Hay’adda Haweenka ee Qaramada Midoobay oo daahfurtay Istiraatijiyadda Barnaamijkeeda (2014-2016) Ee Haweenka Soomaalida

0
616

WOMENHargeysa(Geeska)-Haayada Qaramada Midoobay ee Haweenka ayaa daboolka ka qaaday istaraatijiyadeeda saddexda sano ee soo socda iyo sidii haweenka looga taageeri lahaa dhinacyada shaqada iyo ka qaybqadashada talada dalka. War saxaafadeed dhamaystiran oo haayadu ay arintaas ka soo saartay waxa ay u dhignayd sidan.UN Women, oo ah Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan sidii ay ragga iyo dumarku fursado siman u heli lahaayeen isla markaana haweenka loo awood-gelin lahaa ayaa daah-furtay barnaamij-istiraatijiyeedkeedii kowaad ee Somaliland. UN Women waxay kor u qaadaysaa hawlaheedii Somaliland waxayna la shaqayn doontaa hay’adaha dawliga ah, ururada bulshada rayidka, Hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya sidii ay haweenka iyo gabdhuhu u yeelan lahaayeen cod xooggan.

Istiraatijayaddan oo saddex sanno ah (2014 – 2016) waxay muujinaysaa arrimaha mudnaanta u ah UN Women kuwaas oo kala ah: ka-qayb-galka haweenka ee siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha haweenka, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka, ka-qaybgalka haweenka ee maamulka iyo qorshaha heer qaran. Si istiraatijiyaddan si wax-ku-ool ah loogu fuliyo UN Women waxay xafiis ka furanaysaa Hargeysa xafiiskaas oo ay ka shaqayn doonaan shaqaale waddaniyiin ah iyo kuwo caalami ah oo shaqooyinkooda ay ka mid noqonayaan dhinaca maamulka, dhinaca barnaamijyada iyo dhinaca hawlgallada xafiiska.

Haweenku waa laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland waxayna door halbawle ah ka qaataan dhisidda nabadda. Waxan soo dhawaynaynaa xafiiska UN Women ee Somaliland waxanan ku faraxsanahay in aan goob-joog u ahaado istiraatijiyaddooda saddexda sanne ee Somaliland. Dawladda Somaliland waxay diyaar u tahay in ay siiso taageero kasta oo ay u baahdaan UN Women waxanan rajaynayaa wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo na dhex marta”, sidaa waxa yidhi Wasiirka Shada iyo Arrimaha Bulshada, Md. Maxamuud Axmed Barre oo ka hadlayey munaasibaddii daahfurka barnaamijka ee Hargeysa.

Bishii July 2010, Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay wuxu abuuray xafiika Haweenka ee loo yaqaan UN Women, xafiiskan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan in ragga iyo dumarku helaan fursado siman iyo in haweenka la awood-geliyo. Iyagoo taas ka duulaya, Dawladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo ay ku dardar-gelinayaan hadafka xafiiskan ee ah in labada jinsi xuquuq siman helaan iyo in haweenka awooddooda la kordhiyo. UN Women waxay Somaliland ka shaqaynaysay laga soo bilaabo 2011, iyadoo bixinaysay taageero farsamo iyo mid dhaqaale isla markaana iskaashi wada-shaqayneed la yeelatay daneeyayaasha heer qaran ee ku hawlan arrimaha haweenka iyo ururada bulshada rayidka ah.

UN Women marka ay hawlaheeda Somaliland kordhinayso waxa ka duulaysaa xaqiiqada ah: in ragga iyo dumarka oo xuquuq siman helaa aanay ahayn oo kaliya xuquuq aadame balse ay leedahay ahmiyad ijtimaaci ah iyo mid dhaqaale. Meelaha dumarka wax la baro ee la awood-geliyo dhaqaalaha iyo wax-soo-saarkuba way kordhaan waanay xoogaystaan. Hase ahaatee haweenka iyo gabdhaha Soomaalida waxa dhibaateeyey rabshadaha iyo takooridda iyagoo aan cid si fiican u metesha ku lahayn meelaha go’aanada lagu gaadho. Sidoo kale helitaan la’aanta daryeel caafimaad ayaa ah dhibaato haysata, gaar ahaan haweenka ku nool miyiga.

Labada jinsi oo hela fursado iyo xuquuqo siman iyo haweenka oo la awood-geliyaa waxay ka mid tahay arrimaha ahmiyadda u ah Qaramada Midoobay Somaliland- haddii ay tahay joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka, haweenka doorkooda siyaasadeed oo la xoojiya, in haweenka laga caawio in ay si weyn uga qayb-galaan dhaqaalaha dalka iyo in la hoos loo dhigo dhimashada hooyooyinka”, sidaa waxa tidhi Agaasimaha UN Women ee heer Gobol Christine Musisi. 

Kordhinta ay UN Women kordhiso hawlaha ay Somaliland ka qabato, waxay kor u qaadaysaa doorkeeda la xidhiidha wada-shaqaynta bulshada rayidka ah iyo Dawladda, iyadoo kordhinaysa aqoonta iyo awoodda ay wax ku qaban karaan xafiisyada dawladda iyo kuwa daneeya arrimaha jinsiga. Sidoo kale taageero dhinaca farsamada ah ayay heli doonaan hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo ururada ay iskaashiga leeyihiin si loo dardargeliyo hannaanka dimuqraadiga ah loona mideeyo dedaalada wax lagaga qabanayo arrimaha jinsiga iyadoo la samaynayo siyaasado marka dambena ficil loo bedelayo haddii ay tahay heer qaran iyo heer gobolba ah.”