Hargeysa: Muwaadin Bisha Ramadaan Isku Xilsaaray Quudinta Dadka Qaba Xanuunada Dhimirka

0
729

Picture1Hargeysa (Geeska) – Maxamed Xuseen Maxamed (Jagac) oo ah muwaadin isku xilsaaray inuu bil kasta oo Ramadaan quudiyo dadka qabba xanuunada maskaxda ee suuqyada Hargeysa wareega isla-markaana aasaasay ururka Sancaani Foundation oo shaqadiisu tahay kaalmaynta dadkaasi, ayaa ka waramay sida ay u quudiyaan dadka xanuunsanaya.

 

Maxamed Jagac oo nagu soo booqday xarunta Geeska Afrika, ayaa sheegay inuu muddo 10 sanadood ah ka shaqeynayey quudinta dadka waalan ee bilaha Baralaysan ee Ramadaan laga xidho meelihii ay ka cuni jireen hambooyinka, isaga oo xusay in markaa ka dibna uu aasaasay Sancaani Foundation oo shaqadiisu tahay u kaalmaynta dadkaasi.

Maxamed Xuseen Maxamed (Jagac) oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ILAAHAY igu ilhaamiyey oo aan muddo 10 sanadood ah qabanayey bisha Ramadaan dad badan oo walaalaheen ah oo Malaa’igtii laga kor qaaday oo aanu Soonku ku waajibin oo u baahan daryeel badan oo suuqa meera oo aan guri ku xeraysnayn, dadkaasina waxay wax ka cuni jireen Makhaayadaha iyo hudheelada, laakiin suuqii ayaa laga xidhay bishii Ramadaan oo meel ay wax ka cunaan ama ka cabaan ma jirto, markaa aniga ILAAHAY wuxuu igu ilhaamiyey inaan iyagga quudiyo inta aan bisha Ramadaan raashin kariyo aniga oo Sooman aan biyo iyo raashin la daydayo, qaarbaa igu soo carara markaan cuntada hoo ku idhaahda oo u qaadan waaya”

Maxamed Jagac, wuxuu uu ugu baaqay xukuumadda iyo shacabka inay ka qayb qaataan kaalmaynta dadka buka ee aan ceelna u qodnayn “Inta Ramadaanta way I barteen oo meelahooda ayay igu sugaan oo ma kacaan ilaa inta aan u tagayo, markaa xukuumad iyo shacaba masuuliyadbaa inaga saaran, waxaanan leeyahay walaalayaal ajarkaasi shaqeysta” ayuu yidhi.

Haddii ka qayb-qaadanayso kaalmaynta dadka xanuunada dhimirka qabba tabarucaaga ku shub akoonadan: Dahabshiil: 35959 ama Zaad: 4072234.