Hargeysa: Ururka GAVO & Hay’ada GPT Oo Tababar U Soo Xidhay Xirfad-layaal Dhimirka Ka Hawl-gala

0
499

Picture2Hargeysa (Geeska)- Ururka GAVO iyo Hay’ada GPT oo iska kaashaday tabarbar aqoon korodhsi lagu siinayay xirfadlayaal ka hawl-gala Dhakhaatiirta Dhimirka ayaa maalintii shalay lagu soo gunaanaday Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo muddo laba cisho ah u socday Xirfadlayaasha ka hawl gala Goobaha lagu xaneenayo dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee Dhimirka ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo dhisi lahaa aqoonta xirfadlayaasha ka hawl gala goobahaas, waxaana intii uu tababarkaasi socday casharada bixinayay Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil oo ka tirsan masuuliyiinta sare-sare ee Ururka GAVO. Haddaba xidhitaankii tababarkaas ayaa waxaa ka soo qayb galay oo soo xidhay Isu-duwaha Dhimirka ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Doctor Mustafe Xuseen Xirsi, isagoo halkaasna ka soo jeediyay hadal kooban oo ugu mahadnaqayay Ururka GAVO iyo Hay’ada GPT, isagoo sidoo kalena kula dardaarmay xirfadlayaashii loo soo xidhay tababarkan inay ku dabaqaan aqoon korodhsigan aqoontoodii hore, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan ugu horayn u mahadnaqayaa Ururka GAVO iyo Hay’ada GPT oo iska kaashaday tababarkan inkasta oo ka Wasaarad ahaan aanu anaguna qaybtayada ka qaadanay, Mashruucani maaha mid joogsanaya oo waxaa jiri doona Mashruucyo kale oo kor loogu qaadayo aqoonta dadka ka hawl gala goobaha dhimirka si ay u daweeyaan dadka maskaxda ka jirin, waxaana u sheegaya bulshada saska ka qabta xanuunka dhimirka inuu yahay xanuun la mid ah xanuunada kale eek u dhaca jismiga taas oo ah fududahay in laga bogsoodo” ayuu yidhi Masuulka ka socday Wasaarada Caafimaadka qaybta Dhimirka.

Ugu dambayntii, mid ka mid ah Xirfadlayaashii aqoon korodhsiga lagu siiyay muddadii labada cisho ahayd ayaa sheegay inay aqoon baddan oo aanay hore u haysan ay ka faa’ideen muddadii labada cisho ahayd ee uu tababarku u socday, isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay Ururka GAVO iyo Hay’ada GPT iyo weliba Wasaarada Caafimaadka.