Haweenay Aabaheed Ku Dishay Deegaanka Geed-Deeble Ee Duleedka Hargeysa Iyo Maamulka Degmada Oo Falkaas Ka Hadlay

0
832

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha degmada Daarasalaam ee waqooyiga Hargeysa Md. Maxamed Axmed Kibaar, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen haweenay dishay aabaheed, oo fakatay markii ay falka gaysatay. Waxaanu dilku ka dhacay magaalada Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa.

Marxuumka geeriyooday ayaa magaciisu yahay Cabdile Xagaa, waxaana maydkiisa la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo gabadha uu dhalay ee dishayna lagu soo xidhay xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.

Mr. Kibaar, wuxuu Geeska Afrika u sheegay in falku dhacay saqdii dhexe ee habeenimadii ay Salaasadu soo galaysay ee toddobaadkan. “Falku wuxuu dhacay saqdii dhexe, waxaanay hooyada gabadha dhashay noo sheegtay in aabuhu gabadha yara canaantay, ka dibna ay saqdii dhexe hooyadu ku war heshay dagaalka ay inantu aabaheed ku qaaday. Waxay dilka u adeegsaday minddi iyo agab kale.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Daarasalaam, waxaanu intaas raaciyay, “Marxuumku wuxuu ahaa dhul jiif oo waxa helay xanuunka faaliga, waxaana na soo gaadhaya warar sheegaya in inanta lafteedu ay maskaxda ka jiranayd.” Wuxuu guddoomiyaha degmada Daarasalaam sheegay inay gabadhu baxsatay markii ay dilka gaysatay balse la soo qabtay “Markii ay dilka gaysatay way baxsatay, waxaanan ka soo qabanay deegaan lagu magacaabo Shaqale, waxaanan ku soo xidhnay xarunta CID-da, maydkiina waxaanu keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa.”

Wuxuu guddoomiyaha Degmada Darasalaam tacsi u diray qoyska uu marxuukani ka geeriyooday, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.