Maamul daadajinta ka jirta wadanka Uganda waxaa dhaliyey labo arimood oo is huwan midi waa doonista kuwii u soo dagaalamay dalka Uganda ee uu hogaaminyey hogaamiyaha Hadda Musivini iyo aaminsanaanta katimid dadka deegaamada wadanka oo aaminsanaa howshan oo la doonayay in lagu qanciyo.
Ugu horeyntii degmo ka mid ah wadanka Uganda oo la yidhaahdo Luwero ayaa waxaa qabsaday kooxihii jabhada waxaanay ka aasaaseen kooxo maxali ah oo iyaga taageera islamarkaana waxay jabhadihii sameeyeen nidaam dadku si wafaaqsan dhaqankooda ay u doortaan guddiyo u shaqeeya degmada. Muddo ka dib ayaa waxaa ku faafay degaamadii kale ee ay jabhadu qabsatay nidaamkan wax lagu dooranayo islamarkaana lagu barayo dadka deegaanka sababaha ay tahay inay u taageeraan jabhadaha dagaalamaya islamarkaan la doonayo in xukunka looga tuuro Obete II regime. Jabhadii uu hogaaminayay Musivini waxaa ay sameeyeen inay dadka u cadeeyaan hadafkooda ah inay doonayaan inay shacabka u sameeyaan maamul daadajin waana tii taageero badan u keentay jabhadii uu hogaaminayay musivine-ga imika haysta Uganda.
Maamul daadajinta siyaasiga ah ee jabhaduhu ay hoosta ka riixayeen waxay ahayd labo arimood: 1) in shacabka u ooman maamul daadajinta la qanciyo 2) In doonista kooxa jabhadaha ah ee ah in ay shacabka tusaan inay samaynayaan maamul daadajin la qanciyo.
Ujeedada siyaasiga ah ee jabhadii la dagaalamayay Obete II regime ay ka lahaayeen maamul daadajintu waxay ahay inay ku korodhsadaan taageerada shacabka iyagoo balaadhinaya in dadka deegaanku ka soo qayb galaan go’aanada saameeya degaankooda iyagoo u maraya golayaasha deegaan ee ay ka aasaaseen degaamada ay qabsadeen.
Jabhadahani waxay u isticmaaleen maamul daadajinta labo u jeeddo inay taageero siyaasi ah ka helaan dadka deegaanka iyo in dadka ay u ogolaadaan inay ka qayb galaan talada wadanka.
Markii ay jabhadii (National Resistence Army) ay xukunka qabsadeen waxa hoos u dhacday hadal hayntii dagaalka waxaana xoogaystay doonista maamul daadajin laga hirgaliyo wadanka. Jabhadii uu hogaaminayay Musivini waxay bilaabeen inay u dhago nuglaadaan doonista shacabka.
Mashruuc su’aalo lagu weydiinayo shacabka ayaa bilaabmay waxaana la aasaasay 1987 guddiyo heer qaran ah oo dadka soo weydiiya nooca maamul daadajinta dalka ku haboon , lana soo tashada dadka shacabka heerka ay doonaanba ha ahaadaane. Gudidii la diray waxay ku taliyeen in nidaamkii hore ee loo soo xuli jirey golaha deegaanka marka ay jabhadu meel qabsato loo soo xulo.
In 1993 ayaa waxaa ka bilaabmay Uganda in maamul daadajinta si rasmi ah looga bilaabo seddex iyo toban degmo. Fikir ahaan dadka reer Uganda wax ayaa uga baxsanaa maamul daadajinta laakiin farsamo ahaan dib ayaa loogu noqday in la saxo wixii khaldan. Casharadii iyo Khibradii laga bartay seddex iyo tobankii degmo ee u horeeyey ayaa lagu dhaqaajiyey nidaamka maamul daadajinta Uganda.
1993 ayaa si sharci ah loogu dhawaaqay maamul daadajinta Ugand waxaana qayb weyn ka qaatay gudidii heer qaran ee lagu dhawaaqay islamarkaana su’aalo weydiisay shacabka iyadoo ay barbar socoto wada tashi heer qaran ah. Maamul daadajinta waxaa la siiyey waqti ku filan.
