Cabdillaahi-Cirro oo bogaadiyay Madax dhaqameedka Beelaha Habaryoonis

0
754

cirroHargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa shacabka Somaliland gudo iyo dibadba ku bogaadiyay sanad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo ku beegnayd 18 May 1991.

Md. Cirro, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu bogaadiyay madax dhaqameedka kala duwan ee Beelaha Habaryoonis oo khamiistii xaal iyo raali gelin umadda Somaliland ka siiyay dhacdadii toddobaadkii hore ka dhacday bariga Hargeysa ee ay kooxaha hubaysani ku weerareen ciidanka qaranka, waxaanu talaabadaas ku tilmaamay mid bogaadin iyo ku dayasho mudan.

Ugu horayn Cabdillaahi-Cirro, isagoo ka hadlaya sannad guurada 21aad ee la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, wuxuu yidhi ‘Sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada qaranimada Somailand oo ah wakhti ku dhow rubuc qarni, waxaan darteed hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba iyo goleyaasha qaranka, waxaanan leeyahay waxay Somaliland halkaas ku soo gaadhay nabadgelyo iyo wada tashi, waa inaad sidaas u sii xejisataan nabadiina oo uu aasaaskeedu yahay shacabka, waxaanan meel kasta oo ay umaddu joogto ku boorinayaa inay dhinac uga soo wada jeestaan nabadgelyada iyo horumarka oo haddii ay rubuc qarni kale inagu qaadanayso aad ku sii adkaysataan qaranimadiina.”

Cabdillaahi-Cirro, waxa uu bogaadin u diray salaadiinta beelaha Habaryoonis oo go’aamo raaligelin iyo xaal ah ka soo saaray dhacdadii bariga Hargeysa, “Waxaan aad uga xumahay dhacdadii xerada ciidanka ee bariga Hargeysa oo ahayd mid aad looga naxo oo dadka reer Somaliland ay ka naxeen cadowguna ku farxay, mana ay ahayn mid looga bartay reer Smaliland, waayo shacabka ayaa ilaaliya nabadgelyada. Haseyeeshe caano daatayba dabadood la qabay markii aan dhagaystay madax dhaqameedkii ka hadlaysay dhalinyaradii waxaas samaysay, waxaan ku farxay madax dhaqameedka kala ahaa salaadiinta, cuqaasha iyo wax garadka iyo go’aanka ay soo saareen ee ay Somaliland xaalka kaga siiyeen oo cadaynaysa inay Somaliland is qabato oo qofka khaldan runta loo sheego, madax dhaqameedkaas aad ayaan u bogaadinayaa, ku dayasho iyo hambalyayn ayay mudanyihiin iyo in gacan lagu siiyo.”

Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii hore, wuxuu sheegay inay nabadgelyadu tahay shayga nolosha bini-aadamka aasaaska u ah, waxaanu shacabka u soo jeediyay inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinteeda.