Hargeysa Oo Laga Xusay Maalinta Aids-ka Ee Adduunka

0
650

Hargeysa(Geeska)-Waxa Magaalada Hargeysa khamiistii Laga Xusay Maalinta Aids-ka Aduunka oo ah maalin loo asteeyey in Guud Ahaanba Caalamka laga Xuso Maaalintan oo ku began 1-da Bisha 12aad ee Sanad Walba, Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo uu Soo qaban qaabiyey Komishaka Xakamaynta Aids-ka ee SOLNAC.

1

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic, Wasiiro, Saraakiil ka kala Socotay Ha’aydaha UN-ta iyo kuwa Komishanka kala Shaqeeya Hawlaha la Dagaalanka Aids-ka, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Marti sharaf kale.

Agaasimaha Komishanka Aids Cabdi Cali oo ugu Warbixintii Sanadkan ka Jeediyey Munaasibadaasi ayaa waaxa uu ydhi "maanta waxaynu halkan u Joognaa Xuska Maanlinta AiDS-Ka Aduunka sanadkan 2014-ka, kaasi oo aynu Sanad walba Xusno, sanadkan waxay Daarantahay laba arimood. In xanuunkan laga hortago iyo sidii Xuquuqdooda loo daryeeli lahaa Dadka Xanuunka la nool oo laba u sii qayb san qaar is og iyo qaar aan is ogayn, Xanuunka HIV/AIDS- waxa qaba qiyaas ahaan 1% Boqolkiiba kow dadka reer Somaliland.” Ayuu yidhi Cabdi Cali

Agaasimaha Oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray "Dadka Reer Somaliland ee Dawada loo Bilaabay waa 1879, waxa kale oo Jira Dad uu Difaacoodu Adag yahay oo aan wali loo bilaabin oo ay tiradoodu gaadhayso 2999 qof, Dawooyinka waxa laga bixiyaa Afarta Cisbital ee waaweyn ee wadanku leeyahay sida Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ka Berbera Ka Burco iyo ka Boorama waxa kale oo aan u mahad naqayaa Degmooyin iyo Gobolo nagala  Qayb Qaatay Sanadkan Halku Dhigeenu waa DAWADA HALA QAATOTO, waxa imika la gaadhay heer Qofka Dawada qaata Xataa hadii laga baadho aan laga helayn.” Ayuu yidhi Cabdi Cali

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Cafimaadka oo ka Hadashay Munaasibadaasi ayaa ka waran tay Xanuunka AIDs-ka waxaanay Sheegtay inay Sasaarada Caafimaad Dawada Xanuunkan Gaadhsiisay Guud ahaanba, iyadoo Xustay inay Dawada waxbadan ka tarayso oo la gaadhsiiyey heer aany hooyadu u gudbin Karin ilmaheeda.

Madaxaweyne ku xigeenka Somalilana ayaa isaguna ka hadlay Xuska Malinta AIDs-ka Aduunka waxaanu ka waramay Qorshaha Xukuumada eek u aadan Xakamaynta Xanuunka AIDs-ka "waxaanu maanta idiin haynaa war farxad leh oo ah in Dawada Xanuunkan lagu Daweeyaa ay karti u leedahay inay Baabiiso, taasi oo ay adagtay in qof kasta oo qaata laga helo xanuunkan hadii la baadho, waxa kale oo dawadani suurto galisay inuu jidhku isaga difaaco Xanuunada kale, taasi macneheedu waxa weeyaan in dadka la nool xanuunkan ay noloshu u dheeraato, waana rajo ku dhaw hadafkii ahaa in laga guulaysto AIDs-ka” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Waxa kale oo halkaasi Khudbado ka Jeediyey Saraakiil ka kala socotay Hay’adaha Komishanka AIDs-ka kala shaqeeyey Xakaynta xanuunkaasi, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Bulshada ka wacyi galiya iyo Xubno ka dirsan Masuuliyiinta Wasaarada La shaqeeyey Komishanka Xakaynta AIDs-ka ku waasi oo dhamaantood soo Jeediyey Bulshada Reer Somaliland-na ugu Baaqay inay Qaataan Dawada.