Hargeysa (Geeska) Komishanka qaranka ee xuquuqal iinsaanka ayaa shalay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku qabtay kulan hawleed ay ujeedadiisu ahayd sidii la iskula fahmi lahaa qaabka ay u shaqeeyaan hay’addaha xuquuqal iinsaanka ee caalamku, isla markaana aqoon looga kordhsan lahaa hay’addaha xuquuqal iinsaanka ka hawl gala, waxaana komishanka xuquuqal iinsaanka iyo hay’addaha kale ee kala soo qayb galay tobabar hal maalina siiyey saraakiil ka socota xafiiska qaramada midoobay u qabilsan siyaasada arrimaha Soomaaliya ee magaciisa loo yaqaano UNPOS.
Kulan hawleedkaas waxaa ka soo qayb galay wasiirka cadaalada ee Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, Muxsim oo ah isku duba ridaha xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasada Somaliya iyo gobolka, hay’addo kale iyo qaar ka mida saraakiisha booliska iyo milatariga. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Mr Muxsim oo sheegay in lagama maarmaan ay tahay helitaanka dhismaha hay’adda xuquuqal iinsaanka ee qaranka Somaliland, Waxaanu mahad balaadhan u soo jeediyey Marwo Aamina Cabdilaahi Axmed oo ah agaasimaha komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka. Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka cadaalada Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, wuxuu si weyn u soo dhaweeyey kulanka lagu gorfaynaayo qaabka shaqo ee hay’adda xuquuqal iinsaanka, waxaanu soo jeediyey in qodobada laga soo saaro kulan hawleedka ay noqonda kuwo lagu dhaqmo. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in uu komishanka xuquuqal iinsaanka la garab is taagi doono wixii karaan kiisa ah, isla markaana wasaarad ahaan ay la shaqayn doono. Md Xuseen Axmed Caydiid wuxuu intaas ku daray inay waajib ku tahay xukumada Somaliland sidii looga shaqayn lahaa xuquuqda aadamaha.
Maro Aamina Cabdilaahi Axmed oo kulankaas ka hadashay ayaa faah faahin ka bixisay ujeedada kulan hawleedka iyo faa’idada ku jirta, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “ Koomishanku waa mid cusub. Waligeedna hore loogama furin Somaliland hay’adda xuquuqal iinsaanka ah, waagii hore ee aynu Soomaliya ka mid ahayna Soomaaliya may lahaaan jirn. Markaa waa fikrad cusub. Waxaana inagu wada cusub sida uu u shaqeeyo komishanka xuquuqal iinsaanku, markaa si aynu u helno hay’add sidii la rabay u shaqaysa waxaanu ka dalbanay hay’addan la yidhaahdo UNPOS (United Nation Political Office for Somalia) oo ah hay’add la shaqaysa xuquuqda aadamaha sidii ay noogu soo diri lahaayeen qof khabiira oo naga caawiya sidii aanu u dhisi lahayn xafiiska hay’adda xuquuqal iinsaanka qaranka, markaa sidaas darteed ujeedada ka danbaysa tobabarkan wuxuu ahaa in la aas aaso hay’adan xuquuqal iinsaankas, isla markaana waxaanu ku soo casuunay hay’addaha dawlada iyo hay’addaha kale ee arrimaha bulshada, waana hay’addaha aanu ku rajo weynahay in aanu wax wada qabsano wada shaqayna yeelano, si ay noola fahmaan iyana. Tobarkan waxaa noo furay wasiirka cadaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxa kale oo isna ka soo qayb galay furitaankaas nin la yidhaahdo Muxsin oo ah isku duba ridaha xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya. Baahiya xafiiska waxaa kow ka ah khibrada maadama oo uu xafiisku cusub yahay, oo uu tobabaro helo. Arrinta labaad ee uu u baahan yahay waxa weeye shaqaale tobabar wanaagsan leh oo hawshii laga rabay fuliya. Shaqaale hore muu-haysan oo shaqaalaha meesha joogaa aad ayey u kooban yihiin, taas oo ay sabab u tahay dhaqaale hore oo aanu xafiisku lahaan jirin. Xafiiska dhaqaalihiisa waxaa bixisa xukumada jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale Marwo Aamina Cabdilaahi Axmed waxa aanu waydiinay sida ay u aragto heerka tacadiyada arrimaha xuquuqal iinsaanku halka uu Somaliland ka maraayo iyo sida ay u aragto, waxaanay tidhi marwo Aamini “Bulsho kasta haddii la eego tacadiyo way jiraan, bulshadeenana tacadiyo way jiraan. Bulshadeena tacadiyada ugu waaweyn ee jira waa kuwo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha. Tusaale ahaan caruur fara badan ayaa jirta oo aan iskuulo haysan, waajib ayey ku tahay dawalda Somaliland dhaqaale ha hayso ama yaanay hayne waa xil saaran inay dugsiyo u samayso iyo macalimiin tobabaran oo caruurta wax bara. Waxaa jira caruur kumanaan gaadhaysa oo aan haysan waxbrasho oo dhulkeena joogta, waxa kale oo jirta caafimaad daro oo cisbitaalo hagaagsan ma haysano, dadkuna daryeel caafimaad ma haystaan. Macnaha ninkii shilin haystaa dhakhtar uu heli karayaa ninkii aan haysanina ma heli karaayo. Waxaa jira sidoo kale dad fara badan oo inaga mida oo ay guri la’aani haysato oo ku jira buulal yar yar, markaa dawlada shaqadeedu waxa weeye inay abuurto jawigii ay dadku ku shaqaysan lahaayeen, in kastoo ay dawladeenu cusub tahay.
Jeelasha waanu kormeernaa oo waxaanu ku samaynaa kormeer aad u badan. Mar mar way jiraan inaad tacadiyo ku arktid jeelasha. Waxaa kale oo aad arkaysaa dad rumaan u xidhnaa oo mudo dheer ku jiray jeelka oo aan waligoodna aan maxkamada la hor keenin oo kale. Markaa aad ayaanu uga hawl galnay oo qaar fara badan waa la soo daayey, qaar kale hawshoodii gacanta ayaanu kula jirnaa. Jeelasha Somaliland kulamaanu kulmin wali dad ka cabanaaya jidh dil intii aanu kormeerka wadnay.
Ugu danbayntii waxaa kulan hawleedkaas lagu soo xidhay rayi bixiyin ka timi ka soo qayb galayaashii kulanka oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar ka mida hay’addaha ka hawl gala arrimaha bulshada.