Hay’adda Al-xayaat Oo Deeq Raashin Iyo Lacag Ah U Qaybisay  Qaar Ka Mid Ah Qaxoontiga Yaman

0
523

3

Hargaysa(Geeska):-Haayada Al-xayaat Islamic Foundation oo ka wakiil ah Jimciyada Daarul Bir ee dalka Imaraadka Carabta ayaa deeq raashin  iyo lacag isugu jirta waxa ay u qaybisay laba boqol iyo koton qoys oo ka mid ah qaxoontiga ka soo cararay dagaalka dalka yaman ee ku sugan Somaliland. Munaasibad loo qabtay qaybinta raashinkan oo ka qabsoontay xarunta guud ee Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation ayaa waxa ka soo qayb-galay wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada dib-udajinta Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation. Guddoomiyaha Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation Sheekh Cabdixakiin Siciid Barre  oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay deeqdan iyo waxa ay tahay waxaana uu yidhi:-“Aniga oo ku hadlaya magaca iyo madaxa haayada Al-xayaat Islamic Foundation oo ah haayad wadani ah, kuna hadlaya sidoo kale magaca Jimciyatul Daarul Bir oo xarunteedu tahay dalka Imaaraadka carabta waxa farxad weyn ii ah in aan deeq u fidino dadka walaalaheen ah ee muslimiinta ah ee reer yamen ee waddankeenana ku soo qaxay isla markaana aanu garabkooda istaagno, anaga oo ka jawaabayna codsigii nooga yimi madaxda dalka sida wasiirka wasaarada dib-udejinta iyo madaxda kale ee qaranka hawshaasi oo markii ay na soo gaadhay aanu si mug leh u galnay maanta alxamdulilaah musaacadadan iyo kaalmadan horaanteedii aanu qaybinayno”.

Sheekh Cabdixakiin Siciid Barre  Guddoomiyaha Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation oo sii faah-faahinaya tirada dadka qaxoontiga ah ee ay deeqdan ugu talo-galeen iyo waxa qoys kastaaba uu heli doono ayaa mar yidhi:-“kaalmadan aanu horaanteedii qaybinayno waxa aanu ugu qaybinaynaa laba boqol iyo koton qoys oo yamaniyiin ah waxa aanu u qaybinaynaa musaacado raashin oo runtii wax fara badan isugu jira bariiskii isugu jira oo sonkortii ula socoto, daqiiqdii ula socoto, baastadii ula socoto, caanihii ula socdo, sharaabkii ula socdo, saabuun ula socoto, saliidi ula socoto oo cuntooyin kale ula socdaan runtii aanu rajaynayno in wax weyn ay u tari doonaan”. Sidoo kale Sheekh Cabdixakiin Siciid Barre guddoomiyaha Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation waxa uu sheegay in qoysaskan qaxoontiga ah ay ugu talo-galeen oo kale kaalmo lacag ah oo gaadhaysa soddon kun oo dollar iyagoo u kala eegaya sida qoysaskani u kala badan yihiin waxaana uu yidhi:-“sidoo kale maanta waxa aanu guddoonsiinaynaa labo boqol iyo kontonkaas qoysba kaalmo lacag ah oo soddon kun oo dollar ayaanu u qaybinay anagoo u eegayna sida ay reerahoodu u kala waaweyn yihiin, waxa kale oo aanu ku xigsiinaynaa anagoo ka gaadhsiin weynay carruurtooda in aanu ciidsiino laakiin markii aanu jaaliyada aanu isla eegnay iyo suuqii oo cidhiidhi ah maryaha carruurta dib loogu dhigay bacda ramadaanta, waxa kale oo insha allah aanu u diyaarinay in aanu furaashyo u qaybino ilaa shan boqol oo furaash, bustayaashoodii iyo marakaneecooyin iyo in aanu u qaybino carruurtooda inta yar yar caanaha ubadka loogu talo-galay hawlahaasna way noo hadhsan yihiin”. Wasiirka Wasaarada Dib-udajinta Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Haayada Al-xayaat Islamic Foundation iyo Jimciyatul Daarul Bir deeqdan raashinka iyo lacagta isugu jirta ee ay soo gaadhsiiyeen dadka qaxoontiga ah ee ku sugan Somaliland waxaana uu yidhi:-“aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa haayadan Jimciyatul Daarul Bir iyo haayadan al-xayaat deeqdan wax ku oolka ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadkan tabaalaysan ee yamaniyiinta ah labadan boqol iyo kontonkan qoys waxa aan leeyahay aad iyo aadbaad u mahadsan-tihiin ilaahayna halkaad ka soo saarteen iyo tacabkaad galiseen wax-san ha idinku badalo, cid walbana waxa ku waajib ah oo inagu waajiba guud ahaanba shacabka Somaliland iyo haayadaha joogaba in ay kaalmada bini-aadanimada ka gaysano dadkaas oo wixii aynu u qaban karno aynu u qabano oo amaankooda, noloshooda iyo daryeelkoodaba dhamaantoodba aynu gacan buuxda ka gaysano”. Mudane Cali Siciid Raygal Wasiirka Wasaarada Dib-udajinta Somaliland ayaa geesta kalena sheegay in xukumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii wax loo tari lahaa dadka qaxoontiga ah ee ka imanaya dalka yaman isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:-“waa waajib guud oo ina wada saran qof kastana waa uu ka dharagsan yahay qaxa iyo dhibta uu leeyahay anagana waxa naga go,an ka xukumad ahaan oo uu madaxweynuhu madax noogu yahay in aanu dadkaas hiil iyo hooba waxa aanu isla barbar taagi karno aanu isla barbar taagno wixii loo qaban karana loo qabto”. Intaasi ka dib Wasiirka Wasaarada Dib-udajinta Somaliland Iyo Guddoomiyaha Jimciyada Al-xayaat Islamic Foundation waxa ay guddoonsiiyeen qoysaskaasi qaxoontiga ah deeqdii loogu talo-galay oo isugu jirtay raashin iyo lacag