Agaasimaha Horumarinta Midowga Yurub Oo Khudbad U Jeediyay Guurtida iyo Wakilada

0
223

 

yurubHargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa safar maalin ah ku yimid balaadhan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta Mr. Andris Piebalgs, waxaanu khudbad u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

Weftigan oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan qaybta horumarinta ee Midowga Yurub, ayaa waxa kale oo ay kulan la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Khudbadii uu Agaasime Andris u jeediyay labada gole, ayaa waxa uu ku yidhi sidan,  “Waxaa farxad iyo sharaf labadaba ii ah in maanta aan idinla hadlaayo. Xaqiiqada ah in aan hortaaganahay halkan gole la soo doortay ee Somaliland ayaa ayadaba u ah marqaati tallaabooyinka aad u qaadeen xagga xasiloonida iyo dimuqoraadiyadda.

Arrimo qaranmeed iyo goboleed

Ilaa muddo labaatan sano ah ayey Somaliland haysatay xasiloonideeda inkastoo ay jireen khataro waaweyn oo leh qaab argagixiso jihad-doon ah, burcad-badeed iyo dagaalka sokeeye ee weli ka socda koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Juunti la soo dhaafay doorashadii madaxtinimada waxay keentay hogaamiyihii mucaaradka waqtigaas, Maxadweyne Silaayo- kaasoo aan hadda uun fursad u helay in aan la kulmo-ayaa si weyn ugu guuleystay. Kii ka horeeyeyna, Madaxweyne Riyaale, wuxuu aqbalay in laga adkaaday wuxuuna awooda ku wareejiyey si habsami leh oo nabad ah. Waxaan idinku amaanaya in aad sugteen kala guurkaa hagaasan. Ha yeeshee, waa arrin ugub ku ah gobolkan dhibaateysan. Sidana, waa in aan loo qaadan si dhayal ah.

Taasi waa sababta Bushada Caalamka – iyo gaar ahaan Midowga Yurub- u soo dhaweynaayo kaalinta Somaliland ka gaysaneyso taabagelinta nabadda iyo maamul wanaaga gobolka IGAD. Waana taas sababta ay muhim u tahay in Somaliland ku socoto jidkan ayna u ahaato tusaale gobolka IGAD. Sidaa darteed, waxaan idinku baaqayaa in aad guulahaas ku dhistaan idinkoo qabanaya sida ugu dhaqsiyaha badan dooroshooyinkii daahay ee golayaasha deegaanka iyo labada aqal ee barlamaanka. Waxaad sii xoojinaysaan aqoonsiga dimuqoraadiyeed ee Somaliland leedahay haddii aad ka yeeshaan dib-u-dhaca dooroshooyinka iyo muddo kor dhinta wax la soo dhaafay. Ugu dambeyntii, iga ogolaada in aan idin waydiiyo: ka dib dhammaan waxyaabaha aad hore u qabateen, miyaan waqtigu ku haboonayn in aad ka fikirtaan sidii xubnaha ugu muhimsan bulshada sida haweenka iyo dhalinyaradu uga qaybgeli lahaayeen siyaasadda? In badan oo idinka mid ahi waabay dhiiri geliyeen intii lagu jiray dooroshooyinkii sanadkii hore. Waxaan si dhab ah u rajaynyaa in aad fiira gaar ah siin doontaan arrintan muhiimka ah marka aad dib-u-egista ku samayneysaan shuruucda dooroshooyinka.

Arrimaha Maamulka

Isagoo ah kan ugu weynee bixiya kaalmada horumarineeed ayaa Midowga Yurub wuxuu ahaa lamaanaha joogtada ah Somaliland ee howlaha dib-u-dhiskeeda iyo horumarinteeda. Laga soo billabo 1995 waxaanu ahayn  ururka deeq-bixiyaha caalamiga ah ee joogitaan sugan ku lahaa halkan. Isku darka xaddiga kaalmadeena hadda ka jirta Somaliland waxay qiyaas ahaan gaaraysaa 62 milyan Yuro.

Ilaa hadda kaalmadeena Somaliland waxay ku urursanayd kaalmeynta qaybta dowliga ah, boliska, maxkamadaha, haya'daha dimuqoradiga ah, howlaha dooroshooyinka iyo ururada bulshada.. Waxaan ku faraxsanahay in aan ogaado shirarki dhawaan la qabanaayey ee la xidhiidhay dib-u-hagaajinta shaqaalaha dowladda, garsoorka iyo ciidanka boliiska. Ka deeq-bixiyaha   ugu weyn ee mashaariicda UN ku idinku kaalmeyneyo ee xagga maamulka waxaan si xoog leh u soo dhaweyneynaa balan-qaadka siyaasadeed ay sida cad Somaliland uga muujisay halkan. Dadaalada dowladdu ay ku kordhinayso dakhliga gudaha iyo tallaabooyinka hor-dhaca ah ee uu qaaday Hay’adda Shaqaalaha ee uu dib-u-qiimaynta ugu samaynayso shaqaalaha dowladda waxay si cad u muujinayaan in erayadu la socdaan ficilo.