1995 ayaa wadanka Uganda loo qoray dastuur cusub ka dib markii wada tashi lala sameeyey shacabka wadankaasi. Cutubka 11 aad ee dastuurkaasi waxaa uu si cad u qeexayaa qaabka loo fulinayo maamul daadajinta dawladaha hoose.
Inkastoo maamul daadajinta dawladaha hoose ee Uganda ay martay wadadaas dheer hadana waxaa ka hor yimid caqabado badan ta koowaad waxay ahayd nidaamka dawliga ah. Wasiiro badan ayaa u qaatay in uu wiiqayo awoodooda islamarkaana uu wax u dhimayo maaliyada wasaaradahooda waxaanay si dadban uga hor yimaadeen fuilinta maamul daadajinta dawladaha hoose waxaa markaa la abuuray xoghayayaal ka madax banana oo hoos taga wasaarada dawladaha hoose si hore loogu sii waddo fulinta maamul daadajinta dawladaha hoose.
Wadanka Uganda ilaa intii uu madax banaanaaday waxaa jirtay in gobolka Buganda uu ku doodayay inuu helo ismaamul hoose oo federal ah. Sheegashada gobolka waxaa ay wiiqday siyaasada maamul daadajinta ee wadanka loo sameeyey. Dadkii ku doodayay in la siiyo ismaamul hoose oo madax banana doodoodii way sii wadeen waxkastoo kale oo loo balan qaadayna way diideen. Aakhirkii inkastoo gobolka Buganda la siiyey ismaamul hoose hadana waa mid weyd ah; waayo dadku aad uguma qanacsana waxaanay dhadhamiyeen maamul daadajinta dawladaha hoose.
Markii la bilaabay fulinta heerarka maamul daadajinta ee wadanka Uganda markii u horeysay hay’adaha deeqda bixiya (Donors) kumay raacsanayn nooca maamul daadajinta dawladaha hoose ee loo sameeyey wadanka inkastoo mowaqifka dawladu uu cadaa una arkaysay fulinta siyaasada maamul daadajinta mid ku timid rabitaanka shacabka Uganda oo dawladu ay awood ku siinayso shacabkeed islamarkaana ay ka qayb qaateen; ayna tahay in ay muhiimada koowaad siiso fulinteeda ilaa heer tuulo.
Baanka aduunku waxay dawlada Uganda ku dhiiri galinayeen inay fuliso hanaan maamul daadajin oo xooga la saarayo maamulka dhinaca maaliyada iyo isla xisaabtan xaga maaliyada ah oo adag islamarkaana laga dhigo maamul daadajinta dawladaha hoose ilaa heer degmo oo qudha oo laga daayo heer tuulo. Hay’adaha DANIDA iyo UNDP ayaa dawlada Uganda ku raacsanaa hadafka maamul daadajintu ay leedahay oo ahaa in dalka ay ka dhigto mid qaatay hanaanka loo yaqaan dimuquraadiga islamarkaana awooda la siiyo shacabka waxaanay ku bixiyeen lacag badan markii la sameynayay xoghayayaasha qaybihii hore. Inta badan Hay’adaha deeqda bixiyaa way taageereen hanaankan markii ay arkeen in uu guul horseeday islamarkaana shacabka uu ka helay taageero.
Dhamaan dadka reer Uganda waxay u arkeen howsha maamul daadajinta dawladaha hoose mid fursad u siinaysa inay talo ku yeeshaan howlaha deegaankooda iyo waliba fursad meesha lagaga saarayo kuwii u shaqayn jirey dawladihii hore ee IId Amin iyo Obete II.
Maamul daadajintii Koonfur Afrika ( Waddo xaajood iyo Iskaashi):
Qormadii hore waxaan kaga waranay in maamul daadajintii wadanka Uganda ay sal u ahayd taageero loo helo dagaalka jabhadihii uu hogaaminaya musivine iyo in talo wadaag dadka deegaanka la baro. Wadanka Koonfur Afrika maamul daadajintu waxay salka ku haysay in maamulka deegaanka ee loo diiday dadka madow laga wada qayb qaato. Hanaanka loo maray kan koonfurta afrika wuu ka duwan yahay ka loo maray Uganda waayo waa kala duruufo. Xaqiiqda dooda taalay waxay ahayd in meesha laga saaro midab takoor ilaa heer qaran ilaa heer degmo islamarkaana la saxo laaxinka ku jira cadaalad darada dhaqan dhaqaale ee wadankaas ka jirtay iyo kala qobqobka ka yimid midab takoorka.
