Hantidhawrka Oo 10 Cisho U Qabtay In Baabuurta Dawladda Lagu Xidho GT

0
616

Hargeysa(Geeska)-Ku xigeenka hantidhawrka guud ee Somaliland Siciid Saleeban Mire ayaa toban maalmood u qabtay in bileedh nambarka dawlada lagu xidho gaadiidka dawlada ee aanu ku xidhnayn.

Waxa uu masuulkani digniin u diray wasaaradaha iyo haayadaha dawlada, waxaanu sheegay inay talaabo qaadi doonaan haddii mudadaas tobanka maalmood ah lagu fulin waayo go'aankooda, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi "Waxaanu amraynaa in toban cisho gudahood lagu xidho gaadiidka dawlada lanbarkii ay lahaayeen, waxaanu dib u eegi doonaa anaga oo iskaashanayna ciidanka booliska, wasaarada arimaha gudaha iyo ta gaadiidka in la wada fuliyay amarkaas, tobankaas casho in lagu xidho iyada oo ay jiraan gaadiid iyaga sababo amaan aan loogu xidhin, amarkaas in la fuliyo ayaanu haayadaha dawlada u wada sheegaynaa. gawaadhga deeqda ah waa iyaga in sida ugu dhakhsaha badan loogu xidhaa."