Waxaan si diiran u soo dhaweynaynaa dhisida Gudiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul Wanaaga iyo sharciyeynta Gudiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka. Kuwaasi waa tallaabooyin dhiirin gelin leh oo muujinaya in kaalamdeena Somaliland yeelatay miro-dhalki aan filaynay! Baabi'inta "gudiyadii nabadgelyada", siinta kaalin xoog leh xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo balanqaadka ah in la kordhiyo tirada aqoonyahanno tayo leh oo ka howl-gala qaybta sharciga waa calaamado dheeri ah oo dhiiri gelin leh. Si gaar ah waxaan u amaanayaa balan-qaadkiina ah hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda. Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kalee caalamiga ah waxay diyaar idin la yihiin in ay gacan idinka siiyaan howshan adag ee waqtiga dheer soconaysa.

Barlamankani wuxuu kaalin muhim ah ku leeyahay maamul wanaaga, kaliya ma aha in aad dejisaan sharciyada wax lagu hagaajinaayo. Ka wakiillo dadku soo doortay, waxaa la idinku baaqayaa in aad u hawl gashaan sidaad u noqon laheydeen horseedayaal iyo difaacayaal habka maamul wanaaga, daacadnimadda iyo is-xisaabin ku aadan damiirkiina iyo kuwa idin soo doortay. Tani waxay muhim  u sii tahay xaalada dhaqaale xumo ee ay haya'daha dowladdu ku shaqeyaan iyagoo weliba doonaya in ay muujiyaan awoodooda oo ay ku dheehan tahay dano ganacsi iyo saamayn kaloo awoodeed.

Muhimada kowaad ee maamulka dal kasta u leedahay dadaalkiisa horumarineed waa iska cadahay.  Tusaale ahaan, in dhab loo dhimo saboolnimada, dal wuxuu u baahan yahay haya'do ad-adag oo nadiif ah kuwaasoo karti leh isla markaana raba in ay caawiyaan dadka saboolka ah, inay hagaajiyaan xaaladooda nololeed iyo inay u helaan adeegyo bulsho, xuquuqda assaasiga ah iyo nabadgelyo. Sidoo kale, hab-dhaqanka dimuqoraadiga ah wuxuu ka yeelaa dowlada mid dadkeedu la xisaabtamo, dhiirigeliya hufnaanta kana ilaaliya musuqmmasuqa. Si kooban, kuwaasi waxay ogolaanayaan in uu dhexmaro dowlada iyo dadweynaha xidhiidh wax ku ool ah.

Waxaa dhiirigelin leh in la arko Somaliland oo haysa wadadii saxa ahayd ee dhisida dhaqanka maamul wanaaga. Ha yeeshee, waxaa jira caqabado ad-adag oo dhaqaale iyo bulsho, siiba xaddiga shaqa la'aanta sareysa ee cabsida leh. Waxaannu doonaynaa in aan aragno Somaliland horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho oo ku socda si xowli ah. Bal aan idin ku tusaaleeyo aragtidayda dhowr tusaale oo ah meelaha Midowga Yurub ka caawiyo Somaliland dhinaca horumarkeeda.

Tusaalooyin xagga horumarka dhaqaale iyo bulsho

Maalgelinta Midowga Yurub ee nidaamkiina Waxbarashadu waa qaybta labaad ee ugu weyn kaalmadeena. Isku-darka dadaalkeena dartiis, heerka guud ee is-qorida dugsiyada waxay ka kordheen 38.6% sannadkii 2006 ilaa ay gaareen qiyaas ah 60% sannadkii 2010. Gabdhaha- oo aan muhimad gaar ah siineyno- heerka isqoridu waxay ka korodhay 31% ilaa ay gaadhay ku dhawaad 44% isla waqtigaas. Xaaladaas oo jirta, go'aanka dowladiina ee ah hirgelinta barnaamijka waxbarashada assasiga oo bilaash ah waa tallaabo ammaan mudan. In kastoo Somaliland ay laban-laabtay misaaniyadeeda waxbarashada  hadda waxaan ognahay in waxbarashada assasiga ah oo bilaash ay tahay isku-day adag xag maaliyadeed iyo qaab-dhimeedka maamulba. Waxaan ku farxsannahay in aan arko in wasaaradiina waxbarashada oo ay caawinayaan khubaro farsamo oo uu siiyay Midowga Yurub in ay si adag uga shaqaynayaan sidii xal is-wadi kara ugu heli lahaayeen arrintaas.

