Haddii Hoggaamiyahaagu Aanu Lahayn Calaamadahan, Ku Talagal In Aanu Guul Kugu Hagi Doonin (Q:2aad)

0
816

Washington (Geeska)- Qaybtii labaad ee Qormadii lagu daabacay majaladda caanka ah ee ‘Forbes’ oo uu qoraaga Mike Myatt kaga warramayey dabeecado iyo habdhaqanno ay tahay in hoggaamiyaha lagu arko, laakiin aan hoggaamiyaha xun laga helin.

  1. Guushii uu shalay gaadhay ma damaanad qaadayso in uu maantana guulaysto

Dhibaatooyinka haysta hoggaamiyaha xun waxaa ka mid ahaa hawl gudasho la’aan, iyo guuldarro aanu ka fikirin si uu uga gudbo. hoggaamiyuhu in uu qorshe fiican keeno ama loo keeno, kaddibna fulinteeda bilaabo gudahashada hawshiisu kuma eeka, balse waxaa u taalla tiirkii ugu muhiimsanaa oo ah in uu la socdo geeddi socodka mashruuca uu fulinayaa inta uu gaadhayo bartilmaameedkiisa u dambeeya.

Inkasta oo hawlgudasho fiicnaantii hore aanay qasab ka dhigayn in guul uu mustaqbalka ka keeno, haddana waxa aanu shaki ku jirin in guulo badan oo uu hore u sameeyey aan la dhayalsan karin.

  1. Hoggaamiye wax-walba oge ah

Hoggaamiyaha fiicani waa ka si sax ah u og, galdalooladiisa aqooneed, isla markaana garawsan in aanu wax kasta garanayn ama ogaan karin. Muhiim maaha in hoggaamiyuhu uu yahay kan ugu maskaxda badan inta qolka la fadhida, balse waa in ay ka go’naataa in uu dadka kale oo gacanyareyaashiisu ka mid yihiin wax ka bartaa. Laakiin waxaa iyaduna jirta xaqiiqada ah in hoggaamiye hadda waayo-aragnimadiisa hoggaamineed koraysaa in aanu hoggaamin karin, hay’ad, ganacsi ama dawlad hadda uun koraysa.

Tilmaamaha hoggaamiyaha fiican waxaa ka mid ah in uu mar kasta u ooman yahay waayo-aragnimo korodhsi iyo helidda xogta runta ah, taasna uu go’aamadiisa kud hiso. Haddii hoggaamiye aanu faduuli ku ahayn ogaanshiyaha dhinac kasta oo ka mid ah ururka ama hay’adda uu hoggaaminayo, waa calaamad muujinaysa in mustaqbal aan fiicnayni ka horreeyo hoggaamintiisa.

  1. Xidhiidh laawe

Marka uu hoggaamiyuhu ku guuldarraysto in uu xidhiidh la yeesho dadka uu xukumayo iyo inta ay hawshu ka dhexeyso. Hoggaamiyaha ku xun xidhiidhku waxa uu u gacan galaa kuwo aan waxba ogeyn oo jaahwareeriya.

Marka aad taariikhda dib u raacdo waa ay adagtahay in aad hesho hoggaamiye xirfadda xidhiidhkiisa bulsho hoosayso oo guul ka gaadhay hanashada bulshadiisa, ama muddo ku waaray mansabkiisa.

Hoggaamiyaha weyni si wax-ku-ool ah ayaa uu hababka kala duwan ee u furan ugula xidhiidhaa bulshadiisa, iyo dadka uu codkooda ku yimi.

Dabeecad kale oo xidhiidhka hoggaamiyaha ka mid ah ayaa ah in uu dhegeyste fiican yahay, marka cidda dhaliilaysa iyo hadallada aanu jeclaysanayni ka hor yimaaddaan, ama xogta qadhaadh iyo talooyinka adag la siinayo. Waa in uu yahay qof hab-fikir maangal ah leh, xallinta dhibaatada ku fiican, isla markaana xariif ku ah marka ay tahay in uu xidhiidhka iyo doodda dejiyo, marka ay tahay in uu cirka ku shareero iyo marka ay ku wacan tahay in uu afkaba ka xidho.

