Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Mr. Duur Oo Beeniyay Warar Sheegaya Inuu Muqdisho Ka Degay, Kana Hadlay Xilkii Uu Madaxweynuhu Ka Qaaday

0
508

Picture2Dubai(Geeska)-Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur),ayaa beeniyay in uu tagay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Qaar ka mid ah baraha Internetka wararka ku baahiya ayaa warkan faafiyay.

 

Sida oo kale Maxamed Nuur Caraale Duur, oo wakhtigan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, oo uu u tagay hawlo u gaar ah,isla markaasna uu dalka ku soo laaban doono 22-ka. Waxa uu sidan ku sheegay wasiirkii hore ee arimaha gudahu waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ugu danbayntii sheegay  in aanu wax aano ah ka tirsayan xilka qaadis tiisii  ee uu u arko sunaha dawladnimo .

Ugu horayntii Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo aanu su’aalnay halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu kaga jawaabayo wararka sheegay inuu joogo Muqdisho waxa uu yidhi “Imaaraadka ayaan joogaa waanan nabad qabaa,marka danta guud laga shaqaynaayo ta gaarka ah ayaa lunta markaas waxaan u joogaa danahayga oo mudadii aan danta guud ka shaqaynaayay xoogaa iga dayacmay ayaan yara kab kabanayaa oo Imaaraadka ayaan joogaa.warkaasu ma jiro,warkaas aan jirin cidii shabakadaha ku faafisayna waa ramadaane wax kale oo aynu nidhaahno ma garanaynee alle danbigeeda haka dhaafo.”

Duur oo hadalkiis sii wataa waxa uu yidhi   “Oday xilal badan Somaliland ka soo qabtay ayaan ahay waxaanan qabaa in qofku magac iyo maamuusba uu ku leeyahay dalkiisa, qofkuna dadkiisa iyo dalkiisa ayuu maamuus ku leeyahay,marka dalkaas aan magac iyo maamuuska ka helay kuna lahaa in layga tago mooyaane cidna uga tagi maayo.” 

Sida oo kale wargeyska Geeska Afrika waxa uu su’aalay Wasiirkii ee arimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur), inuu bulshada uga jawaabo wax yaabaha uu u aanay-naayo xilka qaadistiisa “ Xilka qaadistaydu waa meerto oo waxba loo aanayn maayo,waxii shalay laygu dhiibay ayuun bay la macno tahay markaas uma arko inay aano dhib iyo turxaan toona leedahaye  waanigii hore u sheegay oo waxaan u arkaayay inay sunahii dawladnimo tahay uun markaas in marba cid lagu dayo aniguna waan ku faraxsanaa waanan ku faraxsanahay,waanigaas imikana kuu sheegay oo hawlaha marba mid ayaa lagu foogan yahaye imika nin hawlahiisa gaarka u ah wad wadanaaya ayaan ahay,sidii aan umada u balan qaadayna waxaan ahaanayaa inta mus danbeedka ah ee dalkooda ka ilaashata xaga danbe,waxna iska kay badali maayaan insha allaah 22-nka bishana waan imanayaa.”