Hargeysa (Geeska)- Hay’ada Amnesty International ayaa ka codsatay xukuumada Somaliland inay degdeg iyo shuruud la’aan ku siideyso Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) una soo jeedisay xukuumada inay baabi’iso eedaha loo haysto, ka dib markii loogu xukumay sannad xabsi ah, dhaleecaynta saraakiil xukuumada ah.
Boqor Cismaan Buurmadow ayaa xabsi ku jiray ilaa 15 March 2012, markaa soo laga xidhay madaarka Hargeysa, socdaal uu Imaaraadka kaga soo laabtay. Eedaha loo haysto ayaa ku saabsan dhaleecayn uu jeediyey xilli Madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay dalka Shiinaha.
Hay’ada Amnesty International aya asheegtay inay ore qoraalo ugu direen xukuumada kaga dalbanayaan siideyntiisa, balse aanay ilaa xilligan wax jawaab ka helin, taasoo lagu sheegay in xadhigiisa iyo eedahiisa denbiyadu keentay adeegsiga xuquuqdiisa assasiga ee ra’yi dhiibashada oo uu damaanad qaaday qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee xeerka xuquuqal-isnaanka caalamiga.
Qoraalka Amnesty ayaa lagu sheegay in 9 July, maalin ka dib xukunkiisa, Boqor Buur-madow loo wareejiyey xabsiga Mandheera oo 70km ka fog Hargeysa, ayey sheegeen inay xaaladihiisu adag yihiin, taasoo kordhisay halista caafimaadkiisa, oo hore Amnesty International la socodsiiyeen xukuumada. Boqor Buur-madow ayaa la sheegay inuu ka dhamaaday dawooyinkiisii dhiig-karka iyo xanuuno kaleba bil ka hor, waxaanay soo jeediyeen in degdeg loo siidaayo, si uu caafimaadkiisa u daryeesho, isla markaana intuu xidhan yahay xukuumada Somaliland waajib ku tahay inay hubiyaan helitaankiisa adeeg caafimaad ku filan.
Amnesty International ayaa sidoo kale ka hadashay werwerka u adeegsiga eedo ciqaabeed adeegsigiisa xuquuqda fikir-dhiibashada. Hore waxa loogu eedeeyey inuu falal ka dhan ah xukuumada ka abaabulay dibedda, bals edhamaan eedahaa ayuu laalay garsoorahii, dhanka kalena ku xukumay dhaleecaynta saraakiisha xukuumada, denbiyo leh ciqaab u dhexeysa lix bilood ilaa laba sannadood, siduu dhigayo qodobka 268 ee xeerka ciqaabta Penal Code.
Xeerarka xuquuqal insaanka caalamiga ayaa si faafaahsan u qeexaya in xuquuqda ra’yi dhiibashadu ka mid tahay ka hadalka firrada siyaasdaa, xanibaad kastoo ra’yi dhiibashada lagu xakamaynayo waxuu nqon karaa (Ilaalinta amaanka qaranka ama kala danbaynta, arrimaha caafimaadka, ama dano kaloo caam ah).