Halbeega Himilada Macallinka Somaliland Khaalid Foodhaadhi

0
768

Kaddib markii Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’day dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya waxa dalka soo maray marxalado kala duwan, kuwaasi oo ay ugu darnayd dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay, iyadoo dagaalladaasi ay saameyn ku yeesheen nolosha dadkii shacabka ahaa gaar ahaan waxbarashada oo ah tiir muhiim u ah nolosha bina’aadamka.

1

Xaaladda waxbarasho ee dalka Somaliland waxay soo martay  marxalado adag oo kala duwan, iyadoo wakhtiyadaasi kala duwanna ay dugsiyada waxbarasho ee dalka ka hawl-galayeen macallimeen u heelanaa inay ubadka dalkooda ka saaraan jahliga iyo aqoon la’aanta.

Macallimiinta dalka Somaliland wax ka dhigta gaar ahaan kuwa dugsiyada dowladdu waxay soo mareen marxalado kala duwan, kuwaasi oo wakhtiyo badan ardayda wax usoo dhigaayay iyadoo xaaladda dalkuna ay ahayd mid aad u hoosaysa dhaqaale ahaan.

Haddaba, Macallin Ibtisaam Ibraahim Ismaaciil waxay ka mid tahay macallimiinta tirada yar ee marxaladahaasi kala duwanaa ee dalku soo maray ardayda dalka wax u dhigaayay, iyadoo macallimad Ibtisaam ay ardayda dalka wax baraysay ku dhawaad labaatan sanadood.

Macallimada ayaa waxa ay ardayda reer Somaliland waxbarashada uga soo bilowday Xerooyinkii Qoxootiga ee dalka Ethiopia, iyadoo markii dambe ee dalka lagu soo noqday halkaasi kasii waday tacliintii ay ardayda dalka u dhigaysay.

“inta aan macalin ahaa waa ilaa 2000 oo qaxoontigii ka dhigi jiray Rabaso Itoobiya, 2004kii haddana Hargeysaan ka bilaabay iskuulka hoose dhexe ee Laanta Hawada, 2013kiina dugsiga sare ee Maxamed  Mooge ayaan  ka noqday maamulaha gelinka danbe, 2013kii ilaa iminkana Maxamuud Axmed Cali ayaan maadada Afsoomaaliga ka dhigaa” ayay tidhi Macallimad Ibtisaam Ibraahim oo u warantay Wariye Khaalid Foodhaadhi.

Haweenaydan Macallimada ah ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay inay soo saartay arday iyo caruur tiro badan oo maanta qaarkood ay meel sare ka gaadheen heerka waxbarasho ee dalka.

“Waxaanan u arkaa in aan  wax baro Ubaxa dalka in aanay jirin wax ka qiimo badan oo la qabtaa  if iyo aakhiraba” ayay tidhi Macallimad Ibtisaam oo intaasi ku dartay “Bulshada dhexdeedana waxa aan anigu qabaa in  uu macallinku yahay ka ugu sumcadda iyo bulshada badan”.

Dhinaca kale, Macallimiinta dalka Somaliland gaar ahaan kuwa dugsiyada Dowladda ka hawl-gala ayaa waxay ardayda wax kusoo bareen xaalado adag oo dhanka dhaqaalaha ah, wallow wakhtiyadaasi kala duwanaa ee dalku soo maray ay macallimiintu ahaayeen kuwo usoo dhabar adeegay inay ubadkooda wax baraan.

Si kastaba ha ahaatee, Ka hor xukuumaddan madaxweyne Silaanyo ma jirin wax mushahar ah oo dolwadda Somaliland ay siin jirtay macallimiinta dugsiyada dowladda marka laga reebo tiro macallimiin ah oo aad u koobnaa, balse xukuumadda Somaliland ee haatan jirta ayaa waxay bilowday markii ay talada dalka la wareegtay in macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ay mushaharaad u bilowdo  – wallow mushaharkaasi aanu ahayn mid ku filan barayaasha, haddana wuxuu u muuqdaa bilow wanaagsan.