Horumarinta miyiga iyo arrimaha bulshada waxay ka mid ahaayeen tiirarka dhaqaale ee kaalmadeena ku wajahan Somaliland shantii sanoo ugu dambaysay. Horaantii sannadkii hore waxaan balan qaadnay in aan dib-u-soo celineyno qaybta Kaabayaasha (infrastructure sector) haddii Somaliland fuliso qabashada dooroshooyin si nabad ah ku dhaca. Waxaannu ku taaganahay balantaas. Waxaan dhawaan u meelaynay 19 milyan oo yuro in lagu dayactiro laguna balaadhiyo kaabayaasha biyaha ee dhowr magaalo oo Somaliland ka tirsan. Waxaan kaloo kaliya ku darayaa in shuraako wax-ku-ool ah ee dhexmarta dowlada iyo qaybta gaar ahaaaneed ay muhiim u tahay inay maalgelintaasi noqoto mid is-wadda oo sii-jirta.Iyadoo kaalmada Kabayaasha qaybta biyaha ay socto ayaa waxaan qorshaynaynaa in aan wax badan qabano. Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa sidi uu gacan uga gaysan lahaa daraasada iyo hindisaha dayactirda waxa loo yaqaan "Seebaadka Berbera" (Berbera Corridor). Daraasadaan- oo ay fulinayso IGAD waxay ku kacaysaa 3.8 milyan yuro- waxay na siinaysaa qorshe kama dambayn ah si loo xoojiyo isku xidhka suuqyada koraya ee Ethiopia iyo Berbera. Qaybtan muhiimka ah ee kaabayaasha heer gobol waxay tusaale dheeraad ah u tahay in Somaliland kaalin muhiim ah ka qaadan karto sidi loo fududeyn lahaa isku-xidhka iyo horumarinta  dhaqaalaha Geeska Afrika.

Intaasoo kaliya ma aha: Waxaannu ku dhawnahay in aan soo gebagebeyno dib-u-eegista barnaamijkeena iskaashi ee shanta sano ee Somalia oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan filaynaa in dhawaan go'aan laga gaadho kordhin lixaad leh xidhmada kaalmo ee hadda socota. Waxaa lagu kordhin doonaa 175 milyan yuro barnaamijka hadda socoda oo dhan 212 milyan yuro. Waxaan filaynaa in 70% lacagtaas dheeraadka ah in loo qoondeeyo Somaliland iyo Puntland taasoo noo saamaxaysa in aan sii wadno, xoojinana dadaalkeena.

Iyadoo taa maanka lagu hayo, ayaa waxaan jeclahay in aan maanta ku nuux-nuuxsado in horumarka laga gaadho xasiloonida siyaasaded iyo nabadgelyo ay muhiim u tahay helitaanka kaalmo dheeraad ah ee Midowga Yurub. Waxaa soo raacaya  ka dib in dhaqaalahaa horumarineed ee dheeraadka  ah in lagu maalgeliyo gobolada u go'ay sugida nabadda, dimuqoraadiyada iyo xasiloonida halkaasoo duruufaha nabadgelyo iyo dhaqan-siyaasadeedku ay yihiin kuwo wanaagsan.

Sidaa oo ay tahay, bal ii ogalaada inaan idhaahdo in aan ku faraxnay in xiisadii aadka u kacsanayd ee ka dhex jirtay Somaliland iyo Puntland bilo dhow ka hor in laga gudbay. Waxaan ku tashanaynaa balanta aad u qaadeen wada-hadal iyo in khilaafaadka lagu xaliyo si nabad ah. Iyadoo mar waliba maanka ku haysaan wanaaga dadkiina. Iskaashi dhex mara dalalka deriska ah wuxuu dan u yahay  cid walba. Sidaa darteedna waxaan aad u qadarinaynaa baaqyadiinii is-daba jooggaa  ahaa ee wadahadal iyo iskaashi ee ka soo yeedhayey labada maamul, waxaanan ku nuux-nuuxsanaynaa rajada ah in aan aragno xidhiidh wax ku ool ah oo dhexdiina ka hana qaada.

Gebagebo

Mudane Gudoomiye, Marwooyin iyo Mudanayaal,

In kastoo ay jiraan dhibaatooyin ay weli tahay in aad la tacaashaan, haddan waxaan rumeysanahay in yididiiloonka ay leedahay Somaliland inay aad u wanaagsan yihiin. Ka wakiillo ahaan dadku soo doortay, waxaad kaalin ku leedihiin  sidi dadka dalkiinoo dhan rag iyo haweenba u heli lahaayeen mustaqbal iftiimaya. Waxaan rumeysanahay balantiina ee ah in aad fulisaan kaalintaas. Sidaa awgeedna waxaa wax laga mabsuuda ah in maalgelinteena ee dhismahan cusub ee qolka shirarka oo ay weheliyaan tababaro iyo kaalmo awood-dhisidba ay tahay lacag si wanaagsan loo isticmaalay. Waxaan ku kalsoonahay in aad u tixgelin doontaan kaalmadeena sidi dhiirigelin oo kale si aad u fulisaan waajibaadka ay idinku aamineen kuwa idin soo doortay oo ah in aad metashaan muwaadiniintiina, oo si quman oo xil-kasnimo ku jirto uga doodaan arrimaha muhimka ah, in aad sharci dejisaan kulana xisaabtantaan dowladda.

Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa soo dhoweynta diiran waxaanan rajayneyaa inaan sii wadno dadaalada aan idin la hayno si loo sii balaadhiyo horumarka Somaliland ee dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo dimuqoradiyadba.”