Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Tuko-Raq Iyo Wasiir Sheegay In Dawladoodu Telefoon Kula Hadashay Madaxweyne Biixi

0
914

Hargeysa(Geeska)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniintii toddobaadkan lagaga hadlay dagaalka u dhexeeya dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa weydiiyay wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin doorka ay dawladda Ingiriisku ka qaadanayso joojinta dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, ayaa waxay wasiiradu sheegtay in safiirka Ingiriiska ee Muqdisho joogaa uu wada hadalo la yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya, Somaliland iyo  Puntland, isagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalka loona gaadhi lahaa xabad joojin waarta. Wasii Harreiet, waxay ku jawaabtay “Safiirkeena Soomaaliya ayaa la hadlay dawladaha Somaliya, Somaliland iyo Puntland si uu hoosta uga xariiqo ahmiyda ay leedahay xabad joojin deg deg oo dagaalka ah. Rabshado ayaa dhacaya, iyadoo ay marka horeba adkayd xaaladda bini-aadminimo ayay isku dhacyaduna ugu sii biireen dadka deegaanadaas. Isagoo la hadlaya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Puntland, wuxuu safiirkeenu u cadeeyay in horumarka dhaqaalaha, iyo keenista adeeg wanaagsan iyo jawaab wax ku ool  ah oo laga bixiyo culaysyada deegaanka gobalku ay ku xidhantahay sii wadista xabad joojin dagaalka ah oo ugu dambayn horseeda  heshiis keena nabad waarta.

Ingiriisku wuxuu sii wadayaa inuu dhiirigeliyo wada hadal joogto ah oo midho dhala waxaanu taageerayaa sidii arrintan loo gaadhi lahaa.”

Xildhibaan Stephen Doughty ayaa sidoo kale wuxuu wasiirka weydiiyay su’aal ahayd qorsheyaasha dawlada Ingiriiska uga meel yaala gacan ka gaysashada doorashada Baarlamaanka Somaliland ee 2019, waxaanay Wasiir Harriett Baldwin sheegtay in dawladoodu taageerayso sidii loo cusboonaysiin lahaa nidaamka diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland iyo weliba iyadoo weliba guddiga doorashooyinka laga taageerayo dhinaca farsamada, “Iyo” ayay tidhi, “taageerista dadka naafada ah si ay qayb uga qayb galaan nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here