Burco: Xildhibaano iyo Odayaal Cabasho Ka Muujiyay Qorshayaal Ay Xukuumadu Ka Bilaabayso Aroori

0
784

Burco(Geeska)-Xubno isugu jira Xildhibaano, Salaadiin,Cuqaal iyo Waxgarad ka soo jeeda  goboka Togdheer ayaa cabasho ka muujiyay Seero Xukuumadu ka samaynayso Bananka Aroori ee Konfurta Burco. Xubnahan oo shir jaraa'id ku qabtay Magaaada Burco ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay bulshadda deegaankaasi ku dhaqan kala tashato Seeraha ay sheegtay in ay deegaankaasi ka samaynayso ,maadaama ay ku noolyihiin dad badan oo xoolo dhaqato ahi ,isla markaana meel ay u guuraan aaney jirin. Xildhibaan Cabdikariin Maxamuud Cabdilaahi oo ka mid ah Golaha deegaanka Burco oo halkaasi ka hadlay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa “ Runtii waxaanu halkan ka sheegaynaa oo aanu hore-na u sheegnay ,arin  lala dhukusaayo oo imika mudo dheer Aroori laga waday imikana laga wado ,waxaanu ku nidhi Xukuumadda waar bal dadka degel fadhiga ah ee ilaahay meesha ku uumay waxaad wadaan ee aad leedihiin waa Seero bal kala tashada oo sharaxaad ka siiya  ,taasi way diideen oo dhagahooda way mari la’dahay ,wixii intaasi sii dheerina waa foolxumo ,waxaana halkaasi ka muuqata in Dawladu Bananka Aroori cid gaar ah u xidhayso ,mana aqbalayno ,waxaanu leenahay waar Dadka meesha dagan halala tashado ,oo waxa deegaanka laga fulinaayo wax halaga waydiiyo yaan xoog ,uun la adeegsane. Mida kale waxaanu leenahay dastuurka dalka ha la ilaaliyo oo Wasaaradkasta shaqadeeda ha loo daayo ,Wasaaradda Daaqa Qaranka iyo horumarinta reer Miyaga ayaa hawlahan Seeraha ku shaqo leh ,ta Xanaanada Xooluhu meel-na uma soo marto " Sidaasi ayuu yidhi. Suldaan Maxamed Muuse Cuneo o isna halkaasi ka hadlay  “ Dadka Masaakiinta ah ee Xoolo dhaqatada ah ee Bananka Aroori , Hanjabaad iyo Barokicin ayay ,Xukuumadu ku haysaa ,taasi oo ay ku doonayso in ay deegaankaasi kaga rarto ,hore-na dad ayay ugu laysay ,in ay la tashato oo waxa ay wado usoo bandhigtana way diiday , markaa waxaan leeyahay shicibka deegaankaasi dhulka idinkaa ilaahay idinku beeree ilaa shada ,maanta  Dawlad aynu aroori ku aamino ma hayno iyo mid aynu dal ku aamino toona  ,waa Dawladaa Hanbadii Maxamed Siyaad Bare ka tagay iibinaysa ee horteena ku xaraashayasa  ,markaa inta aynu dawlad helayno dalkan aynu ku aamino oo masuuliyada qaada ,shicibkana aan cashuurta ku kordhin ,Hanidda umadana aan iibinin ,Guryaha islaamka-na aan u dhicin,qof walowba waxaad hayso ku faro adayg kana difaaco “ Sidaasi ayuu Yidhi Suldaan Cune.  Caaqil Cabdilaahi Muxumed Cabdiraxmaan iyo Oday Cawil Cali Bulaale oo iyana ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa Xukuumadda usoo jeediyay in ay bulshadda deegaanka si cad ugu soo bandhigto Qorshayaasha ay sheegtay in ay deegaankaasi ka hirgalinayso ,oo ay tilmaameen in shaki badani kaga jiro .