Cali-Sanyare Oo Sharaxaya Faraqa U Dhexeeya Isbedel-doonkii KULMIYE Iyo Isbedel-doonka 2015

0
604

Picture2Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal waxaanu hore idiinku soo gudbinay waraysi ay shabakadda wararka ee qurbejoog ay la yeelatay wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) kaas oo uu kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.

Maanta waxa Md. Cali-Sanyare la su’aalay inuu sharaxo faraqa u dhexeeya isbedelkii doonkii KULMIYE ee wakhtigii UDUB iyo isbedelka doonka maanta ee 2015 waxaanu yidhi, “Labada isbedel-doon ee aad sheegtay waxay ku kala duwanaan karaan wakhtiga oo kala duwan awgood iyo duruufaha tabashooyinka bulshada ee ku gedaaman Isbdel-doonka oo iyana kala duwanaan kara. Waxay dadka siyaasadda ka faalooda ku saleeyaan  afar qodob oo waa-weyn sababaha UDUB xukunka looga tuuray, iyadoo laga yaabo in qaar kalena jiri karaan.Kuwaas oo kala ah:

1). Xisbiga UDUB wuxuu xukunka dalka hayey muddo dheer marka laga bilaabo shirkii Borama ee Madaxweyne Cigaal lagu  doortay ila sanadkii 2010. Waxay taasi keentay in bulshada ka daashay horjoogooda, sida. dalal badan oo kaleba wakhtiyada qaarkood ka dhacda, oo markaas taageeradii bulshadu u haysay diciiftay, dhinaca Isbdel-doonkana u-sii-siqeen

2). Waxa taas si  fiican uga faa'ideystay xisbiga KULMIYE oo qaaday ololey siyaasideysan   iyo mid qabeeleysan, oo geedna looga soo gaaban,oo tolaayee'ahaa ,oo si mug leh , ugu kasbaday codkii gobolada dhexe ee dalka. Gobolada darafyadana ugu balanqaday "cirka iyo dhulkaba " si cod dheerad ah iyaganna  uga  helo. Barnaamijka xisbiga wuxuu ahaa  muunad keliya.Hase yeshee ololaha beeleysan ayaa codka keenay iyo balanqaadkii beelaha lagula heshiiyey,Inkasta oo qaarkood aanay rumoobin.

3) Olalaha beeleysan ee KULMIYE ayaa cabsi badan geliyey madaxda xisbiga UDUB. Waxay markaas ka hakiyeen miisaaniyaddii Olalaha ee loogu talogaley gobolada iyo degmooyinka qaarkood. Codku ku dhaafye, lacagtu yaanay ku dhaafin ayaa la miciinsaday.Waxay taasi keentay in hawlwadeenadii xisbigu kala yaaco.Wuxuu kaftanku noqday"UDUB iyada is-ridaye cid kale yaanay eersanin." Iyo
4). Tabashooyin bulsho oo aan wakhtigoodii la fulin, waxna laga qaban.

Isbedel-doonka maanta dalka ka socda ee ku jihaysan  doorashada fooda inagu soo haysa ee sandakan,isna wuxuu leeyahay  wakhtigiisa iyo duruufihisa u gaarka ah. Waxaa duruufahaa ka mid ah oo la sii-saadaalin kara in caadifadii beeleysneed ee gobolada dhexe ku siiyeen codkooda KULMIYE ay meesha hadda ka baxday, lagana yaabo , sida muuqata, in badankoodu ay ka-codeyaan, sababo badan oo qoraalkan ku xusan awgood.

Bacdama aanay  weli doorashadii dhicin , waxaynu hadda saadaalin karna oo  keliya guuxa bulshada Isbdel-doonka ah iyo waxay ku taamayaan inay ka digo-rogtaan ee ah in isbedeldoonkoodu  keeno. Waxaan is-leeyahay guuxa iyo tabashooyinka bulshada waxa  ka mid ah qodobada soo socda:
1).  Waa guux kacdoon bulsho oo higsanaya dawlad wanaag,wadatashigii iyo isku tanaasulkii soo yaalka u ahaa somaliland ee ay ku caanamashay oo ka reeban handidaad, cagajugleyn, cabsi iyo xabsiga dhig.

