Hargeysa: Dr. Xuseen-Dhiqle Oo Ku Guulaystay Qalliin Uu Gabadh Kaga Jiray Fiix 7Kg ah

0
877

Picture2Hargeysa (Geeska) –Cisbitaalka Kaah ee magaalada Hargeysa ku yaala oo uu agaasimo Dr Xuseen Ismaacil (Xuseen Dhiqle) ayaa qaliin uu ku sameeyey gabadh ay ku taalay fiix miisaankeedu dhan yahay 7Kg, kaas oo ku guulaystay, waxaanu nooga xog waramay qaabka uu filiyey qaliinkan iyo inta saacadood ee ay ku qaadatay.

Dr Xuseen Ismaacil oo ku guda jiray qaliinka fursadna aanu u helnay in aanu wax ka waydiino ayaa yidhi “markii aanu waraysanay dhawr sano ayey dareemaysay miisaankan, laba cisho ka hore ayaa la ii keenay, waxaan gartay inay Fiix tahay, Computer-ka ayaan u diray, dabeeto wuxuu soo cadeeyey inay tahay Fiixda loo yaqaano Fiix Biyoodka, taas oo geesta bidixda ka baxday, waana todaba kiiloo, markaa sidaas darteed ayaan u soo jarnay waxaanay nagu qaadatay mudo yar oo ah saacad wax la’a” Aadan Nuur Aw Jaamac oo ah gabadh qaliinka lagu sameeyey Aabaheed ayaa nooga waramay mudada ay fiixdani ku taalay, waxaanu noo sheegay in aany ogayn wax ku yaala “Mudo afar sano ah maalinba maalinta ka dambaysay xanuunku uu ku sii siyaadayey, wax ku yaalay wuxuu yahay maanu ogayn ee waxaanu lahayn halkeed ka sii liigaysay”Sidoo kale Aadan Nuur Aw Jaamac ayaa intaas noogu daray in haatan gabadha uu dhalay xaaladeeda caafimaad tahay mid wanaagsan, waxaanu intaas ku daray in aanu marna filayn in Fiixda intaas leegi ku taalay Inantiisa. Qaliinada noocan oo kale ah ayaa guud ahaan dalka aad ugu yar in la fuliyo.