Haweenka Kuulliga Ku Shaqaysta Oo Magaalada Boorama Ku Soo Badanaya

0
785

Picture2Borama(Geeska)-Waxa isa soo taraya haweenka noqday udub dhaxaadka qoyska ee subax walba u soo kalaha si ay uga shaqeeyaan goobaha ay ka socdaan dhismayaashu iyaga oo ku shaqaysanaya xirfada muruqmaalka ee loo yaqaan Kuuliga.

Sida uu ku waramayo weriye Cabdalle Cail Yuusuf, Haweenkan oo aad u badan isla markaana aan da’ gaar ah lahayn ayaa waxa ay sheegayaan in duruufta dibada u soo saartay ee kukaliftay inay ka shaqeeyaan shaqadan adag ay tahay mid isugu jirta arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, iyaga oo ay qaarkood haystaan caruur agoon ah, iyaga oo ay qaarkood ka xanuunsanayaan, ka tahriibeen ka tageen, is fureen ama dayaceen odayaashii ay ahayd inay qoyska quutal daruurigiisa u soo ridaan.

Duruufahan adage e ku xeeran haweenkan ayaa waxa ka mid ah iyada oo ay shaqadu tahay mid aad u adag, sidoo kalena ay jiraan takoor aan la qiyaasi Karin oo kaga imanaya dhinaca Ragga, isla markaana yoomka ama ama lacagta ay ka helaana ay tahay mid aad u kooban oo aan ka badnayn 10 doolar oo aan ku filnayn in lagu masruufo qoys dhan oo cunto, biyo, daryeel caafimaad, iyo waxbarashaba raba.

Haweenkan ayaa jeclaan lahaa inay daryeel gaar ah ka helaan qaybaha kala duwan ee bulshado, balse taas ifafaalaheedii ma muuqdo, xaalkuna waxa uu noqday “Nin iyo Naftii” waxana ay canaan u direen xukuumada iyo hayadaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyaga oo ka dalbaday inay xaalkooda hoos u eegaan isla markaana uaga faaiideeyaan lacagaha malaayiinta doolar ah ee ay bixiyaan deeq bixiyayaashu ee loogu talo galay in lagu daryeelo, caruurta, agoonta, amuuraha jinsiga, hooyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee nugul.