee sedexaad. Heshiiskaasi meelo badan ayuu ku khilaafsanaa heshiiskii Somaliland soo gudbisay, laakiinse qodobkiisa 11naad, faqradiisa 4raad waxay qiraysaa jiritaankii labada dawladood ee somaliland iyo Somalia.