2).    Waa guux kacdoon oo ku dhisan mabda'wadaniyadeed, midnimo, walaaltinimo, isku-tiirsanaan,aamisana dib-u-soo nooleynta haybadii qarannimada  dhabta ahayd iyo
gooni-isku-taageenii shacbigu u codeeyey ,iyadoo kuwaas oo dhan gorgortan cidna lagala galeen.
3).    Waa gadood  dib-u – soo nooleynaya cadaaladii hoga madow lagu riday iyo garsoorkii la marin habaabiyey, si loo helo cadaalad sugan oo la taaban karo, bulshadu-na u simantahay iyo garsoor dhexdhexaad ah oo xaqsoor hufan leh iyo tayo  cadaaladeed oo sare.

4.)    Waa guux kacdoon oo ku adkeysan doona in la furo maxkamado u gaar ah dembiyada qaranka laga galo ee la xidhiidha musuq-maasuqa, buubka hantida qaranka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee lawada leeyahay si loo cidhibtiro  dembiyada dalka ragaadiyey.

5).     Waa isbedel- doon horseedi kara sami-qaybsi xalaal ah oo gobolada dhamaantood iska arki karto.
6).      Waa rabitaan bulsho  oo maamul dejineed oo wax-ka-bedeli doona qaab-dhismeedka lamaha fulinta ee xukuumada, xoojin doonana awoodaha maamul ee degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada, si ay u noqdaan xudunta ugu muhimsan ee horumarinta bulshada,abuuri doonana dhaqan-dhaqaale cusub.

7).      Waa guux kacdoon oo ka reeban maamul-xumo, una horseedaya maamul wanaag , wada-noolaasho,dhaqan wanaag, daacadnimo iyo karti  iyo hufnaan.

8).       Waa isbedel ixtraami doona dhamaan xuquuda aasaasiga ee muwaadinka ee  ku cad dastuurka dalka,sharciyada kale ee u degsan somaliland iyo qawaaniinta caalamiga ah.

9).        Si loo helo shaqaale  dawladeed  oo u shaqeya bulshada oo aan ka shaqeysan,
waa  isbedel ku adkeysan doona wax-ka-bedel iyo kaabis  lagu  sameeyo sharciga shaqaalaha dawlada u degsan, xoojinna doona tayenta aqoonta  shaqaalaha, iyagoo ku shaqeyn doona qandraasyo mudeysan  oo la cusbooneysin karo oo dhawra
Shaqadooda iyo xuquuqdooda, si joogta ahna u qiimeeya kartidooda iyo hufnaantooda.

10).     Waa isbedel ka dhabeen kara ictiraafka somaliland, dibna u soo nooleynaya ololayaashii ictiraaf-raadinta ee muwaadin kastaba  u xusul-duubnaa.

11).      Waa isbedel dib-u-dhisi doona midnimada qurbejooga, soona celin doona
xamaasadii iyo qiiradii wadaninimo ay ku caanbaxeen, ka hor intaan si beeleysan
lays kugu dufan.

12). Waa isbedel doon dib tooshka ugu iftiimin doona halkay kusuganyihiin
kumanaankii ajnabi ee loo  yaqaanay "SAAXIIBADA SOMALILAND" ee xukuumada hadda joogta  cidlada uga dhaqaaqday. Kuwaas oo ay ku Jireen xildhibaano  reer Yurub iyo Afrikaba lahaa,  suxufiyiin afar qaaradood ka tirsan, broofesaro badan oo wax badan ka qoray qadiyadeen, siyaasiyiin  culculus iyo ururo bulsho oo daafaha dunida inooga doodl  jiray. Kuwaas oo dhamaantood waxtar weyn ka geystay ictiraaf-raadinta. Waxay xidhiidh saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn la  lahayeen dhamaantood xukuumaddihii ka horeeyey xukuumadda maanta .
13).      Dareenka bulshada isbedel-doonka ahi uma dabajoogsan doonto SOMALIYA
oo keliya qadiyada ictiraaf-raadinta somaliland, kumana xidhi doonto masiirkeeda  dal keliya oo dal ahaan ku sheeganaya, dad iyo dal ahaanna jiritaankaaga aan aqoonsaneyen.
14)       Waa gadood musuq-maasuq diid ah oo xaaraantimeynaya buubka masuuliyiintu ku hayaan hantida qaranka.