Inkastoo midab takoorku uu istaagay horaantii 1990’s hadana waxaa uu ka tagay mushkilad joogta ah oo ka taagan hanaanka maamulka dawladaha hoose ee wadanka. Sabababta midab takoorka ayaa keentay inaan maamul daadajinta dawladaha hoose suurtagal ahayn ilaa la isla fahmo taariikhda deegaanka dadka iyo doorka dawladaha hoose ka ciyaarayaan inla joojiyo kala qobqobnaata iyo sinaan la’aanta maamulka deegaanka ee ka jirtay wadankaas.
Diidmada ka imanaysaya dadka deegaanka maamulkiisa qabsaday ee cadaanka ah ee ka faa’iideysta kheyradka wadanka ayaa door weyn ka ciyaartay qaabka loo qaabaynayo hanaanka mamulka dawladha hoose. midha xusida mudani waxaa weeyi halka Uganda maamul daadajintu ay ka timid xaga sare islamarkaana lala tashaday dadka shacabka ah. koonfru afrika waxaa codsanayay in isbadal lagu sameeya maamul daadajinta si meesha looga saaro midab takoorka. Wada tashigu waxaa uu ahaa mid ay jaangoynayeen islamarkaana wax laga weydiinayay kuwii cadaa ee midida daabkeeda hayay oo ay ku xidhnayd go’aankeeda iyo fulinteeduba. Sidaa waxay muddo ku socotaba aakhirkii waxaa heshiis gaadhay madowgii la dulmay iyo cadaankii isku haystay inay ka sareeyaan madowga oo meesha laga saarayo midab takoorka wadankana laga wadda faa’iideysto kheyraadkiisa.
Wada xaajoodka ayaa la sii waday labada dhinacba ha ahaadaan kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka madow iyo dawladi heer qaran kaasi oo aakhirkii lagu heshiiye xeerka dawladaha hoose 1993 kaasi oo tilmaamaya in marka hore nidaamkii hore sidiisa loo daayo ilaa inta sharciga loo dhamaystiray nidaam maamul daadajin oo cusub. Nidaamkan cusub ee imika koonfurta afrika ku dhaqantyo xaga maamul daadajintu waa mid ku yimid wada xaajood heer qaran ah islamakaana distoori ah kaasi oo u ogolaanaya dawladaha hoose inay bixiyaan adeega bulshada, inay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshada, inay sare u qaadaan caafimaadka dadka iyo deegaanka iyo inay bulshada ku dhirri galiyaan inay ka qayb qaataan go’aanada deegaankooda ee saamaynta ku leh.
Maamul daadajintii Rwanda ( qancintii dadka )
Ka dib xasuuqii ka dhacay Rwanda 1994, maamulkii cusbaa ee qabsaday wadanka ee uu hogaaminayay Paul Kigame waxay u arkeen inay muhiim tahay in maamul daadajin loo sameeyo ay xoojinayso in dadku talo ku yeesha arimaha bulshada, siyaasada , dhaqaalaha islamarkaana aayahoda wax laga weydiiyo.
Hogaanka cusubi wuxuu geeyey nidaamka cusub heshiiskii Arusha isagoon carabka ku dhufan maamul daadajin laakiin u dhigay in awooda shacabka lagu wareejinayo. Soo jeedinta maamul daadajintu waxay wadankan Rwanda ka timid xaga sare ee dawlada waxaanay ahayd in dadka la ilow siiyo nabaradii xasuuqu u geystay. Siyaasada maamul daadajinta waxaa samaysay dawlada iyadoo lala tashanayo dadweynaha. Wada tashiga maamul daadajinta markii u horeysay waxaa lagu bilaabay kulano iyo aqoon is waydaarsi dhex maray hay’adaha dawlada. Markii lala qabsaday hadal haynta hanaanka maamul daadajinta inay tahay arin heer qaran ayaa samaynta siyaasadeeda la dhaqaajiyey.
