Halkee Laga Qaniinay Xisaabiye Badde? Qalinkii Cabdikariin-JAAHUUR

0
851

Shacabka reer Somaliland ayaa waxay aad isku weydiinayaan Xilka qaadista Xisaabiyihi guud ee qaranka  Prof. Maxamed Cabdi Badde,iyo sababta keentay.

1

Xisaabiye Badde waxa uu ahaa Prof. aqoon sare leh oo ku fiican xilka uu yahay qaranka u hayay dadkuna ay aad ula dhaceen shaqadiisa,waxaanu ku caan-baxay daacadnimo, Xil-kasnimo kartiyi ku dheehan tahay,muddadii uu xilka hayay wax khalad ah laguma helin,Waxaanay dadku is-weydiinayaan sababta xilka looga qaadayo dadka shaqooyinkooda ku wanaagsan, isla markaana loo deynayo kuwa ku fashil-may shaqadii loo igmaday.!

Prof. Badde waxa uu in baddan ku tallo bixiyay, sidii loo xakameyn lahaa sixir-bararka seetada goostay,oo farsamo ahaan ay tahay takhasuskiisa,hasa-yeeshe aanu u gacan banaanayn xakameyntiisa, waxa uu markasta isku dayi-jirey sidii dabar xakameeya loogu heli lahaa sixir bararka, la isuguna miisaami lahaa waxa ka baxaya xukuumadda iyo waxa soo galayaa,ninkii qaranka sidaas ugu fikirayay ayaa waxay bedelkiisu noqday in xilka laga qaado, waxaana is-noqon waayay wixii xukuumaddu doonaysay iyo wixii shaqadu doonaysay…

Xukuumadda taagta daran ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo muddo xili-yeedkeedii dhamaaday ayaa waxay sii ciir-ciiritaana iyo indho la’aana u jiidhaysa dad muhiim u ah qaranka.

Prof. Badde muddadii uu xilka hayay waxa uu saraakiisa ugu sareysa ee Maasaaniyada qaranka dejiya,isla markaana kor-u- qaaday 2011-kii ilaa 2016-kii,waxaanan ku tilmaami karnaa inuu yahay masuulka kaliya ee nidaamiyay Hab-Xisaabeedka dalka oo aad u liitay,markii uu xilka qabtay.Waxaanu waafajiyay nidaam Xisaabeedka Caalamiga ah ee ka caagan musuq-maasuqa,waxa kale oo uu fikirkeeda lahaa dhismaha xarunta Xisaabaadka guud ee qaran iyo xarumaha Maaliyadaha ee Boorame iyo Gabiley.

Waxa uu hormuud ka ahaa Kulliyada maamulka iyo maareynta ee Jaamacada Camuud, waana macalinkii Jaamiciyiinta da’ada yar ee reer Somaliland ee imika Shaqeeya, waxa uu baal-dahaba kaga qoran yahay taariikhda Somaliland, waana hantida uu qarankani leeyahay sinaba lagu ilaabi doonin.

Qalinkii Cabdikariin-JAAHUUR