Halgan Kasta Oo Midha Dhala Waxaa Midhihiisa Iyo Magaciisa Dheefsada Ciddii Saamiga Ugu Yar Ku Lahayd

0
229

Marka aad kitaab ama xog muhiim ah akhrido ama dhegeysato, muddo kaddib waxaa dhacda in aad illowdo buuggii aad ka akhriday ama ciddii lahayd ee aad ka dhegeysatay, waxaana maskaxda ku hadha oo keliya xogtaas. Waxaa laga yaabaa in beri dambe aad la kulanto duruuf la mid ah ama la xal ah xaaladdii aad akhriday, kaddibna markaba aad la soo booddo xalkii aad hore maskaxda ugu haysay ee dabcan aad akhriday ama dhegeysatay, laakiin aad mooggan tahay in aad akhriday ama dhegeysatay una haysato in ay maskaxdaada ka soo maaxatay.  Xasuusta noocan oo kale ku timaadda culimada cilminafsigu waxa ay ku naanaysaan ‘Xusuusta Qarsoon’.

Haddaba xaaladda xogtan aad buug ka akhriday waxaa la mid ah xaaladda halgameyaasha iyo dadka u soo dagaalamay ka midho dhalinta gobannimada, ama xorriyadaha kala duwan iyo arrimaha aadamaha noloshooda wax ku tara, dadkani waa ay ku farxaan xorriyaddaha ama wanaagga kale ee ay haystaan, mana ogolaadaan in si uun looga qaado. Laakiin ma yaqaannaan ama si fudud ayaa ay isaga illaawaan ciddii u soo halgantay midhahan ay guranayaan oo xitaa qaar badan oo ka mid ahi naftooda ku waayeen.

Si arrintan loo xaqiijiyey ayaa koox cilmibaadheyaal ahi sahamin ku sameeyeen dad kala duwan oo ay mid kasta weydiinayeen aragtida uu ka qabo xuquuqda aadamaha, ilaalinta deegaanka, wanaagga nabadgelyada iyo arrimo la mid ah. dadkii la weydiiyey waxa ay ka sinnaayeen in ay ammaaneen arrimahan kuna dhaateen in ay diayar u yihiin in ay difaaaan ilaalintooda. Laakiin dhibtu waxa ay dhacday markii la weydiiyey bal waxa ay ka yaqaannaan dadkii tirada yaraa ee halgan adag iyo dadaal dheer oo ay galeen uu sababta u ahaa in la helo xuquuqahaas. Tusaale ahaan dadkii midabtakoorka la dagaalamay, dadkii u halgamay helidda xuquuqaha iyo haldoorkii duruufaha adag u soo maray sidii ay dadku nabad ugu noolaan lahaayeen. Waxaa soo baxday in dadku aanay waxba ka aqoonin halgamayaashaas ay midhihii halgankooda ku faraxsan yihiin ilaalinteeda.

Waxaa iyaguna la mid ah hoggaamiyeyaasha kacdoonnada dadweyne ama hubaysan ee dawladaha lagu rido, inta badan dhicitaanka nidaamka kaddib dadkaasi haddii ay dhintaan ama xitaa noolyihiin oo aanay saaxadda siyaasadda ku jirin cidi ma xasuusato waxa aanay u badan tahay in jiilkii labaad ee kadoonka ama dad aan markii uu socday saamayn lahayni ay gurtaan midhaha kacdoonkaas. Kooxaha sahaminta sameeyey waxa ay sheegeen in ay marar badan dhacdo in ay magaca iyo maamuusha halganka qaataan kuwo aan ahayn dadkii naftooda u huray halgankaas.

Cilmibaadhis ay sannadkii 2009 kii samaysay jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa tilmaamtay in sababta ay bulshooyinku u illaawaan dadkii lahaa abaalka isbeddelku in ay tahay isbeddelka dawladnimada ama hoggaanka ku yimaadda kacdoonka kaddib, oo sababa  in dadku illaawaan wixii ka horreeyey, inta badanna maskaxda umaddu ku mashquusho isbeddelkan maamul wixii ka horreeyey iyo sababtii keentayna ku illaawaan hadba kalgacalka ama nacaybka ay maamulka cusub u qaadaan, mar kasta oo uu isbeddelkaasi yimaaddana waa ay sii fogaataa xusuusta kuwii dhimbiisha isbeddelka keenay.