Hay’adda Mercy Corps Oo Wasaaradda Waxbarashada Ku Warejisay Saddex Dugsi

1
3990

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda Mercy Corps ayaa si rasmi ah ugu wareejisay wasaarada waxbarashda saddex dugsi oo ay ku samaysay dib u habayn iyo wax ku kordhin. Dugsiyadan ayay haayadu ku kordhisay fasalo cusub iyo  kuraastoodii ,musqulo, barkado biyood iyo qaarkood oo ay u dhistay gaydhadh xayndaab uga noqda waxii banaanka kaga imanaaya.

Dugsiyadan oo ku yaala Hargeysa ayaa kala ah dugsiga sare ee Warancade oo ay Mercy Corps ku kordhisay gaydh,s adex fasal, dhawr musqulood iyo barkad ay biyaha ka cabaan oo qaadaysa ku dhawaad boqol foosto oo biyo ah. dugsiga sare ee 26-ka Juun ayay Mercy Corps ku kordhisay afar fasal iyo kuraastoodii, dhawr  Suuli iyo barkad weyn oo biyaha dugsiga loogu shubo,taas oo maamulaha dugsigaasi uu si weyn uga mahadnaqay. Sida oo kale dugsiga sare ee Gaandi ayay Mercy Corps dib u habayan ku samaysay ka dib markii jiingadii iyo albaabadiiba roobab ka burburiyeen, waxaanay sida oo kale u dhiseen fasalo cusub,suuliyaal iyo waliba barkad biyood.

Cumar Cabdale Xasan oo ah maamulaha dugsiga Warancade oo ugu horayntii ka hadlaayay kulankan lagu wareejinaayo waxii loo qabtay waxaa yidhi  “ Halkan waxa ka muuqada dhisme aad u qurux badan oo ay noo dhistay haayada Mercy Corps saddex fasal iyo kuraastoodii,waxa kale oo ay noo dhistay haayadani dayrkaas weyn ee aadka u balaadhan oo aanu ku dhex beernay 35 geed,awal geed laguma beeri karayn ardayga laftigiisuna muu istaagi karayn banaankan, waxuu gaydhkani na kala dhex galay anaga iyo dilaaliin adhiga iyo dhuxusha dugsiga ku soo rogi jirtay,maantana waa maalin wax lagu dhex kaantarooli karo,waxay noo dhistay barkad biyood,aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa haayada Mercy Corps iyo wasaarada caafimaadka.” 

Maamulaha dugsiga sare ee Gaandi Cabdiqaadir Sheekh Macalin Khaliif ayaa isagu dhankiisa yidhi“ Digsigan markii hore waxa jiingadii ka qaaday roob waxaanay haayadan Mercy Corps dib noogu dhistay dugsigii dhamaantii haday jiingad noqon lahayd iyo haday dib u dayac tir tahayba, waanan uga mahadcelinaynaa wax qabadkan ay noo muujiyeen,waana wax cad oo la taaban karo.”

Jaamac Ismaaciil Nuur oo ku hadlay afka haayada Mercy Corps oo ka waramay marshuucan waxa uu yidhi“ Aniga oo ku hadlaaya afka haayada Mercy Corps waxaan ku faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo xafladan xil wareejinta saddex dugsi oo aanu dib u habayn iyo wax ku kordhinba  ugu samaynay magaalada Hargeysa, dugsiyadan oo kala ah Warancade,26-ka Juun iyo Gaandi oo dhamaantood dugsiyo sare ah. Runtii dugsiyada waxybaaha aanu ka qabanaa kuma koobna Hargeysa ee sida oo kale waxaanu ka wadnaa gobaalda Somaliland oo dhan,marshuucanina waa mid balaadhan oo lagu horu marinaayo waxbarashada dhalinyarada Somaliland oo aanu ugu magac darnay KALKAAL oo ay maal galisay haayada USAID oo ay fulinayaan haayado ay hormuud u tahay Mercy Corps.waxaan hadalkayga ku soo koobayaa anaga waxa noo go’aan ah Mercy Corps-ahaan inaan horumarino tayayno oo dhisno  waxbarashada Somaliland,waanan la sii wadi doonaa is kaashigayaga wasaarada waxbarashada.”

Ugu danyantii Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Md. Maxamed Xasan ayaa xadhiga ka jaray dib u habayntan iyo wax ku kordhintan hayada MercyCorps ay ku samaysay saddexda dugsi,waxaanu yidhi ka hor intii aanu la wareegin marshuucan  “ Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in ay haayada Mercy Corps nagu soo wareejiso dugsiyadii ay dib u dhiska noogu samaynaysay dhamaantood,waanan ka gudoonay hawshaas ay qabteen waanan  soo dhawaynaynaa  inaan wada shaqayno, waanan la sii shaqayn doonaa sidii horeba aan ula shaqayn jirnay,cidii wasaarada waxbarashada waxa la qabanaysana waan soo dhawaynaynaa waanan la shaqaynaynaa oo wax u fududaynaynaa,mahadna waanu u celinaynaa haayada maalgalintan samaysay ee USAID,waxtar sii socda ayaanan ka rajaynaynaa.”

Comments are closed.