Dhallinyarada Wadajir Iyo Midnimo Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Balaadhan Oo La Isku Arkay

0
676

Hargeysa(Geeska)-Shirwayne aad u balaadhan oo ay soo abaabulneen Dhalinyaradda aqoonyahanka Beelwaynta SHEEKH  CISMAN IYO GUULANE CABDALE oo ahaa shirweynihii 2aad, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana soo abaabulay

Dhalinyarada,aqoonyahanka,iyo in dheergaradka ee Ururka Midnimo iyo wada jir.

1

Shirkaas oo lagaga arinsanayey aayaha Mustaqbal ee Beesha, oo degta  Deegaano ay ka mid yihiin magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, Gunburaha, kaabadda bari, Hungurigorayo iyo Badhtamaha Koonfurta, Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa wax aka qayb galay  Madax Dhaqameedka, Dhalinyarada, Culimada, in dheergaradka, aqoonyahanka, iyo Siyaasiyiinta Mucaarid iyo Muxaafidba, iyo haween tiro badan.

Guddoomiyaha ururka midnimo iyo wadajir Mahad Muuse (Sugule) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay miisaanka iyo cududa ay dhaliyaradu leedahay, carabkana ku adkeeyay in midnimadu muqadas tahay, waxaanu ka waramay baahida loo qabo in laga shaqeeyo horumarka dhalinyarada ee dhinacyada kala duwan.

Gudoomiyaha Daladda Waab Qurux Eng Maxamuud Aadan Jaamac (Africaan) oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo bandhigtay wax qabadka iyo talaabooyinka muuqa ee ay ku talaabsatay dallada Waab-qurux oo ah dallad isku xidha labadan beelood.

La taliyaha Madaxwaynaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa mahadnaq ka dib ku sifeeyay kulankan in uu sababi karo Midnimo guud oo dhexmara beelaha Arab maadaama oo ay baraarug fiican ka soo bilaabmay dhaliyarada aqoonyahanka baalaha Guulane iyo Sheekh Cismaan waxaanu ku Taliyey in ay Gacmaha isqabsadaan Hormarkana dhinac uga soo wada jeestaan

Wasiir ku Xigeenka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Naasir Ayjeex Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu hiil iyo hooba lagarab taagan yahay Dhalinyarada aqoonyahanka Guulane Cabdale iyo Sheekh Cismaan soona dhawaynayo Ururka Midnimo iyo  Wadajir.

Xoghayaha Difaaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Khaddar Cismaan budle oo si kal iyo laaba u soo dhaweeyay Ururka midnimo iyo wadadajir sheegayna in ay halkaasi ka sii wadaan midnimadaas. Agaasimaha waaxda Gender-ka ee Wasaaradda Waxbarashada Ayaan xaaji yuusuf,  Siyaasi Maxamed Cali Madoobe, Aqoonyahan Guuleed Goohe iidaan, aqoonyahan Khadar Xaaji Yuusuf iyo Abwaan Faysal Aw Cabdi Cambalaash ayaa iyaguna halkas hadalo ka jeediyay.

Cali Jibriil Xirsi, oo ka mid ah dhallinyarada beesha ee horumarka samaysay ayaa isna halkaas ka jeediyay hadalo waano iyo dhaxal-gal ah, waxaanu soo jeediyay in la isku duubnaado oo lala xisaabtamo madaxda beelahan.