  1. Qab iyo is-qancin

Haddii uu hoggaamiyuhu uu fahmi kari waayo aragtida ah, ‘Hawsha aad qabanayso niyad u fal’ waxaa ku adkaan doonta in ay kalsooni, daacadnimo iyo taageero ka helaan dadka ay hoggaaminayaan. Wanaagga hoggaamintaadu waxa uu ku imanayaa qiraalka cidda aad hoggaamiso.

Aniga-da badan, kibirka iyo is-qancintu kama mid ahaa tilmaamaha hoggaamiyaha fiican. Hoggaamiye run ahi waa kii canaanta qaada, samaha soo dhoweeya, kana suurtawdo in uu cid kale ka horreysiiyo naftiisa.

  1. Hoggaamiye rumaystay in jacayl iyo hoggaamini aanay is raaci karin

Waxaa jirta aaminsanaan bulshooyin badan oo adduunka ku dhaqani iska dhaadhiciyeen oo ah in ‘Jacayl’ iyo ‘Hoggaamini’ ay yihiin laba erey oo aan hawraar keliya keliya wada geli karin. Waxa se hubaanti ah in ay dhif tahay hoggaamiye guulaystay oo aanu jacayl hoggaamintiisa iyo hawlgudashadiisa qayb ka ahayn.

Runtii haddi iaad baadho, hoggaamiyeyaasha guuldarraysta, waxa aad dhammaantood arkaysaa in jacayl ku qayb ka yahay guuldarradooda.

Jacayl la’aan, jacayl marin habawsan, ama jacayl si qaldan loo adeegsaday, ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee guuldarradiisa, waaba haddii aanu ahayn sababta keliya ee guuldarrada ku keentay. La dareen la wadaagista cidda aad hoggaaminayso, dhibirsanaanta, aadamenimada, iyo naxariista oo marar badan loo arko in ay yihiin goldaloolo iyo jiliic ayaa ay runtu tahay in ay yihiin calaamadaha awoodda siiya hoggaamiyaha.

  1. Waa Tayda ama waa kala tegis

Dhibirsanaanta iyo habraaca dabacsani waa jidka ay hoggaamiyeyaasha guulaystaa u maraan xoojinta hoggaamintooda. Waxa ay garawsanyihiin, awoodda iyo muhimmadda ay arrintani u leedahay in hoggaamiyaha ay u suurtagasho in uu qaybiyo kana wada faa’iideeyo ilaha awoodeed ee kala duwan ee uu haysto, iyo in ay isla jaanqaadaan.

Waa xirfad hoggaamiyaha ka caawisa in uu si isu dheellitiran uga wada faa’iideeyo ilaha uu haysto ee dhaqaale, dad iyo farsamo ay ka mid yihiin si waafaqsan geeddiga uu ku gaadhayo hiigsigiisa.

‘Talo waa tayda oo la raaco ama in la kala tago’ waa aragti hoggaamineed oo aan dunida maanta ka shaqayn karin. Ku dhaqankeedana waxa uun ka dhasha, waxaa laga dhaxlaa burbur iyo nidaam aan midho dhal noqon.

Hoggaamiyaha awoodda u leh in uu dhaqso u garawsado, habraaciisa maamulna u waafajiyo xaaladda hadba taagan, ayaa ah hoggaamiyaha guul waarta gaadhi kara.

Hoggaamiyaha fiicani ma’a aamino lahaanshiyo ee waxa uu ku dhaqmaa ilo kala duwan in hoggaamintu ka timaaddo, waa uu tanaasulaa, isaga oo og in talada oo dhan aanu gacantiisa oo keliya ku ururin karin, iskaashiga ayaanu ka jecel yahay in waxa uu isagu yeedhiyo uun lagu dhaqmo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here