Hargeysa (Geeska/Aljazeera)- Cilmi baadhayaal caalamiya ayaa sheegay in barnaamijka caafimaadka adduunka ee ay wado hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan caafimaadka WHO uu qarka u saaran yahay in uu burbur, sababo la xidhiidha dhaqaale xumada caalamiga ah iyo mushkiladaha deymaha ee dalal badani la daalaa-dhacayaan awgood. Warbixin ay faafisay majaladda Foreign Policy ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa ay cilmi baadhayaashani ku sheegeen in mustaqbalka jiritaan ee hay’adda WHO uu ka lusho gebi khatar ah, iyada oo awoodi la’ in ay ka hortagto faafitaanka cudurrada ee dunida ku sii baahaya, in ay wanaajiso nidaamka caafimaad ee dunida iyo in ay nidaamiso kala horraysiinta qorshayaasha iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee lo oqaadayo wax ka qabashada caafimaad adduunka.
Warbixintani waxa ay sheegaysaa in hay’adda caafimaadka adduunku ay hadda dhaqaalaheeda boqolkiiba 80 ka hesho ilo muddo gaaban soconaya oo ujeedadoodu tahay uun in lagula dagaalamo cudurro gaar ah iyo ujeedooyin kale, halkii ay ka ahayd in ay qaramada midoobey ka qayb qaadato dhaqaalaynta hay’adda. Waxa ay warbixintu sheegtay in hay’adda WHO ay awoodi kari la’dahay in ay hawlaheeda si habsami ah u gudato, iyada oo weli xoogga saaraysa xaalado caafimaad oo markaa taagan ama soo baxay, balse aan ujeedin baahiyaha caafimaad ee mustaqbalka fog. Sidoo kale hay’addu waxa ay ku fashilantay in ay cudurrada uga hortago sida ku habboon. Sababta dhaqaale xumo ee WHO la ciirciirayso ayaa lagu sheegay dalalkii dhaqaalayn jiray oo aan bixin dhaqaalihii ay hay’addan ku caawin jireen. Arrintaas oo sida warbixintan lagu sheegay ku qasbaysa WHO in ay dhaqaale dheeraad ah weydiisato ururrada aan dawliga ahayn ee caalamka.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo marka laga tago in ay ka shaqayso ka hortagga, daaweynta iyo ka wacyi gelinta cudurrada laga filayey in ay ka shaqayso barnaamijyo iyo daraasado lagu ogaanayo xaaladaha caafimaad ee adduunka, isla markaana ay ka qayb qaadato qorshayaasha waqtiga fog ee lagu wanaajinayo caafimaadka adduunka ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey fadhiidnimo iyo in aanay wax barnaamijiyo la taaban karo ah ka qaban shaqadii loo igmaday.
Cilmi baadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegaya in mushkiladaha ugu waaweyn ee soo foodsaaray WHO ay ka mid tahay dawladaha qaniga ah iyo kuwa dhaqaalahoodu korayo oo aan u hurin taageeradii siyaasiga ahayd ee hay’addu u baahnayd.