Agaasimaha Deegaanka Oo Ka Hadlay Olole Bacda Ka Dhan Ah

0
616

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Eng: Maxamed Cilmi Xuseen ayaa ka hadlay olol ay ku dabar jarayaan bacaha, kuna fuliyaan Digreetadii Madaxweynaha, waxaanu sheegay in cid walba oo ay ku arkaan baco ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, waxaanu tilmaamay inay Maxkamadda sare ka haystaan warqad u fasaxaysa inay meel kasta baadhan.

1

Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Eng: Maxamed Cilmi Xuseen oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada ugu digay dhibaatada Bacda kun booriyey inay ilaaliyaan Deegaanka iyo Dhirta, waxaanu yidhi “Ololahan Bacdu waa Olole qiimo badan, oo lagu ilaalinayo Deegaanka oo Digreetadii uu Madaxweynuhu soo saaray ayaana lagu fulinayaa, oo Wasaaradda Deegaanka iyo Dawladda hoose ayaa iska kaashanaya ololahan, waxaana ololahan lagu daba jarayaa bacda,taas oo dad iyo duuwanyo iyo deegaanba wax yeelaysa,marka Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqaya in arintaas gacan nagu siiyaan,bacna maahe waa aafo, waana aafo deegaan, Ciidaamada, Madaxda Gobolada, Badhasaabada iyo  Isuduwayaasha waxaan leeyahay waa inay dardar galiyaan ka hor taga aafada Bacda oo talaabo ka qaada cid walba oo ay ku arkaan,”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanku mar uu ka hadlaayey warqad fasax ah oo ay ka haystaan Maxkamada sare oo u fasaxaysa inay baadhan meel kasta ayaa yidhi “Waxaana haysanaa warqadii noo ogolonaaysay in Bakhaar kasta, Dukaan kasta, Meher kasta,Baabuur kasta  iyo meel kasta aanu ku gali karo kuna baadhi karno waxaana warqadan ka  haysana Maxkamada Sare, markaas waa in aad la iskaga ilaaliya Bacda oo dhibteedu aad u badan tahay, oo dhibaateeda dadku wey arkeen,waxaana doonaynaa in dadku deegaanka u soo jeestaan, oo wixii wax yeelaynayana dhinaca uga soo wada jeestaan”.

Dhinaca kale Agaasimuhu waxa uu Bulshada qaybaheeda kala duwan ku booriyey inay aad u ilaaliyaan oo xanaanayeen dhirta, kana daayaan jaritaanka iyo inay dhuxul ka dhigtaan.