Hambalyo Guusha iyo Horumarka Laxaadka Leh Ee Djabuuti

0
741

Picture1Waxaanu udiraynaa hambalyo iyo bogaadin shacbiga aanu walaalahanahay ee Djabuuti , xukuumada iyo caynaanshaha geeska Africa mudane Ismaaciil Cumar geele madaxwaynah Djabuuti munaasabada dabaal daga xuska sanad guurada 37 ee ku began 27/06/2014

Hambalyo shacbiga Djabuuti  oo ilaahay nasiib usiiyay una dooray madaxwayne u daacad ah oo u huray wax kasta , ugana soo jeeda xadh iyo habeen , ugana dulqaatay duruufkasta oo dalku soo maray oo kamid ahayd dhaqaalah oo tag naa  zero , oo aan mushaar laqaadan mudo 8 bilood ah oo waxkasta taagnaayeen oo hadan si geesi nimo leh ku bilaabay kuna hirgaliyay shirwaynihii carta oo ahaa soocelintii qaranimada somaliya oo kusigatay in ay kabaxdo maxaafisha dawliga ah oo magaceega meesha laga waayo.

Hambalyo shacbiga Djabuuti oo si kalsooni buuxdo leh ugu doortay madaxwaynahooga si uu usii hor mariyo una dhamaystiro mashaariicdii  uu bilaaha 14 sano kahor oo manta ku dhaw in ay dhamaystirmaan 80%  iyo mashaariicda cusub oo ay ka mid yihiin railway  oo isku xidhi doona Jabuuti iyo itoobiya .

Ugu danbayntii waxaa astaan markhaati ah qiimah manta jabuuti ku leedahay martiqaadkii uu usameeyay madaxwaynaha marakanka  ee Ubaama  madaxwaynaha jabuuti ismaaciil cumar geele taasoo ku timid nabadgalyada ay wada ilaashanayaa shacbiga reer jabuuti ee isku duuban iyo xukuumada waxaana loo baahan yahay in lasii xoojo midnimadaas lagana hortago waxkasta oo waxyeelikara midnimada iyo qaran nimada jabuuti oo manta aytaalo martiqaadka dawladaha aduunka ugu waa wayn. Waxaana xusid mudan wadadii isku xidhaysa saylac , xariirad iyo boorama oo dhinakalan jabuuti kasoo samaysay taasoo ay dhax dhigeen wasiirka madaxtooyada Xiris  Cali xaaji xasan iyo wasiirka qorshaynta  sacad cali shire wadadaasoo kamid ah wadooyinka aad loogu baahan yahay oo wax wayn utari doonta labada shacbi ee walaalaha ah oo ay kadhexeeyaan waxyaaba badan , waxaanan ku bogaadinayna madaxwaynaha axmed maxamed maxamuud siilaayo hirgalinta  mashruucaa  oo meesha kasaari doona baahi jirtay oo shacbigu ubaahnaa wado isku xidha shacbiga ay walaalaha yihiin .

Xasan suudi Xirsi