Hal-Abuurku Aan Lacag Ku Xidhnayn: Arday Curisay Qalab Sida Aadamaha U Shaqaynaya Oo Gubashada Bakhtiinaya

0
642

Ankara (Geeska)- Koox arday ah oo wax ka baratay kuliyadda Injineeriyadda Korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeya ee jaamacadda Cusmaan Qazi ee dalka Turkiga ayaa ku guulaystay samaynta mishiin aadame-la-mood ah oo lagula dagaalamo dabka.

Qalabkan ayaa leh nidaam dareen oo uu ku garanayo dabka, kadibna iskii ugu dhaqaaqayo si uu u bakhtiiyo, iyada oo sida oo kalana lagu dhaqaajin karo qalab meel durugsan laga xakamaynayo. War uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay wakaaladda wararka Turkiga kaga soo xigatay Fu’aad Beyrsaaqliiq oo bare ka ah kuliyadda isla markaana ardayda hal-abuurkan samaysay la’ taliye u ahaa, waxa uu sheegay in kooxdani ay samaysay mishiinkan dabka lagula dagaalamayo oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in si aad ah loo yareeyo ama loogaga maarmo dadka hadda loo adeegsado dab-damiska oo inta badan uu khasaare nafeed soo gaadho. Fu’aad oo arrintan uga warramay Anadool waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Ardaydayadu waxa ay ku guulaysteen in ay muddo saddex bilood ah ku sameeyaan aadame-la-mood awood u leh in uu iskii u ogaado dabka iyo sida oo kale in lagu ogeysiiyo qalab meel durugsan lagala joogo (Rimuud). Waxa aanay taasi yaraynaysaa khasaaraha dadka soo gaadha marka ay dabka bakhtiinayaan”

Afhayeen isna u hadlay kooxda ardayda ah ee hal-abuurkan samaysay ayaa yidhi, “Qalabka aanu samaynay oo uu ku rakiban yahay qalab dab-damis ahi waxa uu si sahal ah u geli karaa meelaha ay adagtahay in qofku uu galo marka uu meel gubatay daminayo, sidaa awgeed waxa uu yaraynayaa khasaarihii nafeed ee dadka dab-damiska soo gaadhi lahaa”