Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa warbixin ay Salaasadii soo saartay ku sheegtay in dad ku dhaw hal milyan oo Soomaali ah u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.
Dad la sheegay inay gaadhayaan 858.000 qof oo Soomaalida ku nool gudaha dalkooda ay u baahan mucaawino, iyadoo warbixintan intaasi ku dartay in caruur gaadheysa 203.000 kana yar da’ada 5 sano ay heyso macaluul xoogleh.
Caruurtaasi macaluulsha hayso ayaa la sheegay inay 51.000 kamid ah ay qarka u saaran yihiin dhimasho, sida warbixintan lagu sheegay.
Dhinaca kale roobabkii ka da’ay goobo badan oo kamid ah dalkaas Soomaaliya iyo hoos u dhac ku yimid qiimaha maceeshada qaarkeed ayaa la sheegay inay si weyn hoos ugu dhigtay tiradii dadka u baahan gargaarka deg degta ah.
Sanadkii 2011 ayey ahayd markii ugu badneyd oo ay gaajada ka jirtay dalka Soomaaliya xiligaasi oo 4 milyan oo qof gargaar u baahnaayeen sida warbixinada lagu sheegay.
Warbixintan ayaa qeexday dadka gargaarka u baahan oo ay ku sheegtay inay yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.