Haleelay Halkaan Hilmaamay Warsame Shaqalle Cilmi

0
627

Maansadan waxa igu dhaliyay kadib markaan arkay musuqmaasuqa baahsan ee sida xareeda u biyo dhigay dalkan curdinka ah ee hadana madaxdii wax ka qaban lahayd iskaga indho tirayso, Iyadoo aynu ogayn in maalin aad u dhawayd ay badda ku qarqoomeen in ka badan 250 ruux oo ah dhalinyaradeennii ah, isla intaa in 1000 jeer ku laabmaysaana nolol iyo geeri mid ay ku sugan yihiinba aan laga war hayn, arrintani waxa ay maskaxdayda ku dhalisay su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1

Ma xalbaa loo waayay in la hakiyo tahriibka mise loomaba dhaqaaqin?

Maxaa eryay xoogeenii iyo xeeladeenii  cusbayd?

Hadii aan rog rogay oon dadbadan oo waayeela la kaashaday jawaabtii iisoo baxday ayaa noqon wayday ama ka sal waynaatay jawaabtan ay madaxdu isku qanciyeen ee ah shaqo la’aan kaliya. Nin odaya oo la odhan jiray Caduur ayaa hore loo yidhi “Cadduurow qawduun maqashii waxna ha u qaban”  Waxaan kusoo koobayaa  waar halkani waa aduunyo mudo aad u yar ayaa la joogayaa walibana waxaad doonto intood isdaba mariso ayaad basharkan masaakiinta ah si kale u qancin kartaa laakiin ha ilaabin aakhiraa danbaysoo ilaahay been uma sheegi kartid  beena kuma qancin kartid waayo iska daa afkaagee xubnaha jidhkaagoo dhan ayaa runta ku dhawaaqi doona cida qudha ee masuuliyadaas oo dhani ay saaran tahayna  waa madaxwaynaha umadda.

Ilaahay raali haka noqdee Cumar Binu Khadaab ayaa maalin maalmaha kamida waxa arkay Cali Binu Abi Daalib isagoo Cumar salaadii subax intuu kacay sii lugaynaya oo boodhka kicinaya  hadii uu cabaar sii daba orday ayuu gaadhi waayay kadib markii uu soo noqday ayuu waydiiyay, “Yaa amiirul muuminiin, xageed u kalahaysay una ordaysay?” wuxuu ugu jawaabay walaal geelii sakada islaamka ayaan hal waayayoo waan soo doondoonayey,

Markaasuu Cali Binu Abi Daalib aad ula dhacay oo yidhi, “Uf baanu leenay ka kaa danbeeya Cumarow” Wuxuu ugu jawaabay Cumar adigu Geelan sakada islaamkaad ka sheekaynaysaaye, “Haddii neef geeli wadada ciraaq ku kufo aniga ayaa uu ilaahay I waydiinayaa” Waxaan kusoo koobayaa Mudane Madaxwayne qalad kasta ama ha yaraado ama ha waynaadee oo laga galo qof kamida dadkan aad madaxda u tahay aduu ilaahay ku waydiin doonaa  ee la soco.

