Asalka Calanka Dalka Somaliya Oo La Ogaaday Halka Laga Soo Minguuriyay

2
1068

Picture6Taariikhda calanka Soomaalidu miyey khaldantahay oo la dhoodhoobay mise horaa loo caddeyey ee anaan warqabin. Waxaa la igu barbaariyey  taariikhda  calanka bluga ah oo xiddigta cad oo shanta  gees-leh in uu hindisay Ilaahay ha u naxariistee nin la odhan jiray Maxamed Cawale Liibaan. M. Cawaale wuxuu ahaa nin aad u wanaagsan, ilbaxna ah aqoon dheeraadana u laha addunyada. Waxuu madax ka ahaan jiray xafiiska madaxweyne Aaden Cabdulle Cosman, kaddibna  warshaddi kallunka ee Bolimog ayuu maareeye ka noqday, ugu danbeyntiina ilaa burburkii wuxuu la taliye u ahaa goddomiyaha Bankig Horumarinta Soomaaliyeed. Waxaa taariikhda Soomaalidu  qoreysaa in 1954 uu Maxamed cawale keenay oo sawiray  calanka bluga ah tafsiirna ku bixiyey in bluegu cirkeena yahay xiddigta cad oo shanta-geeslahuna ay ka dhigantahay shanta Soomaaliyeed. Sidaas baan ku rumeysannay uguna heesijirnay ill hadder.

 

Hadaba goor galab ah ayaan filin americaan ah oo la yidhaahdo: GODS AND GENERALS soo ijaaratay. Wuxu filmku ku saabsanyahay dagaalkii sokeeye ee Mareykana ka dexdhacay Woqooyi iyo Koofurta America, dagalkaas oo bilowday April 12, 1861 dhammadayna  9 April 1865 Ayda oo Gen. Robert Lee oo hoggaminayay ciidamada koofureed uu isu dhiibay Gen. Ulysses Grant oo ahaa tliyaha ciidamada waqooyi muddo kaddibna Madaxweynaha America noqday sanoyinkii 1869 -1877. Ciidamada Koofureed ayaa waxay wateen Calankii Soomaalida ee bluga ahaa oo heesa la yaab leh u qaadayey oo u micno dhaw kuwii aan u qaadi jirnay bluglay. Yaab baa iga haray markaan arkay Gen. John Bell Hood oo ku magac dheeraa Sam Hood oo ciidankiisii oo rer Texas  ah ay babinayaan calankeeni Bluga ahaa. Arrintaas markaan arkay ayaan raadin ugu dhaqaaqay asalkeeda iyo taariikhda blugley  iyo cidda hindistay.

ciidamada koofurta america calamadii ay kala wateen 1861. Waana ujeedaan Blugley in ay dhex babaneyso.waxaana logu magaabi “bonnie blue flag”

Waxaan ogaaday in markii ugu horreysay oo ay Blugley degaan ka babato ay ahayd 23 September 1810. Dadkii deganaa galbeedka Florida (USA) oo Spain haystay ayaa isticmaarkii ku kacay burburiyeyna wixii mood iyo noolba Spain lahayd. Waxay dhulka soo dhigeen calankii Boqortooyada Spain ayaga oo saaray Blugley oo aan sina uga duwaney calanka soomaalida. 10 December 1810 ayaa ‘USA” la wareegtay dowladii cusbay ee Florida, oo la oranjiray “Republic of West Florida”. Waxaana la soo dejiyey Blugley oo lagu badalay calankii “USA”

Muddo kaddib waqtigii dagaalkii sokeeye ee Mareykanka uu bilaabanaayey ayaa dowlad goboleedkii Mississippi ka goostay dalka Mareykanka lana soo baxaday “Bonnie Blue Flag” waa blugley oo awal meel la isaga tiiriyey. Dib bay u soo noolaatay blugley sandkii 1861 halakaas oo cidamada koofurred siiba cidanka Texas ay wateen Bluglay.  Dowlad gobleedyadii koofureed  markay ka bexeen  wadajirkii America waxay ka dhigteen  si aan rasmi ahayn calanakooda  bluglay  ama siday ugu yeerijireen“Bonnie Blue Flag”

Illa iyo waqtigaan waa la isku haystaa cidd hindistay calanka bluga ah laakiin la iskuma hayo ninkii  tiriyey heestii ugu caansaneyd ee la tiriyey sannadkii 1861 oo uu tiriye Harry McCarthy oo asalkiisu Irish ahaa kana yimid gobolka Ulster.

Ayada oo aysan arrintaani wax weyn ka baddalidoonin sheekada Soomaalidu ka haysato calanka blugley ayaan waxaan u soo bandhigayaa bulshada Soomaaliyeed sida ay blugley ku timid. Ma Maxamed Cawaalaa asaga oo aan arag calankaan iska hindisay mise meel buu ka arkay isla markaasna ogaaday in aan dowlad uu u sudhanyahay aanay   jirin sannadkii 1954 oo meel la isaga tiiriyey?

Qore: Abdulkadir Aden Mohamud “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com

Comments are closed.