Haddii Ay Dhacdadu, Dhacdo: Cali Cumar Xasan Guuleed

0
648

Picture8Waagii baryaaba waayo leh, shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/10/2015 waxa dhacday in tiradii wasiiro ugu badnaa ay hal mar iska wada casileen xukuumada uu gadhwadeenka u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaanay Wasiiradaasi saluugeen habdhaqanka dhexdexaadnimo ee madaxweynaha oo dhawr jeer oo hore ugu balan qaaday bulshadana u cadeeyay in uu dhex ka yahay musharixiinta ku loolamaya tartanka musharaxa Xisbi xaakimka Kulmiye. Su’aashu waxa weeye xibiga KULMIYE, waxma ka bartay burburkii ku dhacay xisbigii UDUB, iyo labada xisbi qaran ee kale. Abwaan Siciid Saalax waxa laga hayaa:

Haddii ay dhacdadu dhacdo;

Haddii ay dhugmadu dhunto;

Haddii uu dhalaan dhalo;

Haddii ay dhimato dhimashadu;

Dhalan-dhoolka noloshiyo

Dhanaankiyo macaankaba

Aadmigaa dhanfali kara

Dhaameelku waa midho

Kama muuqdo dheecaan

Dhilowyahanku waa geed

Dhulka xididka kuma muddo.

Waxa ay ahayd in  Madaxweynuhu ka odayeeyo oo raga loolamaya isku jiid-jiido, haddii kalana sidii uu balan qaaday dhex ka ahaado oo xisbiga si dimuquraadi ah loogu dhex tartamo, afkiisa iyo uurkiisuna is-waafaqaan, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa “Rag Cadaalad Waayaa Sidii Cawsha Kala Yaac”. Waxa kale oo ay ahayd in uu qiimeeyo culayska ay arintani leedahay, iyada oo ay dhibaatooyin badan oo kalana dalka ka taagan yihiin.

Guntii iyo gabagabadii, dhacdadaa shalay dhacday maxay faa’iido iyo khasaare u leedahay musharaxiinta affarta ah ee ku  tartamaya Kulmiye, maxay khasaare u leedahay xukuumada? Maxay Soomaaliland saameyn ku yeelan doonta guddo iyo dibadba?

 

Cali Cumar Xasan Guuleed

Guuleed Hotel