Bayaanka Ururka Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal

0
722

Hargeysa (Geeska)-Dhalinyarada Beesha Subeer Awal, ayaa sheegay in go’aankii uu gaadhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee uu kaga tanaasulay Musharaxnimadii Jagada Madaxweyne uu isaga gaar u yahay, oo aanay la qabin.

Dhalinyaradan Subeer Awal ayaana u baaqday isla markaana go’aan ku gaadhay inay Shir deg deg ah oo aayahooda kaga tashanayaan inay iskugu yimadaan. War saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa  u dhignaa sidan “Ururka Dhalinyarada Beesha Subeer Awal, waxa ay cod dheer ku cadaynayaan in go’aankii 21/6/2014  uu qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Mudane Muuse Biixi Cabdi, inuu yahay mid isaga u gaar ah. Haddaba Ururka Dhalinyarada Subeer Awal, waxay cadaynayaan, in aanay la qabin go’aankii Guddoomiyaha,kalina uu ku yahay.

Waxaanay Dhalinyaradu ugu baaqayaan in shir deg deg ah, isugu iman doonaan dhamaan aqoon yahanka iyo waxgaradkooda, oo uu kaga tashan doono mustaqbalkooda iyo masayrka Beesha Subeer Awal”.