Hal-Qabsiyo Iyo Maahmaayo Ay Bulshooyin Kala Duwani Ka Yidhaahdeen Dumarka (Qaybta: 2aad)

0
921

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo ah tii labaad uguna dambaysay waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa maahmaahyo iyo halqabsiyo ay bulshooyin kala duwani ka yidhaahdeen dumarka, waxa ay ka hadlayaan sifooyinkooda, qaabkooda, xarakaadkooda iyo dabeecadahooda, waxaana ka mid ah:

– Gabadhu illaa ay Afar iyo toban jir gaadho waxa ay jeceshay maaweelada iyo maadsiga. Marka ay 18 jir gaadhana waxa ay doontaa in ay guursato, 30 jir marka ay da’deedu gaadho waxa ay ku dadaashaa in aanay quruxdeeda iyo jinniyadaheedu ka lumin, marka ay 40 sano gaadhana waxa ay jeceshay in ay illowdo gabowga iyo jiritaankiisaba.

– Gabadha aad doonayso in ay waalato, maalin dhan muraayad ha tusin.

– Gabayaagii weynaa ee Ingiriis John Milton ayaa la weydiiyey sababta keentay in la ogolaado in dhaxal-suge boqortooyo oo 14 sano jir ahi uu xilka qabto, iyada oo la og yahay in aan ninka isla da’daas ah loo ogolayn guurka, sharciga Ingiriisna dhigayo in aanu guursan illaa uu 18 gaadho. John Milton waxa uu ku jawaabay, “Dawlad in la xukumo ayaa ka fudud in gabadh la xukumo”

– Gabadhu waxa ugu badan ee ay ka fikirtaa waa mustaqbalkeeda, illaa ay guursato, ninkuna illaa uu guursado mustaqbalba kama fikiro.

– Haddii gabadh Labaatan sano jir ah loo sheego in nin soo doonayo, waxa ay tidhaahdaa, “Waa si deggen u tidhaahdaa waa nin noocee ah?” Haddii iyada oo Soddon jir ah loo sheegana, waxa ay tidhaahdaa, “Waa kuma / Kee? Haddii ay Afartan sano gaadho oo loo sheegana waxa ay tidhaahdaa, “Mee / Halkee uu joogaa?”

– Gabadhu laba jeer oo ay indhaha isku qabato laba ujeeddo ayaa ay kala leedahay: Haddii iyada oo lala haasaawayo ama ereyo haasaawe ah lagula hadlayo ay indhaha isku qabato waxa ay doonaysaa in ay hadalladaas dhadhansato oo ay ku raaxaysato. Haddii ay indhaha isku qabato iyada oo lala talinayana waxa ay doonaysaa in ay seexato.