Xaaskii Hoggaamiyaha Daacish Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Maxkamad Horteed

0
597

222

Denbiga Keliya Ee Aan Galay Waa  In Aan Guursaday Nin Aanan Garanayn Ciddiisa

Beirut (Geeska)- Sajiya Xamiid Ibraahiim A-Dulaymi oo u dhalatay dalka Ciraaq, horena xaas ugu ahaan jirtay hoggaamiyaha ururka la baxay dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya Abu Bakar Al-Baqdaadi ayaa markii ugu horreysay maxkamad milateri oo dalka Lubnaan ku taala la horkeenay si loogu qaado eedaymo lagu soo oogay oo ay ka mid tahay in ay ka tirsan tahay urur argagaxiso oo hubaysan (DAACISH) iyo in ay lahayd ujeedooyin hawlgallo argagaxiso ay kaga fulinayso dalka Lubnaan, in ay been-abuur ka samaysay aqoonsiga iyo dhukumantiyada iyada iyo carruurteeda oo ay ku sheegtay magacyo iyo jinsiyado kala duwan, kadibna waraaqahaas been abuurka ah ay ku dhex martay dhulka Lubnaan iyo ugu dambayntii in ay Lubnaan ku gashay hab sharcidarro ah. Sajiya waxaa maxkamaddan lala keenay Lu’ay Darwiish Al-Misri oo ah Falastiini, laakiin maxkamaddan lama keenin saygeeda hadda oo isna ah Falastiini lagu magacaabo Kamaal Maxamed Khalaf oo ay isagana haayadaha ammaanka ee Lubnaan sannadkii hore u qabteen eedo la xidhiidha in uu dembiyo kuwan la mid ah galay. Saja oo ay ahayd markii ugu horreysay ee meel fagaare ah lagu arko tan iyo markii la xidhay siddeed bilood ka hor ayaa maxkamadda soo gashay.

Waa gabadh gaaban oo weyd ah, waxa ay ku labbisnayd dhar madow ah, wiilkeeda saddexda toddobaad jiray ee ay xabsiga ku umushay ayaa ay gosha ku sidatay, kilankilladana waxaa ugu jiray masaasadda caanaha ee ilmaha yar. Maxkamadda uma ay suurtogelin in ay Sajiya waraysato, waayo qareen difaaca ayaa aan joogin sida uu sharcigu dhigayo, sidaa awgeed maxkamaddu waxa ay dalladda qareennada ee dalka ka dalbatay in ay qareen u soo magacaabaan gabadhan, waxa aanay muddaysay in dacwaddeeda la qaado 18ka bisha Noofambar ee soo socota.

Tobankii daqiiqo ee fadhiga maxkamaddani uu socday, arrimaha bani’aadamnimo ee gabadhan la xidhiidha ayaa ka hadal hayn iyo dareen badnaa dhinaceeda sharciga ah, markii garsooraha maxkamadda Kornayl Khaliil Ibraahiim uu ku dhawaaqay in maxkamadda dib loo dhigay ayaa ay Sajiya mar keliya oohin la qaraxday, waxa aanay bariday in dacwaddeeda iyo xukunkeeda la dedejiyo, hadallada dareenka taabtay ee ay tidhi waxaa ka mid ahaa, “Anigu wax dhagar ah ma’aan geysan. Dembiga keliya ee aan galay waa in aan dalkan Lubnaan soo galay aniga oo ah qaxoonti oo carruurtayda kala soo firdhaday geerida taalla Ciraaq iyo suuriya” Sajiya oo aad u ooyeysa ayaa iyada oo hadalkeeda sii wada waxa ay intaas ku dartay, “Anigu waxa aan Lix sano ka hor guursaday nin magaciisu yahay Hishaam Muxammed Al-Baqdaadi. Waqti badan isma aanu qabin oo muddo gaaban kadib waa uu i furay. Waxba kama aan garanayn cidda uu ka tirsan yahay. xabsiga dhexdiisa ayaa ay iigu sheegeen in hidde-sidaha DNA ee baadhista lagu sameeyey uu caddaynayo in aan Abu Bakar Al-Baqdaadi xaaskiisa ahaa, markii talefishanka aan daawadayna waxaa ii caddaatay in ninkan magaca Abu Bakar sitaa uu yahay kii xaaskiisa aan ahaan jiray” Sajiya ayaa si gaar ah u bariday garsooraha maxkamadda iyada oo leh, “Wallaahi waa Xaraam mudane garsoore. Ma bannaana in carruurtayda afarta ah oo uu ka ugu weyni Lix sano jiray ay xabsiga sirdoonka igula jiraan oo dhulka ila jiifsadaan muddo siddeed bilood ah” iyada oo sheegtay in tan iyo markii xabsiga loo taxaabay anay cidi la soo xidhiidhin cidina xabsiga ku soo booqan. Waxa aanay codsatay in haayadda Laan-qayrta cas loo ogolaado in ay xabsiga ku soo booqato si ay xaalkeeda u eegto caafimaadka carruurtana u hubiso.

Sajiya oo la weydiiyey in carruurteedan uu aabahood Baqdaadi yahay ayaa sheegtay in aanu isagu dhalin, waxa aanay tilmaamtay, in carruurteedan uu aabahood ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadii Ciraaq ee waqtigii Saddaam Xuseen, uu kuna dhintay gacanta Maraykanka xilligii dagaalka uu Ciraaq ku qabsanayey.

Guddoomiyaha maxkamadda oo sida muuqatay uu dareenkiisa taabtay hadalka gabadhan ayaa inta uu u soo jeedsaday waxa uu ku yidhi, “Waa aan fahmi karaa xaaladdaada, waana markii ugu horreysay ee aan ogaado in carruurtuna ay xabsiga kuugula xidhantahay, arrintaas oo aan sharci ahaan bannaanayn” Kadib waxa uu guddoomiyuhu amar ku siiyey xeer-ilaalinta in carruurta la geeyo xarumaha daryeelka carruurta oo ay ciidamada ammaankuna kaga war hayaan maadaama oo ammaankoodu khatar geli karo.