Agaasimihii Kastamka Berbera Marxuum Cali Bulbul Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

0
554

bulbulHargeysa(Geeska)-Alle ha u naxariistee waxa shalay ku geeriyooday meesha la yidhaahdo jiifto ee wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera Agaasimaha kastamka Berbera isla markaana ahaa iskuduwihii wasaaradda maaliyadda ee gobolka Saaxil Marxuum- Cali Axmed Bul-bul, ka dib markii Gaadhigiisii oo uu isagu waday la qalibmay. Marxuumka ayaa waxa maanta lagu aasayaa xabaalaha xeedho ee magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Marxuumku wuxuu geeriyooday isaga oo shalayka ambo-baxay magaaladda Hargeysa kuna sii jeeday xafiiskiisa magaalada Berbera.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Cali Axmed Bul-bul oo ku geeriyooday shil baabuur.

Madaxweynuhu wuxuu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhambaalka tacsi ah ee madaxweynuhu u diray qoyskii Marxuum- Cali Axmed Bul-bul wuxuu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Bulbul, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maamulihii Kastamka Berbera, MARXUUM CALI AXMED BULBUL, oo ku geeriyooday (01.06.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan Meel u dhaw Kantaroolka Berbera Abaaro 4:00 PM (Galabnimo).

Madaxweynuhu waxa ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo MARXUUM CALI AXMED BULBUL, waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee dhinaca dhaqaalaha ku xeel dheer ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna tacsi u diray guud ahaan bahda wasaaradda maaliayda iyo weliba

Marxuumka wuxuu ahaa masuuliyiinta ugu aaminsan saraakiisha wasaaradda maaliyadda waxaanu xilkan hayay labadii sanadood ee la soo dhaafay waxaana xilkan u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi.

Bahda Wargeyska Geeska Afrika, waxa ay tacsi u dirayaan qoyska uu marxuumku ka geeriyooday si gaar ahna waxa ay tacsi ugu dirayaan weriye Xamse Cali Bulbul oo uu marxuumku dhalay.