Maansadan waxa igu dhaliyay kadib markaan arkay musuqmaasuqa baahsan ee sida xareeda u biyo dhigay dalkan curdinka ah ee hadana madaxdii wax ka qaban lahayd iskaga indho tirayso, Iyadoo aynu ogayn in maalin aad u dhawayd ay badda ku qarqoomeen in ka badan 250 ruux oo ah dhalinyaradeennii ah, isla intaa in 1000 jeer ku laabmaysaana nolol iyo geeri mid ay ku sugan yihiinba aan laga war hayn, arrintani waxa ay maskaxdayda ku dhalisay su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
Ma xalbaa loo waayay in la hakiyo tahriibka mise loomaba dhaqaaqin?
Maxaa eryay xoogeenii iyo xeeladeenii cusbayd?
Hadii aan rog rogay oon dadbadan oo waayeela la kaashaday jawaabtii iisoo baxday ayaa noqon wayday ama ka sal waynaatay jawaabtan ay madaxdu isku qanciyeen ee ah shaqo la’aan kaliya. Nin odaya oo la odhan jiray Caduur ayaa hore loo yidhi “Cadduurow qawduun maqashii waxna ha u qaban” Waxaan kusoo koobayaa waar halkani waa aduunyo mudo aad u yar ayaa la joogayaa walibana waxaad doonto intood isdaba mariso ayaad basharkan masaakiinta ah si kale u qancin kartaa laakiin ha ilaabin aakhiraa danbaysoo ilaahay been uma sheegi kartid beena kuma qancin kartid waayo iska daa afkaagee xubnaha jidhkaagoo dhan ayaa runta ku dhawaaqi doona cida qudha ee masuuliyadaas oo dhani ay saaran tahayna waa madaxwaynaha umadda.
Ilaahay raali haka noqdee Cumar Binu Khadaab ayaa maalin maalmaha kamida waxa arkay Cali Binu Abi Daalib isagoo Cumar salaadii subax intuu kacay sii lugaynaya oo boodhka kicinaya hadii uu cabaar sii daba orday ayuu gaadhi waayay kadib markii uu soo noqday ayuu waydiiyay, “Yaa amiirul muuminiin, xageed u kalahaysay una ordaysay?” wuxuu ugu jawaabay walaal geelii sakada islaamka ayaan hal waayayoo waan soo doondoonayey,
Markaasuu Cali Binu Abi Daalib aad ula dhacay oo yidhi, “Uf baanu leenay ka kaa danbeeya Cumarow” Wuxuu ugu jawaabay Cumar adigu Geelan sakada islaamkaad ka sheekaynaysaaye, “Haddii neef geeli wadada ciraaq ku kufo aniga ayaa uu ilaahay I waydiinayaa” Waxaan kusoo koobayaa Mudane Madaxwayne qalad kasta ama ha yaraado ama ha waynaadee oo laga galo qof kamida dadkan aad madaxda u tahay aduu ilaahay ku waydiin doonaa ee la soco.
Haleelay halkaan hilmaamay
Hantaaqe agnaana
Dantiisa ku hawlan
Hal aan hal ku dhaabin
Haybtiisa koryeela
Danlayna habawsha
Aduunkood halaysta
U baaqa hir beena,
Ka habranin maamul
Ayaa u hormooda,
Hu wayna la saartay,
Halyaygii dalkeena
U heeray jidhkiisa
Hibeeyay naftiisa
Haybad buu mudnaaye
Hoodhkana kuma qoysto
Barbaar cilmi haybshay
Horumar ku taamoo
Aduun hiigsanaaya
Heegadoy ina gayso
U heegana maanta
Huruuf iyo goodin
Qalbigu ka hantaaqo
Inuu huq ku beero
Si ay u halawdo
U hoorto cadaawe
Ayuu u hab leeyay
Cid hoy lehna waaye,
Hadii koran awra
Geeluun lagu hawlo
Maqalna laga haybsho
Halkaad filanaysay,
Waxaad holanaysay,
Ha joogto badniine
Khasaree ku heera
Maankaaga ku hayso,
Halaan shalaytoole
Lib waarta u haystay
Dadayna ku hiifay
Hubsiina u yeelan
Ayaa i hortaaloo,
Maantaanan huraynse
Laacbaa i horyaale
Xaqiiqdaan hilmaamay
Hiifaayay doraato
Anoo holanaaya
Ka yaaban halooca
Agnaanku i heeray
Inaan dan haleelo
Qalbigan i hogmaayiyo
Huqdaa i bidaysoo
Hankaa i faraaya,
Danlaydaad horeeto
Markaad haawanaysay
Hareer soconaysay
U heermay xilkaaga
Hankaana koryeelay
Markaad lib haleeshay
Hogaankana fuushay
Intaad hoos u eegto
Dugaagan hiigaaya
Intood hush tidhaahdo
Halkaad gacan siinlayd
Dantood ma hilmaamtoo
Halaqan ma u tuurtay
Hayntoodii ka xoogee
Haraati ku laayay.
Damiinka halooca
Danlayda hafraaya
Idilkood wada heeray
Cadaalada haybin
Aakhirana hilmaamay
Miyaad ku halaysay,
Jibaadkaad horeeto
Markaad hiqda haysay
Shalay igu hawshay
Hamuuntii maku daysoo
Sibiq maygu hilmaamtoo
Maantuun ma i hiiftay,
Maalmahaa hadh sidiiya
Baritoole ha joogtee
Baahidaanse hadhaynba,
Ma idlaanin hadeerto
Daacadbaan mar hungoobin
Wali way i hadhay doobshe
Ilmadaadaad horeeto
Igu heertay dantayste
Xaqiiqdii helay maantee
Ha qun diidin maxsuulka
Wixii ku haleela
Hankaagan yar eerso,
Goranyadaa hilbaheeda
Iyagoo haawanaaya
Cidladay ku halaysay
Ku haneeda cadaawe
Halaquna ku qadhaabta
Hadafkeeduna uu yay
Hamadoy ka ramaysoo
Haakah maalmo tidhaahdo
Hohe waase baahin
Danbi aan ku helaynin
Ubadkeedi ay heertay
Hindiskiina gadaasa.
Garaadkaygan hugmaayee
Hawaawinaaya marlayba
Waxa uu ka hiq leeyay
Maatidaa haawanaysee
Iyagoon huba haysan
Atoorkay hibanaysee
U huraysay codkoodu
Hiifayoo boobayee
Hilbuhuu ka jaraayo
Ku haameeya tolkii
Dhiiga uu ka haneedo
Ubadkiis u hanbeeya
Ee marka ay hiilba waydo
Eebaheen ma hilmaamshe
U hadhaysee samraysa.
Basharkaase cirwaynoo
Jamashadiisu hadhayne
Hadaad maalmo dakeeysay
Ood hilmaamtay danbeeto
Adigoo hab hab leh
Sow ma hoorsan danlaydii
Shalay aad hatigaysay
Dhaayahaagii halayste
Markii aad sida haadka
Hawaadaa sare gaadhay
Holac aan ku masaalay
Biyo hooray gadood
Hoos ma u raaricsoo
Hiilba sow ma bidaysid
Hadhawna sow ma dabooshid
Hurahaad la baryaysay,.
Quluubtii eebe hanuunsho
Ma halawdo marlayboo
Hubaal waa u sugnaane
Waxba yaanan hacooga
U hoosayso sirtiisu
Dadna been ku hasawsha
Uba herin naftaydee
Hadafkayga gudoonsoo
Carbal yaanad hadhuubkaas
Dhiiga aad ku horayso
Huubadiisu ku aasin.