Hargeysa: Kulan Lagu Daah-furay Wacyigalinta Istcimaalka Daawada Xoolaha

0
711

Picture4Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Maxamuud Axmed Cagaweyne, ayaa ka qayb-galay kulan hal maalin ka socday huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu daah-furayey wacyigalin la xidhiidha isticmaalka daawada xoolaha oo laga bilaabayo guud ahaan Gobollada Somaliland.

 

Kulankan ayaa daah-furay wacyigalinta isticmaalka daawada xoolaha oo sidoo kale lagu soo bandhigay tayada daawada xoolaha Somaliland la keeno iyo sida loogu baahan yahay in ganacsada soo waarida daawada xooluhu dalka keenaan daawo tayo leh ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay sida loogu baahan yahay xeer lagu kaataroolo tayada daawada xoolaha.

Wacyigalinta isticmaalka daawada xoolaha oo ay iska kaashadeen hay’adda USAID iyo ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland isla-markaana ay fulinayso shirkadda Cawke Media Productions, ayaa waxa furitaankeedii hadallo ka soo jeediyay dhakhaatiir ka socotay hay’adda Vitaid, ururka dhakhaatiirta iyo Wariye Axmed Xasan Cawke.

Dr Cabdi Baashe Cabdi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada kulankan “Barnaamijkan waxa lagu daah furayey daawada xoolaha isticmaalkooda, tayadooda iyo marka la isticmaalo sidii aan si fool xun loogu tuureen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Barnaamijka waxa iska kaashaday hay’adda USAID iyo ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland, waxaana hirgalinaya Cawke Media Group, waxaana la gaadhsiin doonaa Gobollada dalka, waxaana meelaha xooluhu isugu yimaadaan lagu qaybin doonaan boodhadh badan (Oo ay ku qoran yihiin sida ugu haboon ee daawooyinka xoolaha loo isticmaalo), waxaana lagu wacyi-galin doonaa daawada tayadooda”

Dr Cabdi Baashe, waxa kale oo uu sheegay “Dadka ka soo qayb-galay waxay u badan yihiin dadka ka ganacsada daawada xoolaha, dhakhaatiirta xoolaha, kalkaaliyayaasha daryeelka xoolaha ee miyiga ka shaqeeya, Guurtida iyo Wasaarada xanaanada xoolaha”ayuu yidhi.

Wariye Axmed Xasan Cawke oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Xooluhu waa lafdhabarta dhaqaalaha dadkeena, taana waxaad ku garan kartaa sanadkii hore oo kaliya waxa ka soo xerooday $ 400.000.000”

Mr Cawke, waxa kale oo uu sheegay “Dekeda yar ee Berbera ayaa kal hore noqotay adduunka oo dhan meesha ugu badan ee xoola nool laga dhoofiyo, waa wax yaab leh, xoolaha aynu dhaqano ee qofka reer Baadiyaha ahi wado waxay gaadhaan 25 waddan oo adduunka ah, marka Sucuudiga la geeyo ayaa la qalaa, markaas ayuu gaadhaa 25 ta waddan, waana wax lagu faano” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan u soo jeedin lahaa dadka dawada xoolaha keena haka daayeen ma yeedhaanka (Daawada aan fiicnayn), waxa kaloo wacyigalintayada ka mid ah halkeed ka iibsanaysaa, ha iibsanin daawada xoolaha haddii ay taalo meel cadceed ah, mar walba waxaad kala tashataa qof takhasus u leh, markaad iibsato halkeed ku kaydinaysaa, haddii qofkii miyiga joogay muska ku tuuro ama dabka ag dhigo way dhimanaysaa, markaa halkaad ku kaydinaysaana waa inay noqotaa meel haboon oo kulayl ka fog, carruurtana ka fogee”

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, Maxamuud Axmed (Dr Cagaweyne) oo ugu dambayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Daawadu waa middi laba af leh, oo marna xanuunkii ayay baa’biinaysaa, marna qofkii ama xoolihii ayay (waxyeelaynaysaa), daawaduna waa waxyaabaha ILAAHAY inagu manaystay”

Dr Cagaweyne, waxa kale oo uu sheegay “iska daa’ daawada xoolahee, daawadii dadka, cuntadii iyo wixii ay xidhanayeen iyo qalabkii ay iibsanayeen heerkii loo baahnaa ma taagna markaa xoolihii halkay joogaan, markaa inaga dadkii ayaan war loo haynin dawadoodii iyo cuntadoodii, xooluhuna way ka sii hooseeyaan, markaa dadka daawada keenaa xoolaha ILAAHAY ha kaga yaabaan, waayo inaga ayay ina saaran tahay masuuliyada xooluhu” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa hawshan muqadaska ah ee ay xoolaheena u qabanayso”