Hargeysa: Magacii Dugsiga Axmed-Gurey Oo Lagu Bedelay Mujaahid Quule Aadan Dool

14
791

 

quule doolHargeysa(Geeska)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dugsiga hoose/dhexe ee Axmed-Gurey oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa laga bedelay magacaas hore, loona bixiyay Mujaahid Quule Aadan Dool.

 

Sidaas waxa lagu sheegay munaasibad shalay lagu qabtay dugsigaas oo lagu abaalmarinayay ardaydii dugsigaas ka tirsanayd ee kaalmaha hore ka gashay imtixaankii dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana xafladaas hadal ka jeediyay wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cali Xaamud Jibriil oo si rasmi ah u cadeeyay in magacii Axmed-Gurey loo bedelay Quule Aadan Dool. “ Laga Bilaabo Maanta[shalay] oo ay taariikhdu tahay 10/10/2012-ka waxaan ku dhawaaqayaa oo aan ogaysiinayaa bulshada in Dugsigan Ex-Axmed-guray loo bixiyey Muj: Quule Aadan Dool, waxaana Maamulka dugsiga hoose/dhexe iyo sarre ee Muj: Quule Aadan Dool farayaa inay badalaan magacii hore oo ay Dugsiga boodhadhkiisa oo dhan ku dhejiyaan Magaca Mujaahid Quule Aadan Dool iyo Sawirkiisa.”

Alle haw naxariiste, Mujaahid Quule Aadan Dool, wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM ee dib u soo celiyay madaxbanaanida Somaliland oo luntay 1960.

Comments are closed.