15).       Waa gadood shacbi oo eex  iyo qaraabakiil diid ah, oo kacadheysan sharci u
qaloocinta loo sameeyo ganacsato iyo muwaadiniin gaar ah, si ay uga faai'ideystaan hantida qaranka,iyagoo la baalmarsiinayo nidaamka halaasha ah ee tartanka furan ee qandraasyada ee dunida ku dhaqanto.

16).         Waa isbedel ka damqanya sicir bararka  iska socda ee  la xakameyn kari la'yahay. Noloshii bulshada danyarta ahna cidhiidh gelisay, Macaluul baahsanna ku riday. Waxa intaas  u raaca iyagoo tabashooyinkooda layska indhotiro.

17).         Waa gadood laba cashuur kordhin oo sandale ah diidan,Kuwaas oo aan is-ogeyn oo kasoo kala baxa dawlada dhexe iyo dawladaha hoose. taasoo dhabarjab dhaqaale ku keentay bulshada danyarta ah, ganacstada guud ahaan iyo ,gaar ahaan, ganacsatada yar yar oo ay ku jiraan wadhatadu.
18).         Waa isbedel ka cadheysan  nidaamka loo xulo dhalinyarada u baxda fursadaha  dibadeed  ee waxbarasho ee dalalka aynu saaxiibka nahay inooga deeqaan ( sida Itoobiya iyo kuwo kale). Kuwaas  oo lagaga cabanayo in qaraabakiil lagu xulo. Marmarka  qaarkoodna lambar  go'an loo furo tartan, Lambar intaas le'egna loogu qaybiyo guryahooda ardeyda xigtada u ah masuuliyiinta, tartan la'aan.
 19). Waa balan bulsho oo ku adkeysan doonta wax-ka-qabadka walaaca nabadgelyo
xumo iyo colaadeed ee dalka soo wajahay .

20). Waa cadho xoogan iyo cabasho taagan oo ku jiheysan nidaamka shaqaalaha dawladda loo qoro. Nidaamkaas  oo baalmarsan qodobka 9aad,faqradiisa 1aad iyo 2aad ee sharciga shaqaalaha dawladda  ee qeexaya shuruudaha shaqo qorista oo ah in tartan Imtixaan furan lagu galo. Faqrada 4aad ee isla qodobka sharciga kor ku xusan waxay caddeyneysa shaqo qoris kasta oo nidaamka tartan imtixaan furan soo marini ay tahay wax kama jiraan. Waxay bulshadu sheegeysa, intii xukuumadani timid in laba jeer oo keliya tartan imtixaan furan oo warbaahinta lagu faafiyey loo galey shaqooyin .Imtixaanka  kowaad waxa la qabtay sanadkii  2011 markii xukuumaddu go'aamisay in imtixaan laga wadaqaado dhamaan shaqaalaha dawladda. Imtixaanka labaadna waxa loo qabtay shaqaalihii diiwaangelinta madaniga loo qaatay  ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha bishii May 2014kii. Waxaase, la sheega in xukuumadu qoratey shaqaale gaadhaya 7000 (todoba kun) oo qof.Nidaamka khaldan ee hadda shaqo qorista loo mara wuxuu yahay nooca loo yaqaano "qaataye qaado" oo ku saleeyaan Lisas lays dhaafsado oo Komishanka Shaqaalaha Dawladduna ansixiyo. Waxay tanni ku keentay shaqooyinkii xukuumadda ee loo wada sinaa in , si gaar ah ,shaqaalaha la qortay dhinacyo  uga  raranyahay.