Hankaagu Hadduu Sareeyo, Adna Hagrasho Waayi Maysid

0
879

Qiimaha iyo waxtarka aadamigu wuxu ku qotomaa hadba inta uu aqoon uu leeyahay ka faa’iidaysiga addunyo iyo kan aakhiro. Cilmiguna waa mid balladhan oo sida bada oo kale ah , markaad albaabka ka gasho ma leh meel kale oo looga baxo.

Aqoontu waxay u baahan tahay ilaalin, iyo kobcin waxaana lagu kordhiya, laguna kaaba waa akhriska, dadka akhriska badan ayaa ah kuwa aqoont badan hela.

Qofka aqoonta baranaya wuxu u baahan yahay sabir iyo adkaysi madaama aqoonta aan si dhib yar ah lagu gaadhin.

Aqoonyahan waa kan bartay ka faa’idaysiga aduunyada iyo aakhiradba kaasi oo noqonaya caallim aqoon yahan ah oo had iyo jeer dadaal ugu jira inuu bulshadiisa u faa’iideeyo ama waxtaro, isagoo ay ku dheehan tahay cabsida Allah.  “Allah wax ka cabsada adoomdiisa aqoonta leh”.

In la qorsheeyo himilooyin mustaqabal , loona xardho si qurux badan laguna soo bandhigo goobo la qurxiyay way fududahay waxase muhiim oo aad ugu adag dadka badankooda sida himiladaasi gaadhideeda loogu adkaysanayo, waayo yool kastaa wuxu leeyahay wado iyo dariiq lagu gaadhayo iyo fulintiisa.. Haddii yoolka aad qorshaysay yahay mid dhib badani ka sokayso waa inaad u sabirtaa una adkaystaa caqabadaha ku gedaan (Challenges) gaadhidiisa.

Bulshaada Somaliland  waa inay u adkaystaa gaadhida yoolka runta ah ee ay goostay oo aan lagaga mashquulin qodoba iyo erayo lagu qoray warqada oo kuwa falaqaynayaa ay yihiin kuwo iyagu dano gaar ah ka leh. Marka la gaadhana waa in ummaddu si wanaagsan uga wada faa’iidaysto..

Marka yoolkaagu uu yahay kan xeesha dheer ee dad badan ka caydhsiinaya waxa soo baxaya cadaawad badan oo ka imanaya mid kast oo xaasid ah, oo aan ogolayn inaad gaadho hilimaadada, taasi oo laga yaabo inuu u arkayo in ay isaga tiisa ka hor imanayso ama ku burburayso.

Kani wuxu noqon karaa mid gudaha kula jooga ama cadaw dibadeed ah , halkaa waxaa kaaga soo baxaya in yoolka adagi uu noqon karo mid dhibtiisu taxan tahay gudaha iyo debeddaba, loona baahan yahay in  la sabro, iyadoo ficiladoodu aanay ahayn kuwo ka turjumaya waaqac sax laakiin ay tahay kuwo u adeegaya dano gaar ah oo ay weheliso xaasidnimo iyo jaahinimo.

Sida tixdan abwaanku yidhi:

Kol hankaagu haddu sarreeyo              

Adna hagrasho waayi maysid

 

Han-yare ku dhiba waayi maysid        

Hanjabaad cadow waayi maysid

 

Halyeeynimo haddaanad muujin          

Difaacan himilooyinkaaga

Hadafkaad lahayd gaadhi maysid            

Wa bilaahi tawfiiq.