Hay’adda AET Oo 15kii bisha Soo Gebo-gabaysay Tobabar Lagu Gorfaynayay Xog Ururin Ku Saabsan Man-Hajka Cusub Ee Somaliland

0
581

Hargeysa(Geeska):-Tababar socday hal maalin oo lagu lafo-guraayey warbixin ka soo baxday xog- ururin laga soo sameeyey in ka badan sadex kun oo qof oo ku dhaqan gobollada dalka laguna dabaqayo Man-hajka cusub ee waxbarashada Somaliland, ayaa 15kii bisha Juun lagu soo gebo-gabeeyey hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb qateen dhalinyaro ka kala socotay gobollada dalka oo ka kooban 70 iskuguna jira Wiilal iyo Hablo, ayaa agaasimaha ku xigeenka waaxda Man-hajyadu ku tilmaamay in ay u soo dhabar Adaygeen Maalmo Badan oo ay xogtan soo ururinayeen.

Xog ururintan, ayaa waxaa maal-galisay Hay’adda UNICEF oo kaashanaysay Hay’adda AET oo gacan ka helaysay wasaaradda waxbarashada Somaliland,waxaana xog ururinta loo gudbin doonaa xafiiska Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada Somaliland kaas oo ay xog badan kala Bixi Doonaan.

Axmed Cabdilaahi Maxamed oo ah madaxa mashruucan isla markaasna ah daadihiyaha  aqoon iswaydaarsigan, ayaa isagu marka hore sharaxaya waxa uu mashruucani yahay.

“Agaasime  waxaanu Maanta Halkan ku soo gebo-gebaynaynaa kulan hawleed noo socday  ilaa iyo saaka kaas oo ahaa hal maalin, waxaana lagu lafo gurayey warbixin ka soo baxday talo-wadaagii heer qaran ee aanu dhammaan ka soo samaynay gobollada dalka oo dhan, kaas oo ay ka qayb-qateen in ka badan saddex kun oo qof oo ka mid Ah qaybaha kala duwan ee bulshada, laguna soo ururiyey qalabkaas kala duwan ee hortiina yaala, taas oo ka kooban warbixin 40 bog ah”.Ayuu yidhi Axmed Cabdilaahi Maxamed.

Md.Axmed Cabdilaahi Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu maanta halka ku lafa guraynay kuna qiimaynaynay annaga iyo Ardaydan xogta ka soo ururisay dhammaan gobollada dalka oo dhan, waxaana ay halkan isagu yimaadeen siday u qiimayn lahaayeen una qabyo tiri lahayeen, warbixinta oo ay ka soo ururiyeen bulshada oo loogu talo galay in ay aas-aas u noqoto iyo gundhig talo afkaarta dadka ee halkan lagu soo ururiyay man-hajka Somaliland. Barnaamijkan nuxurkiisu waxa uu yahay in kor loo qaado talo wadaag Man-hajka qaran oo wasaaradda waxbarashada Somaliland go’aamisay 2010kii lagu sameeyo tayeynta dib u eegista, dhalinyarada halkan ku sugani waa 70 Dhalinyaro Ah oo ka Kala yimid Lixda gobol ee somaliland iyo Gabiilay waxa ay runtii qabteen hawl Aad u muhiim Ah waxaana ay u dhabar Adaygeen in Ay Dadwaynaha Waydiiyaan Siday jecel yihiin Ay waxbarashadu Noqoto,waxaana ay runtii soo uruuriyeen warbixin Aad u wanaagsan oo runtii Cajiib Ah”.

Axmed Cabdilaahi Maxamed oo Ah Madaxa Mashruucan isla markaasna ah daadihiyaha  aqoon iswaydaarsigan Ayaa ka maro kacay in ay ardaydani soo ururiyeen xog Wanaagsan oo Anfici Doonta Qorayaasha Man-hajka Somaliland isaga oo toddobaadka soo Socdan Sheegay in Ay u gudbin Doonta wasaarada waxbarashada qaybteeda Manaahijta oo Macluumada Badan ka dhex heli Doonta Afkaarta Kala gadisan ee Laga soo uruuriyay Shacabka Somaliland taas oo lagu dabaqi Doono Qorista Casharada lagu dhigan Doono dugsiyada Hoose dhexe ee somaliland.

Cabdinaasir Xasan ismaaciil oo ka Mid Ahaa xog qaadayaashii Soo maray gobolada Somaliland oo ku hadlayay Afka Ardayda isku hawlay in Ay dadka rayigooda ku aadan in wax ka bedel lagu sameeyo waxbarashada dugsiyada hoose ayaa tilmaamay in Ay u soo dhabar Adaygeen maalmo badan oo ay xog ka soo raadinayeen shacabka kala gadisan, waxaana uu tilmaamay in xogaha ay sidaan yihiin qaar wax badan ka bedeli kara waxbarashada dugsiyada hoose dhex.

Gaba-gabadii waxa kulan hawleedkan socday halka maalin soo xidhay Nuur Yuusuf Jaamac oo Ah Agaasime ku xigeenka waaxda Manaahijta, waxaana uu rajo wacan ka muujiyay in xogaha Ay ardaydani keneen yihiin wax badan oo anfici doonta jiilka soo socda waxaana uu yidhi;

“Runtii mashruucani Muddo dheer ayuu Socday Dhalinyarada halkan iskugu Timidna waxa ay iskugu jiraan hablo iyo inamo waxaana ay soo mareen deegaano kala fog waxaana ay layesheen Xog waraysi Taabanaya Waxbarashada si hadhaw wixii  halkaas ka soo baxa loogu daro Man-hajyada cusub ee dugsiyada hoose dhexe ee jamuuriyada somaliland loo Samaynayo,Xogta Ay dhalinyaradani soo uruuriyeen waxa laga soo saaray Buugan Macalimiinta qori Doonta Man-hajkana waxa Badan ayay ka Faa’idi Doonaan.

Nuur Yuusuf Jaamac oo Ah Agaasime ku xigeenka waaxda Manaahijta ayaa kulan kaasi soo xidhay isaga oo u mahad naqay Ardayda isku hawshay in Ay xogtan soo raadiyaan dhabar Adaygana u muujiyay.