Siyaasadan maamul daadajintu waxay sare u qaaday ka qayb qaadashada talada maamul ee dadka iyo in dadka awood loo siiyo inay ka qayb qaatan arimaha dhaqanka, siyaasada, dhaqaalaha, horumarka iyo dib u heshiisiinta wadanka.
Sanadihii 1997-2000 wasiirkii dawladaha hoose ee dalkaasi iyo shaqaalihiisuba waxay booqdeen wadamo badan oo fuliyey hanaanka maamul daadajinta si ay hanaanka dawladahaas ee maamul daadajinta wax uga bartaan. Waxaana la qabatay aqoon is waydaarsi badan si dadka loola tashado nooca maamul daadajin ee wadankooda ku haboon.
Marka la fulinayo hanaanka maamul daadajinta seddex dhinac ayaa sal u ahaa siyaasiyiinta, shacabka iyo hanaaka dawladinimo markaa siyaasiyiintu markiiba gacan ayay siiyeen. Shacabkuna la mid laakiin waxay caqabadi ka timid hanaanka dawladnimo sababtoo ah shaqaalihii dawlada ayaa muddo ka caga jiiday. Hanaanka dib u habaynta siyaasada maamul daadajintu waxay ahayd in bulshadu ay hesho adeeg hufan islamarkaana sare loo qaado wax qabadka maamulka dawladaha hoose. Midhka muhiimka ah ee Rwanda maamul daadajinteeda lagu xasuustaa waxaa weeyi in maamulka sare waday howsha.
Ikastoo mamul daadajinta loo sameeyey in qaar ka mid ah awooda dawlada dhexe loo ogolaado dawladaha hoose taageerada uu u baahnaa marna ma helayn. Sida uu u fulayaa waxay ahayd xaalada hadba wadankaa ka jirta bal hadda aan dib u jaleecno Ugand waxyaalaha dabada ka riixayay maamul daadajinta waxaa kow ka ahayd in taageero loo helo jabhadihii dagaalamayay iyo qodobka labaad oo ahaa in dadka laga dhaadhiciyo in haday wadanka qabsadaan jabhaduhu in shacabka loo ogolaan doono inay ka qayb qaataan talada deegaankooda iyo waliba in meesha laga saaro nidaamka kalidii taliska ahaa ee ilaa xornimadii wadanka ka jiray. Waxaana in shacabku taageeraan keenay markii lala tashaday waxna laga weydiiyey nooca maamul daadajin eek u haboon wadankooda.
Markaan eegno konfurta afrika xaga sare iyo dawladii cadaanka ahayd iyagoo diidan maamul daadajinta hadana waxaa lagu khasbaana in lagu qanciyo inay ogaaldaan in maamul daadajin la sameeyo si meesha looga saaro midab takoorka. Waxaa inta badan isbadalka doonayay ururada u dooda dadka madow.
Soo jeedinta maamul daadajintu waxay wadankan Rwanda ka timid xaga sare ee dawlada waxaanay ahay in dadka la ilow siiyo nabaradii xasuuqu u geystay. Siyaasada maamul daadajinta waxaa samaysay dawlada iyadoo lala tashanayo dadweynaha. Wada tashiga maamul daadajinta markii u horeysay waxaa lagu bilaabay kulano iyo aqoon is waydaarsi dhex maray hay’adaha dawlada. Markii lala qabsaday hadal haynta hanaaka maamul daadajinta inay tahay arin heer qaran ayaa samaynta siyaasadeeda la dhaqaajiyey.
Marka hadaba aan Somaliland barbardhigno nidaamka ay u galeen maamul daadajinta iyo ahdaafta ay ka lahaayeen inaan is weydiino miyaanay ahayn inagu muxuu ahaa hadafka aan u qaadanay maamul daadajinta dawladaha hoose ?, muxuu soo kordhiyey intii uu jirey?, xagay sartu ka qudhuntay ee fadhiidka ay ka yihiin maamulada dawladaha hoose oo seddex meelood uun loo sibir saaro 1) arimo la xidhiidha siyaasiyiinta 2) arimo la xidhiidha nidaamka dawlada 3) arimo la xidhiidha faham la’aanta shacabka ee awooda dawlada dhexe ku wareejisya dawladaha hoose.
ALLA MAHADLEH
Maxamuud Daahir Cumar
Mobile: 0634423327