Hala Qaato Kaadhka Diiwaangelinta, Hana Loo Hiiliyo Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey

0
550

Waan dareemayaa in doorashooyinkii soo saari waayeen dadkii fiicnaa ee aynu rabnay, waan dareemayaa tabashooyin badan oo gar ah oo bulsha wayntu dareemayso, taasi oo keenay in ay lumiyaan xamaasadii y doorashooyinka u qabeen. Hadana ilaa imika sida umadu u kala badbaadaysaa  waxa weeye in la yidhaa qofkii damac lahaw sanduuq halkaa soo dhigo oo umada cod waydiiso, halkii xoog laga adeegsan lahaa. Cidii tala dhaanta haysana khayr alla ha siiye eh waa laga dhagaysane ha keento. Islaamkuna qaabka aynu maamulkeena u samaysanayno inaka ayuu inoo daayay waxa asal ah uun cidii xilka qabataa in Kitaabka Alle dadka ku dhaqdo iyo cadaalad iyo naxariis(oo Islaamku ina farayo) muslimiintana taariikhdooda dheer marka laga tago mudadii Nabiga iyo afartii Khaliif eek u xigay(oo uu shaneeyo Cumar Bin Cabdol Casiis) mudadaa kooban ee Khulafadaa marka laga reebo, Muslimiinta boqoro aad u dhib badan ayaa u talin jiray ilaa uu ka gadhay inuu yidhaa Dr. Xuseen Muunis oo cimrigiisa ku dhamaystay barashada taariikhda islaamka “garan maayo ilaa bilawgii xukunkii umawiyiinta nin madaxa oo aan xuma oo dhan samayn marka laga reebo Cumar Bin Cabdul Casis” hadalkaa waxa uu ku sheegay Kitaabkiisa “Islaamku waa ilbaxnimo” oo sucuudiga lagu daabacay.

mudo dheer ayaa boqoro aan waxba ka xaaraanti maysnayn umada u talinayeen. waxa uu ka sheekeeyaa Dr. Xuseen Muunis in ay khamriga cabi jireen, oo gabayaaga khamriga amaana abaal marin siin jireen hada waxa ay leeyihiin “sheeracada ayaanu fulinaynaa oo dalka ku xukumaynaa” hadalkaa waxa aan leeyahay aniga oo aad uga tiiraanyaysan sida (14) qarni muslimiinta uga guulsaysan waayeen in la soo celiyo khilaafadii hanuunsanayd.

dhawr iyo afartan sanadood oo aan arimaha wadaadada ku dhex jiray oo wax hagaajiya islahayn waxa arinkii ku danbeeyay kooxaysi oo xataa in umada ay ururiyaan shaki badan ku jiro, maxaa yeelay iyagii ayaa ururi la oo kala irdhoobay halkay wadaadada wax ka qaldameen. hadal aad u qiima badan ayuu ku sheegay Dr. Xuseen Muunis oo hadalkiiisu su’aasha ka jawaabayo. waxa uu yidhi Dr. Xuseen Muunis “Fikirkii Islaamka markii siyaasad la galiyay waxa uu ku danbeeyay in siyaasadii islaamkiiba ka xoog roonaatay taariikhdeenana (dheer) waxaana aad arkaysaa in taariikhdeena dhamaan noqotay loolan dhexyaala kuwii doonayay boqortooyada iyo awooda iyo xoolaha siyaasad darteed ayaynanu islaamkii u biraynay (gawracnay) waxa uu hadalkaa ku qoray kitaabkiisa “Islaamku waa Ilbaxnimo” markaa maanta maamulkaa aynu samaysanay dhaliilo ha yeesho hadana marka qayrkii la soo ag dhigo waaa mid wanaagsan

sidii Maxamed Siciid gees sheegayna waa Somalilander dhaba ah, Somali wax ay samaysan karto waxa ugu roon intaa Somaliland samaysatay waar inaka oo la ina majeeranayo tala xumada ha la iska ilaaliyo.

soomaali waa walaalo waa mid fiican ooh ore loogu hungoobay, hadana inkasta oo maamul aynu ku heshiin waynay inaka oo laba dawladood ah ayaynu wax badan wada babsan karnaa.

bal maanta xagaa iyo Ethiopia u bax oo wajaale gaadhi ku sii mar miyaanay la yaab ahayn in adiga oo waraaqahaagii kuu dhan yihiin aad warwarto inta aad dhexmarayso deegaan Somali leedahay.

soomali waa walaalo bal koonfur iyo (4.5) kooda eeg dadka masaakiinta ah ee aan qabaa’ilada aqoon ee sidii “red Indians” dhulkoodii lala wareegayo eeg. soomaali waa walaalo shalay iyo wixii soo dhacay iyadu buugaag ayay u baahantahay.

war Somaliland halagu faro adaygo, xukuumadana socdkeeda waanu garan la’anahay ee umada dareenkeeda ha ku shaqyso. waxa aan ku soo gabagabaynayn lahaa mid kaftana oo ku socota qolooyinka aanu dooranay oo aanu talaabadooda la jaan qaadi kari la’nahay garanay hadii sanadkaa lana dooran waayo waanu waalanaynaa oo idin dooranaybe’e taasi aanu fahmi la’anahay waxa ay noqotay hadii nala doortana waanu waalaynaynaa  waar dareenka umada ku shaqeeya oo waxa ay tabanayaan oo dhan waa ogtihiin magac iyo maamuus kaga taga.

Sheekh Maxamed X. Maxamuud Xiiray