Haleelay halkaan hilmaamay

Hantaaqe agnaana

Dantiisa ku hawlan

Hal aan hal ku dhaabin

Haybtiisa koryeela

Danlayna habawsha

Aduunkood halaysta

U baaqa hir beena,

Ka habranin maamul

Ayaa u hormooda,

Hu wayna la saartay,

Halyaygii dalkeena

U heeray jidhkiisa

Hibeeyay naftiisa

Haybad buu mudnaaye

Hoodhkana kuma qoysto

Barbaar cilmi haybshay

Horumar ku taamoo

Aduun  hiigsanaaya

Heegadoy ina gayso

U heegana maanta

Huruuf iyo goodin

Qalbigu ka hantaaqo

Inuu huq ku beero

Si ay u halawdo

U hoorto cadaawe

Ayuu u hab leeyay

Cid hoy lehna waaye,

Hadii koran awra

Geeluun lagu hawlo

Maqalna laga haybsho

Halkaad filanaysay,

Waxaad holanaysay,

Ha joogto badniine

Khasaree ku heera

Maankaaga ku hayso,

Halaan shalaytoole

Lib waarta u haystay

Dadayna ku hiifay

Hubsiina u yeelan

Ayaa i hortaaloo,

Maantaanan huraynse

Laacbaa i horyaale

Xaqiiqdaan hilmaamay

Hiifaayay doraato

Anoo holanaaya

Ka yaaban halooca

Agnaanku i heeray

Inaan dan haleelo

Qalbigan i hogmaayiyo

Huqdaa i bidaysoo

Hankaa i faraaya,

Danlaydaad horeeto

Markaad haawanaysay

Hareer soconaysay

U heermay xilkaaga

Hankaana koryeelay

Markaad lib haleeshay

Hogaankana fuushay

Intaad hoos u eegto

Dugaagan hiigaaya

Intood hush tidhaahdo

Halkaad gacan siinlayd

Dantood ma hilmaamtoo

Halaqan ma u tuurtay

Hayntoodii ka xoogee

Haraati ku laayay.

Damiinka halooca

Danlayda hafraaya

Idilkood wada heeray

Cadaalada haybin

Aakhirana hilmaamay

Miyaad ku halaysay,

Jibaadkaad  horeeto

Markaad hiqda haysay

Shalay igu hawshay

Hamuuntii maku daysoo

Sibiq maygu hilmaamtoo

Maantuun ma i hiiftay,

Maalmahaa hadh sidiiya

Baritoole ha joogtee

Baahidaanse hadhaynba,

Ma idlaanin hadeerto

Daacadbaan mar hungoobin

Wali way i hadhay doobshe

Ilmadaadaad horeeto

Igu heertay dantayste

Xaqiiqdii helay maantee

Ha qun diidin maxsuulka

Wixii ku haleela

Hankaagan yar eerso,

Goranyadaa hilbaheeda

Iyagoo haawanaaya

Cidladay ku halaysay

Ku haneeda cadaawe

Halaquna ku qadhaabta

Hadafkeeduna uu yay

Hamadoy ka ramaysoo

Haakah maalmo tidhaahdo

Hohe waase baahin

Danbi aan ku helaynin

Ubadkeedi ay heertay

Hindiskiina  gadaasa.

Garaadkaygan hugmaayee

Hawaawinaaya marlayba

Waxa uu ka hiq leeyay

Maatidaa haawanaysee

Iyagoon huba haysan

Atoorkay hibanaysee

U huraysay codkoodu

Hiifayoo boobayee

Hilbuhuu ka jaraayo

Ku haameeya tolkii

Dhiiga uu ka haneedo

Ubadkiis u hanbeeya

Ee marka ay hiilba waydo

Eebaheen ma hilmaamshe

U hadhaysee samraysa.

Basharkaase cirwaynoo

Jamashadiisu  hadhayne

Hadaad maalmo dakeeysay

Ood hilmaamtay danbeeto

Adigoo hab hab leh

Sow ma hoorsan danlaydii

Shalay aad hatigaysay

Dhaayahaagii halayste

Markii aad sida haadka

Hawaadaa sare gaadhay

Holac aan ku masaalay

Biyo hooray gadood

Hoos ma u raaricsoo

Hiilba sow ma bidaysid

Hadhawna sow ma dabooshid

Hurahaad la baryaysay,.

Quluubtii eebe hanuunsho

Ma halawdo marlayboo

Hubaal waa u sugnaane

Waxba yaanan hacooga

U hoosayso sirtiisu

Dadna been ku hasawsha

Uba herin naftaydee

Hadafkayga gudoonsoo

Carbal yaanad hadhuubkaas

Dhiiga aad ku horayso

Huubadiisu ku aasin.